Tuesday, May 26, 2015

“Xasan & Jawaari ayaa ka dambeeyey wixii shalay dhacay” Waxaa sidaa yiri…


Qaran News 24 logo

May 24, 2015 Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo si yaabo kala duwan ula hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu isku dayayo inuu is hor istaag ku sameey mooshinka laga keenay xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Jubbaland, uuna shalay baajiyay kullankii cod qaadista..
Xildhibaanadaan waxa ay sheegeen in sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka uu gacan ku siinaayo Madaxtooyada sidii meesha looga saari lahaa mooshinkaan, waxaana ay ku goodiyeen Xildhibaanada inaysan arintaasi aqbali doonin.
Waxa ay ku waramayaan Xildhibaanadaan in Guddoonka Baarlamaanka shaqadiisa ay tahay inuu Xildhibaanada ku hogaamiyo wixii ay la yimaadaan, waxaana ay uga digeen, hadii uu joojin waayay ku garab siinta Madaxtooyada hakinta mooshinkaan in Guddoonka qudhiisa ay tallaabo ka qaadayaan.
“Arintaan mooshinkaan maalintii saddexaad dib loo dhigaayo Guddoonkana Madaxtooyada uu gacan ku siinaayo, waxaan u sheegayaa umadda Soomaaliyeed inaan arintaasi u dulqaadan doonin, wax waliba oo Baarlamaanka la horkeeno mooshinkaan ayaa ugu horeeyo, Guddoonka waxaan ka codsanaynaa inuu joojiyo faragelinta Madaxtooyada ka imaanaysa ee garabka uu siinaayo.” Ayeey u sheegeen Warbaahinta Xildhibaanadaan.
Hadalkooda waxa ay intaasi ku dareen “Guddoomiyaha anagaa dooranay wixii Baarlamaanka isku raaco ayuu nagu hogaaminayaa, hadii uu Guddoonka joojin waayo faragelinta uu arintaan ku haayo, isaga ayaan tallaabo ka qaadaynaa.”
Shalay ayeey aheyd markii la qal-qalgeliyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo is hor istaag lagu sameeyay, xilli ay doonayeen inay ku shiraan xarunta Golaha shacabka waxaana loo sheegay Xildhibaanada in Xarunta Golaha shacabka qaraxyo lagu aasay oo aysan suuragal aheyn inay ku shiraan, inkastoo ay dhaga adeeg ka muujiyeen arintaasi Xildhibaanada oo ay ku shireen aqalka Golaha shacabka.
Xubnaha Baarlamaanka ee mooshinka ka keenay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, qaabka loo soo xulay ayaa ku adkeesanaayo in mooshinkooda cod loo qaadaayo oo aysan ka hari doonin.
baarla6 

 Halkan ka akhri: http://qarannews24.com/?p=13397

No comments:

Post a Comment