Monday, June 12, 2017

Madaxweyne Farmaajo oo aan ka qeybgali doonin shirka IGAD ee maanta ka furmaya Addis Ababa


Hiiraan Online




 

 
Isniin, June, 12, 2017  (HOL) – Magaalada Addis Ababa ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah uu ka furmo shir ay ka qeybgali doonaan madaxda urur gobolleedka IGAD oo looga arinsanayo xaalada dalka Koonfurta Suudaan.
Shirkan oo ah mid deg deg ah ayaa waxaa ku baaqay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ka dalbaday madaxda IGAD in ay soo qeybgallaan kulanka oo ah mid lagu eegi doono xaalada dalka Koonfurta Suudaan.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaan ka qeybgali doonin shirka, taa badalkeedana waxaa la filayaa in ay shirka ka qeybgalaan wafdi ka socda dowladda oo uu horkacayo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.
Bishii June ee sanadkii hore ayay aheyd markii uu bur buray heshiiskii nabadeed ee ay gaareen madaxweyne Salva Kiir iyo hoggaamiyihii mucaaradka Reik Machar, waxaana isku dhac dhex maray ciidamada kala taageersan labada dhinac uu sababay in Mr Machar ka baxo Caasimadda Jubba, isla markaana ka tago dalka oo dhan.

No comments:

Post a Comment