Monday, September 25, 2017

Wararkii ugu dambeeyey ee buuraleeyda Galgala iyo khasaare kadhashay qarax lala beegsaday ciidanka



puntsom.com

 Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar shalay galinkii dambe 24 September 2017, ka dhacay buuraleyda gobalka Barri, gaa rahaana Agagaarka Bali-Khadar oo ku dhaw magaalada Galgala.
Maleeshiyaad katirsan kooxda Al- Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday mid kamid ah baabuurta ciidamada Puntland ee ah loo yaqaano Iska rogada oo marayey goobtaas, ayna saarnayen Saad ciidan.
Qarax ayaa la sheegay in loo dhigay markii hore baabuurkaas, balse uu ka badbaaday ka dibna ay kusoo qaadeen kooxdaasi weerar, sidda ay sheegayaan warar madax banaan oo laga helayo aagaas.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in duulaankaas laga hortagay, isla markaasna ay ciidamadu khasaare gaarsiiyeen kooxdan oo doonaysay in ay qabsadaan baabuurkan.
Inta la og yahay ilaa hadda 7 qof oo ay ku jiraan dumar ayaa ku geeriyooday weerarkan, waxaase wararku ay sheegayaan in 3 kamid ah kooxdii weerarkan soo qaaday lagu dilay goobtaas, lana qabtay xog muhiim ah.
Sarkaal katirsan laamaha Amniga ee kusugan Bal-Khadar ayaa u sheegay Puntlandtimes in ay dileen mid kamid ah ragga inta badan abaabula weerarada lagu soo qaado ciidamada Puntland ee kusugan buuraleyda Galgala.
Puntland ayaa sannado badan dagaal kula jirta kooxaha Argagixisada ah ee ku dhuumaleysanaya Buuraleyda loo yaqano Caalmadow, waxaana marar badan lagu qaaday howlgalo waa weyn oo looga qabsaday goobo ay isku aruursadeen.
Dagaaladii ugu dambeeyey ayaa ka dhacay buuraleydaas iyo deegaanka Af Urur, kuwaas oo sababay khasaare kala duwan oo soo gaaray labada dhinac, waxaana Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku dhawaaqay 9-kii bishii June weerar culus oo lagu qaado kooxahan, loogana sifeynayo buuraleydaas oo dhan, kaas oo aan wali bilaaban.

No comments:

Post a Comment