Saturday, April 29, 2017

Ma dhabbaa in Salafiyiintu ay ka duwan yihiin Shabaab iyo Daacish?

Maandoon
cabdisaciid-cabdi-ismaaciil1
Maqaalo 

Muddooyinkaan danbe ururrada Salafiyiintu waxay isku dayaan in ay iska fogeeyaan ururrada xagjirka ah sida Alqaacido, Alshabaab iyo Daacish, mararka qaarkoodna ururadaan waxay ugu yeeraan in ay yihiin Khawaarij diinta khalad u fahmey[i].
Laakiin xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ahi waxay tahay in fikirka Salafigu uu yahay kan dhalay ururrada xagjirka ah, ilaa iyo haddana faafiya isla afkaarta nacaybka iyo gaalaysiinta ku dhisan ee xagjiriintu ay ka duulaan.
 Tusaale ahaan, marka isbarbardhig fudud lagu sameeyo afkaarta ururradaan xagjirka ah iyo kuwa Salafiga waxaan ogaanaynaa;
  • Afkaarta Al-Qaacido, Daacish iyo Al-Shabaab ay ka duulaan waa kuwo ay ka soo xigtaan Ibnu Taymiyah iyo Maxamed bin Cabdiwahaab waana isla afkaarta uu ku qotomo fikirka Salafigu. Daacishna waxay isku metalaan dowladdooda iyo dowladdii Sacuudiga ee 1-aad, waxayna sheegaan in hoggaamiyahooda Abuu Bakar al-Baqdaadi uu ku taagan yahay waddadii Shiikh Maxamed bin Cabdiwahaab[ii].Waxaana jira warbixinno sheegaya in Daacish deegaannada ay qabsadaan ay ku faafiyaan afkaartii iyo qoraallada Shiikh Maxamed bin Cabdiwahaab iyo ardaydiisa ay ugu caansan yihiin Ibnu Bishir[iii] iyo Ibnu Ganaam[iv].
  • Marka laga yimaado culumadaas hore, ururrada xagjirku waxay adeegsadeen qoraallada ragga ay ka midka yihiin Cabdalla Casaam, Abuu Muxamed al-Maqdasi, Bin Laadin, Eyman Adawaahiri, Abuu Muscab Asarqaawi iyo qaar kale oo ka mid ah ragga loogu yeero Salafiyada jihaad doonka ah. Dhab ahaantiina, Salafiyiintu inkasta oo ay mararka qaarkood isku dayaan in ay raggaan iska dheereeyaan, haddana si run ah uma dhaleecayn karaan afkaarta raggaan, waayo waxay ogyihiin in doodda raggaani ay ku qotonto dhaxalka dhabta ah ee fikirka Salafigu uu ku taagan yahay, haddii afkaartooda si dhab ah loo dhaleeceeyana uu fikirka Salafiga oo dhammi si fudud ku dumayo.
  • Al-Shabaab iyo Daacish waxay ka duulaan caqiidada ama mabda’a ay ugu yeeraan “Taageeridda iyo Colaadinta” (=Loyalty and Enmity/الولاء والبراء), oo ah mabda’a dadka iyo dunidaba u qaybiya labo teendho ama labo guri oo aan shaqo isku lahayn, oo kala ah teendho muslim iyo mid gaalo. Caqiidada walaha iyo barahuna waa mid tiirdhexaad u ah fikirka Salafiga, ayna aamminsan yihiin in xiriir kasta lagu saleeyo.
  • Al-Shabaab iyo Daacish ma oggola fikradaha dimoqoraadiyad, xisbiyo badan iyo baarlamaan sharci dejiya, fikirka Salafiguna isla afkaartaas buu qabaa.
  • Al-Shabaab iyo Daacish ma oggola in haweenku kaalin muuqda ku yeeshaan arrimaha bulshada. Tusaale ahaan, ma oggola in haweenku xilalka sare ee qaranka – sida madaxweyne, ra’iisuwasaare, xildhibaan, qaalli, wasiir, iqk- ay qabtaan,isla fikraddaasna waxaa har iyo habeen faafiya wadaaddada Salafiyiinta.
  • Alshaab iyo Daacish ma oggola in qof aan muslim ahayn uu xil ka qaban karo waddan muslim ah, sidaana waxaa u laqinay macallimiintooda Salafiyiinta ah.
  • Alshabaab iyo Daacish muslimiinta ka fikirka duwan sida Suufiyada, Ashaacirada iyo Shiicada waxay u arkaan gaalo islaamka iyo muslimiinta uga khatar badan Yahuudda iyo Kirishtanka, taasina waa fikirka dhabta ah ee Salafiyiinta. Salafiyiintu waxay qabaan in Suufiga lagu jihaado ka hor inta aan Yahuudiga lagu jihaadin, waayo Suufiga waxay u arkaan cadow gudaha kula nool oo ka khatar badan kan dibedda.
Run ahaantii, farqiga u dhexeeya Alshabaab iyo ururrada Salafiyiintu ma ah farqi xagga nooca ah ee waa farqi xagga heerka ah, haddii aan si kale u dhigno ururadaani kuma kala duwana afkaarta ay rumaysan yihiin, laakiin waxay ku kala duwan yihiin dhanka geesinimada oo keliya, oo Alshabaab iyo kuwa la midka ahi waxay diyaar u yihiin in ay u dhintaan waxa ay rumaysan yihiin, halka Salafiyiinta kale aysan doonayn in ay naf iyo maal u huraan hirgelinta afkaarta ay rumaysan yihiin ee habeen iyo dharaar ay dadka ugu baaqayaan.
Guud ahaan, fikirka Salafiga iyo kan Daacish iyo Al-Shaab dhanka aragtida waxay wadaagaan in muslimiinta si fudud lagu gaalaysiiyo, dhanka dhaqankana waxay ka siman yihiin in colaad iyo nacayb loo muujiyo cid kasta oo ka feker duwaan, haddii duruuftu saamaxdana seefta laga aslo. Waxaana lagu dooday in xiriirka Salafiyadu la wadaagto Daacish iyo Alshaab uu la mid yahay xiriirka ka dhexeeya hooyo iyo ilmo ay gogol-dhaaf ku dhashay! Hooyadaasi si sahlan kuma qiran karto ilmaha ay meher la’aanta ku dhashay, isla markaana ma awooddo in ay qariso dareenkeeda hooyonimo!.
Shiikh Caadil Al-Kalbaani oo ahaa imaam ka tujin jirey masjidka Xaramka ee Maka al-Mukarama wuxuu dhowr jeer cod dheer ku sheegay in Daacish tahay “abuur ay dhashay salafiyadu loona baahan yahay in si cad loo wajaho/ داعش نبتة سلفية يجب أن نواجهها بشفافية”, oraahdaas oo buuq badan dhalisay, Salafiyiintuna ay aad u dhibsadeen. Shiikha oo arrinkaan laga waraystayna wuxuu yiri: “Fikirka Daacish xanbaarsan tahay waa fikir Salafi ah, Iyadu Ikhwaani ma aha, Qudbi ma aha, Ashcariyo ma aha, Suufiyana ma aha, waxay daliishadaan waxa buugtayada ku qoran/ الفكر الدي تحمله داعش فكر سلفي، فهي ليست اخوانية ولا قطبية، ولا أشعرية ولا صوفية، ويستدلون بما في كتبنا نحن” (Halkaan ka daawo waraysiga Shiikh Caadil Kalbaani: https://www.youtube.com/watch?v=5gCyPrGc9ms).
Dhab ahaantii ma jiro farqi la taaban karo oo u dhexeeya afkaarta Salafiyada, Daacish iyo Alshabaab. Tusaale ahaan, Dr. Mansuur al-Hajla oo ah cilmi-baare u dhashay dalka Sacuudiga oo faallo ka bixiyey doodda Shiikh Caadil Kalbaani wuxuu caddeeyey in hadalka Shiikhu uu xaqiiqo dhab ah ku salaysan yahay, oo Daacish ay si buuxda uga tarjumayso afkaarta Salafiga, siiba nuqulkeeda Wahaabida Najdi ama Wahaabida walaalaha kuwa Alle addeeca/ إخوان من أطاع الله (Kooxda loo yaqaan magaca “Walaalaha kuwa Alle addeeca waxay ka tirsanaayeen Wahaabiyiintii boqor Cabdicasiis askarta u ahaa, waxayna ku caanbaxeen in ay aad daacad ugu ahaayeen afkaartii Shiikh Maxamed bin Cabdiwahaab, ayna gaalaysiiyaan beelaha diida in ay qaataan afkaartooda, dabadeedna ay beelahaas dagaal ku qaadaan ka dib marka ay ku xukumaan in ay riddoobeen. Ugu danbayntiina, ciidan ahaan ururkaan markii danbe waxaa baabi’iyey boqor Cabdicasiis ka dib markii uu sannadkii 1929kii ku qaaday dagaalka ku caanbaxay “Dagaalkii Sabla”. Dagaalkuna wuxuu dhashay ka dib markii ay iska horyimaadeen danihii boqorka iyo afkaarta wadaaddadaan)[v].
Dr. Mansuur AlHajla wuxuu xusay 19 qodob oo Daacish ay ka qaateen Salafiyada, waxaana ka mid ah[vi];
  • Nolosha waxaa asal u ah dagaal, nabadduna waa mar la arag
  • Asal ahaan dhiigga gaalku waa xalaal
  • Sababta gaalada loola dagaallamayo ee jihaadka loogu qaadayaa waa gaalnimada ee ma ah dulmi ay geysteen.
  • Dimoqoraadiyaddu waa gaalnimo
  • Waa gaalnimo in dadku qaanuun dejistaan (تكفير القوانين الوضعية)
  • Waa gaalnimo in gaalada la miciinsado (تكفير مظاهرة الكفار)
  • Qofkii aan gaalada gaalaysiin ama ka shakiya gaalnimadooda wuu gaaloobayaa
  • Gaalaysiinta madaxda dunida Islaamka
  • U ol’olaynta helidda dowlad islaam ah iyo soo celinta imbiraadooriyaddii khilaafadii Islaamka
  • Taageeridda hadba ciddii awoodda dalka maroorsata (الخضوع والطاعة للمتغلب أو الجمعة مع من غلب)
  • Diididda in beesha caalamka wax lala wadaago (رفض النظام الدولي والمشاركة فيه)
  • Taageeridda xadka riddada (Arrinkaan Salafiyadu goonni kuma ah balse waxaa la wadaaga muslimiin badan)
  • Gaalaysiinta Shiicada Itnaa Cashariyada iyo Nuseyriyiinta
  • U dulqaadasho la’aanta ciddii ka aragti duwan
  • Isla qummaan iyo u haysashada in fahankooda oo qura uu yahay fahanka saxda ah ee diinta (النظرة الوثوقية والجزمية في فهم الدين).
Dhanka kale, si dooddaan liddi ku ah, dadka isku daya in ay difaacaan Wahaabiyada iyo fikirka Salafigu waxay ku andacoodaan in Wahaabiyadu ay tahay dhaqdhaqaaq xalaal ah oo u curtay sidii caqiidada looga nadiifin lahaa bidcada iyi shirkiga, ayna ku salaysan tahay sidii Salafku ay diinta u fahmeen, dhaqanka gaalaynta iyo xalaalaysiga dhiigga Muslimiintuna ay yihiin dhaqan Ikhwaanu Muslimiinku, siiba Qudbiyiintu ay Muslimiinta bareen kaddib markii ay keeneen fikradaha in bulshada islaamku ay marxalad “jaahiliyo/الجاهلية” ku sugan tahay iyo in “xukunka/ الحاكمية” uu Alle oo keliya leeyahay. Laakiin dooddaani ma aha mid cago weyn ku taagan, waayo fikirka Salafiga iyo kan Ikhwaanku ma ah kuwo is diiddan, balse waa kuwo isdhamaystiraya. Sida Nawaaf al-Qaddiimi uu ku xusay maqaalka uu u bixiyey “Su’aal weyn: sidee Daacish ku samaysantay/سؤال كبير: كيف تشكلت داعش”, Daacish iyo dhaqaaqyada Islaamka ee xagjirka ahi waxay ka duulaan afkaarta Wahaabiyada, kuwa Qudbiyiinta iyo suugaantii fiqiga Maalikiga ee gaalaysiin jirey dowladdii Faadumiyiinta oo is biirsaday[vii].
Isku soo duuboo, afkaarta xagjirka ah ee Alshabaab, Daacish, Boko Haraam iyo qaar kale oo badani ay wax ku halaageen waa isla fekerka Salafiga ah ee habeen iyo dharaar masaajiddeenna laga akhriyo, ubadkeennana dugsiyada, jaamacadaha iyo masaajidda loogu akhriyo. Falalka argagixisaduna joogsan maayaan jeer laga run sheegayo sababta cudurka keenaysa, lagana ogaanayo isha laga waraabiyo fikirkaan dilaaga ah.
Salafiyiintana waxaa la gudboon in ay boor isku qarinta joojiyaan, bulshadana u arkaan dad garaad leh oo si sax ah wax u qiimayn kara, una soo bandhigaan wax la garan karo oo ay uga geddisan yihiin ururrada xagjirka ah ee dunida rogay. Fallaari gilgilasho kaagama harto!!!

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil
sismail42@gmail.com
[i]  Faahfaahinta qodobkaan ka eeg qoraallada uu ka midka yahay maqaalka Khaalid bin Saqar ee cinwaankiisu yahay Doodda isu-ekaanta Daacish iyo Wahaabiyada/جدل التشابه بين داعش والوهابية
[ii]  Tusaale ahaan eeg maqaalkaan cinwaanka looga dhigay “Daacish manhaj iyo dhaqanba waxay ka tirsan tahay Wahaabiyada/داعش الامتداد الطبيعي للوهابية: منهجا وعملا”.
http://www.alalam.ir/news/1692979
[iii]  Buugga Cusmaan bin Cabdullaahi bin Bishir ee “Cinwaan al-Majdi fii Taariikh al-Najdi” waxaa lagu tiriyaa buugta ugu mudan ee laga qoray taariikhdii dowladii Shiikh Muxamed bin Cabdiwahaab uu ka qayb-qaatay dhisiddeeda.

[iv]  Buugga Shiikh Xuseen bin Gannaam ee “Beerta Fikradaha iyo Fahanka/ روضة الأفكار والأفهام” ama “Taariikhda Najdi”, waxaa lagu tiriyaa buugga ugu wanaagsan ee xertii shiikhu ay ka qoreen dacwadii Shiikha.
[v]  Faahfaahinta qodobkaan ka eeg maqaalkaan uu  cilmibaaraha Sacuudiga ah ee Cabdullahi al-Maaliki uu ugu magacdaray “Daacish iyo Walaalaha kan Alle Adeeca: taariikhdu ma isi soo celisay/   الوهابية واخوان من اطاع الله وداعش/ http://altagreer.com/%D8%A7%D9%84%D9%88%D9%87%D8%A7%D8%A8%D9%8A%D8%A9-%D9%88%D8%A5%D8%AE%D9%88%D8%A7%D9%86-%D9%85%D9%86-%D8%B7%D8%A7%D8%B9-%D8%A7%D9%84%D9%84%D9%87-%D9%88%D8%AF%D8%A7%D8%B9%D8%B4-%D9%87%D9%84-%D8%A3/ ).

[vi]  Maqaalka Mansuur halkaan ka eeg: https://www.facebook.com/Secularabs/posts/1052829568066973
[vii]  Maqaalka Nawaaf halkaan ka eeg:
https://www.alaraby.co.uk/opinion/2014/8/20/%D8%B3%D8%A4%D8%A7%D9%84-%D9%83%D8%A8%D9%8A%D8%B1–%D9%83%D9%8A%D9%81-%D8%AA%D8%B4%D9%83%D9%84%D8%AA-%D8%AF%D8%A7%D8%B9%D8%B4-1-2-

No comments:

Post a Comment