BBC
SOMALI
Orodyahanka caanka
ah ee Mo Farah ee dalka Ingiriiska uga qeyb gala ciyaaraha orodada ayaa
sheegay in ilaalada garoon ku yaala dalka Jarmalka ay qashqashaadeen
xili uu u safrayay dalka Itoobiya.
34 jirkan oo bisha dambe ka
qeyb geli doono tartan ka dhici doono magaalada London ayaa bartiisa
Instgram-ka soo dhigay muqaal muujinaya nin u muuqday ilaalada garoonka
oo riixaya Mo Farah.Afhayeen u hadlay Mo Farahan waxaa uu sheegay in dhacdadaasi ay shalay oo tallaado aheyd ka dhacday dalka Jarmalka, xili Mo Farah uu kusii jeeday Itoobiya, halkasi oo uu tababar ku qaadanayo.
Waxaa kale oo uu afhayeenka sheegay in dhacdadani mid ula kac ah, isla markaana si aan cadaalad aheyn loola dhaqmay Mo Farah
BBC-da ayaa isku dayda inay la xiriirto saraakiisha garoonka Munich, balse uma aanay suurtagelin inay jawaab ka hesho.

No comments:
Post a Comment