Monday, March 5, 2018

Tafsiirki Quraanka Af Soomaaliga ee labaad








Fadlan na la eeg haddi aad khaladaad aad ku aragtid na soo ogaysi.
Ka kore wa Quraankii hore oo ladabacay, kan ku xigga wa ka hada la dhameeyay oo la raba in la daabaco, laakin waxaanu rabna inay dad badan inay gacan nagu siiyaan sii aanu khaladaadka oga saxno intaan la daabacin, na la wadaaga sadaqatul jaariyahan.
Surat Al-'An`ām - سورة الأنعام

Sahih International
[It will be said to them], "And you have certainly come to Us alone as We created you the first time, and you have left whatever We bestowed upon you behind you. And We do not see with you your 'intercessors' which you claimed that they were among you associates [of Allah ]. It has [all] been severed between you, and lost from you is what you used to claim."

Somali
Waxaad Noogu Timaaddeen Kali Kali Sidaon idiinku Abuuray Marka hoc waxaadna kaga Timaaddeen waxaan idinku Nicmaynay Gadaashiina mana ku Aragno Agtiina Shafeecayaalkiinnii and Sheegayseen slay Shuruko Yihiia. waxaana Go'ay Xidhiidhkiinnii waxaana Dhumay waxuad Sheeganeyseen.

{94} ( Dadyohow xaqiiqanimo) Waxaad noo timaaddeen idiinko keli keli ah, sidaanu idiin abuurnay markii horeyseba, waad ka timaaddeen wax walba aanu idin siinay dhabarkeena gadaashii (ifkii, dunidii), dhex dhexaadyihiini (Shafeecaadyihiini) mana aragno agtiina oo idin shafeeca oo aad sheegteen inay Illaahyo idiin yihiin, xidhiidhkii dhexdiinii aya go'ay, waxaa lumay waxaad sheegayseen.



Surat Yusuf
Sahih International

And women in the city said, "The wife of al-'Azeez is seeking to seduce her slave boy; he has impassioned her with love. Indeed, we see her [to be] in clear error."

Somali
waxayna dheheen Haweenkii magaalada haweenaydii Casiis (Wasiirka) waxay dooni Khaadimkeeda Naftiisa (la nool) Jecelkiisaa qalbiga ka galay, waxaana ku aragnaa Baadi cad.

(30) Waxayna yidhaahdeen domarkii magaalada casiis ooridiisi (xaaskiisi) waxay damacday shaqaaleheedii  Jeceelkiisana way la jaahwareertay, waxaanu u aragnaa inay ku jirto baadi cad.




Surat AL Furqan




Sahih International
And We did not send before you, [O Muhammad], any of the messengers except that they ate food and walked in the markets. And We have made some of you [people] as trial for others - will you have patience? And ever is your Lord, Seeing.

Somali
Manaan Dirin Rasuul kaa Horeeyey oon Cunayn Cunnada Soconaynna Suuqa, waxaana uga Yeellay Qaarkiin Qaarka kale Fidmo (Ibtilo) ee ma Samraysaan, Eebahaana waa Arke.

{20} Horta (Maxamadow) manaan dirin rasuul, ila ay ahaayeen kuwo cunaya raashiinka suuqyadana socda, waxaanu idin ka yeellnay badhkiin badhka kale fitnad ee ma samri doontaan, Ilaahagana wuxuu ahaaday ka arkeya.


AL Furqan


Sahih International
And those who do not expect the meeting with Us say, "Why were not angels sent down to us, or [why] do we [not] see our Lord?" They have certainly become arrogant within themselves and [become] insolent with great insolence.

Somali
Waxay Dheheen Kuwaan Rajaynayn la kulankanaga naloogu soo Dejinwaayey Malaa'ig, ama maan Aragno Eebahanno, way Iskibriyeen (isula waynaadeen) Naftooda wayna Madax Adaygeen Madax Adayg Wayn.

{21} Waxay yidhahdeen kuwii aan rajaynaynin inay nala kulmaan (Aakhira) ma nalagu soo dejiyo Malaa'ig, ama maanu aragno Ilaahayaga, way is la waynadeen naftooda wayna madax adaygeen madax adeegid weyn.



AL Furqan

Sahih International
The day they see the angels - no good tidings will there be that day for the criminals, and [the angels] will say, "Prevented and inaccessible."

Somali
Maalintay Arki Malaa'igta (Geerida) ma Bishaaraystaan Maalintaas Dambiila Yaashu, waxayna Odhan Xijaab oodan iyo Reebnaan yaa ah (Wanaag iyo Isla kulan majiro).

{22} Maalintay Malaa'igta arkidoonaan  bushaaro uma sugnaanin maalintaas dambiilayaasha, waxay odhan doonan waa fogeyn la idin fogeeyay (waa la idin diiday diidid).


AL Furqan

Sahih International
And We will regard what they have done of deeds and make them as dust dispersed.

Somali
Waannu u soo Hormarinay waxay Faleen oo Camal ah Waxaana ka yeelay Dhalanteed la Firdhiyey.

{23} Waxanu uga imanayna xagga wixii  camal h ay faleen oo waxaanu ka dhigayna habaas la kala firdhiyay.


AL Furqan

Sahih International
The companions of Paradise, that Day, are [in] a better settlement and better resting place.

Somali
Ehelu Jannaha yaa Maalintaas Khayr Roon Sugnaansho iyo Wanaag badan Qayluushi (Hurdo).

{24} Ehelu Jannada aya maalintaas ah kuwo kheyr badan meesha lagu sugnaado iyo meesh lagu istareexo oo la seexaneyo.


AL Furqan

Sahih International
Or do you think that most of them hear or reason? They are not except like livestock. Rather, they are [even] more astray in [their] way.

Somali
Mise waxaad u Malayn in Badankood wax Maqli ama wax kasi, ma aha waxaan Xoolo oo kale ahayn, Iyagaabase ka Sii Dhunsan.

{44} Ma waxaad u malaynaysa intooda badani inay wax maqleyaan ama wax garanayaan, may ahaanin waxaan ahayn nicmoolayda oo kale mooyaane, iyagana aya ka si ambasho badan.


سورة القصص Surat Al-Qaşaş

Sahih International
But seek, through that which Allah has given you, the home of the Hereafter; and [yet], do not forget your share of the world. And do good as Allah has done good to you. And desire not corruption in the land. Indeed, Allah does not like corrupters."

Somali
Kuna doon waxa Eebe ku siiyey Guriga Aakhiro hana Halmaamin qaybtaada Adduunka Samana Fal sida Eebe kuugu Samo Falay hana La doonin Fasaad Dhulka, Eebe ma Jeela Fasaadiyaashee.

{77} Ku raadso wixii u Ilaahay ku siiyey (oo aduun ah) daarta aakhiro hana halmaamin (iloobin) qaybtaada aduunka sama fal Ilaahay sidu kugu samo falay hana ku raadsanin xumaan aad dhulka ku fasaadisid, Ilaahay ma Jecla kuwa wax fasaadiya.


Surat Fāţir (Originator) - سورة فاطر
Sahih International
Whatever Allah grants to people of mercy - none can withhold it; and whatever He withholds - none can release it thereafter. And He is the Exalted in Might, the Wise.

Somali
Wixii Eebe dadka ugu nicmeeyo oo naxariis ah wax celin karaa majiro, wuxuu celiyaana wax soodayn kara ma jiro dabadiis, waana adkaade falsan.

{2} Waxuu Ilaahay uu u furro dadka oo naxariis ah wax ka hakin kara (celin karaa) majiro, wuxuu celiyaana wax u soo dayn kara ma jiro Isaga ka dib, Isagana (Ilaahay) waa kaa Awooda badan ee Xakiimkana ah.

Fatir

Sahih International
O mankind, remember the favor of Allah upon you. Is there any creator other than Allah who provides for you from the heaven and earth? There is no deity except Him, so how are you deluded?

Somali
Dadow xusuusnaada nicmada Eebe korkiina ah, abuure kale ma jiraa oo Eebe ka soo haday oo idinka arsuqi samada iyo dhulka, Eebe mooyee ilaah kale majiro ee xaggee laydiin ka iilii xaqa.

{3} Dadow xusa nicmada uu idiin siiyay Ilaahay, mid kale oo wax abuura miyuu  jiraa oo aan Ilaahay ahayn oo idinka arsuqa cirka iyo dhulka, Illaah xaq lagu caabuda majiro aan Ilaahay ahayn. sidee baa (xaqa) la idiin ka waydaariyay.



Surat Al-Kahf (The Cave) - سورة الكهف


Sahih International
[Mention] when the youths retreated to the cave and said, "Our Lord, grant us from Yourself mercy and prepare for us from our affair right guidance."

Somali
Waa markay u Dummeen Dhallinyaradu Godka oy dhaheen Eebow naga sii Agtaada Naxariis noona Darab Amarkanaga Hanuun.
Markay is ku qariyeen dallinyarada godka buurta hoostiisa aha, waxay yidhahdeen Eebow xagaaga naxriis inooga soo dajii, amuruaheenana hanunin inooga yeel.

Surat Kahf 

Sahih International
Then perhaps you would kill yourself through grief over them, [O Muhammad], if they do not believe in this message, [and] out of sorrow.

Somali
Waxaad u Dhawdahay inaad ku (Halaagto) Naftaada Nabiyow Raadkooda (gadaashooda) haddayna rumeyn Quraankan, walbahaar dartiis.
Waxa laga yaaba inaad ku halaagto naftaada (calool xumu) darteed racraacida raadkooda, hadaanay rumeyn Quraanka  

Surat Kahf



Sahih International
And recite, [O Muhammad], what has been revealed to you of the Book of your Lord. There is no changer of His words, and never will you find in other than Him a refuge.

Somali
akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo kitaabka Eebahaa ah, wax baddali kalimooyinkiisana ma jiro, mana helaysid wax ka sokeeya ood magangashid.

Akhri tan lagugu soo waxyooday ee kitaabka Eebehaa , aan hadaladiisa la beddeli karin,  oo aanad heli karin magangal aan tiisa ahayn.     

Surat Kahf

Sahih International
[All] praise is [due] to Allah , who has sent down upon His Servant the Book and has not made therein any deviance.

Somali
dhab ahaan yaan ugu caddaynay quraankan dadka tusaale kasta, waxayna ahaadeen dadkii kuwo muran badan.
Waxanu dadka ugu caddaynay tusaalooyin nooc walba Quraankani, dadku waxay ahaadeen kuwa wax kasta ugu muranka badan.

Al IMRAN
Sahih International
Those to whom hypocrites said, "Indeed, the people have gathered against you, so fear them." But it [merely] increased them in faith, and they said, "Sufficient for us is Allah , and [He is] the best Disposer of affairs."

Somali
Ee ah kuwuu Dadku (Gaaladu) Dadkii baa idiin kulmay ee ka Cabsada oo u Siyaadiyey Rumeyn, oy dhaheen Kaafiyahanagu waa Ilaahay Isagaana u Fiican Wakiil.

{173} Kuwii ay ku yidhaahdeen dadku, dadkii (gaaladii) way idiin soo uruureen ee ka cabsada, wuxuuna u kordiyey (hadal kaasi imaan) rumeyn, waxayna yidhaahdeen Ilaahayba nagu filan, Isagaana ugu fiican mid la tala saarto (wakiil).


Al IMRAN


Sahih International
Our Lord, indeed we have heard a caller calling to faith, [saying], 'Believe in your Lord,' and we have believed. Our Lord, so forgive us our sins and remove from us our misdeeds and cause us to die with the righteous.

Somali
Eebow Anagu waxaan Maqallay Yeedhe u yeedhi limaanka oo dhihi Rumeeya Eebihiin waana Rumeynay, Eebahanow noo dhaaf Dambiyadanada Asturna Xumaantanada naguna Dil la jirka kuwa Baarriga ah (fiican).

{193} Ilaahayagow anagu waxaanu maqalnay (rasuul) yeedheya oo ugu baaqaya iimaanka oo leh rumeeya Ilaahihiina, waana rumeynay, Ilaahayagow noo dhaaf gafafkayaga oo inaga astur  dambiyadeena, oo naraaci kuwa sama falayaasha.


Al IMRAN

Sahih International
You will surely be tested in your possessions and in yourselves. And you will surely hear from those who were given the Scripture before you and from those who associate others with Allah much abuse. But if you are patient and fear Allah - indeed, that is of the matters [worthy] of determination.

Somali
Waan idinku Imtixaamaynaa Xoolihiinna iyo Naftiinna waxaadna ka Maqlaysaan kuwa la siiyey Kitaabka oo idinka horeeyey iyo Mushrikiinta (Gaaladii Carbeed) dhib Badan haddaadse Samirtaan ood dhawrsataan Arrintaasu waa Umuuraha loo Qasdo.

{186} Waxaa la idinku imtixaanaya xoolihiinna iyo naftiina, waxaad ka maqli doontaan kuwa kitaabka la siiyay hortiin iyo kuwa mushrikiintaba dhibaato badan haddaad sabirtaan oo aad cabsataan, taas waxay la mid tahay arrimaha muhiimka ahi ee go’aan adag leh  (aan laga marmin kari).


Al IMRAN

Sahih International
O you who have believed, persevere and endure and remain stationed and fear Allah that you may be successful.

Somali
Kuwa (Xaqa) rumeeyow Samra oo Samirtarna kuna Nagaada Dhawridda (Xuduudda Islaaxa) kana Dhawrsada Eebe waxaad Mudantihiin inaad Liibaantaane.

{200} Dadkiina Ilaahay rumeeyow sabra oo ku adkaysta sabirka oo isku duubnaada oo ka cabsada Ilaahay (xumaantana iska dawra) si aad u liibaantaan.


Al IMRAN
Sahih International
Our Lord, indeed we have heard a caller calling to faith, [saying], 'Believe in your Lord,' and we have believed. Our Lord, so forgive us our sins and remove from us our misdeeds and cause us to die with the righteous.

Somali
Eebow Anagu waxaan Maqallay Yeedhe u yeedhi limaanka oo dhihi Rumeeya Eebihiin waana Rumeynay, Eebahanow noo dhaaf Dambiyadanada Asturna Xumaantanada naguna Dil la jirka kuwa Baarriga ah (fiican).

{193} Ilaahayagow anagu waxaanu maqalnay (rasuul) dhawaaqaya oo ugu baaqaya iimaanka oo leh rumeeya Ilaahihiina, waana rumeynay, Ilaahayagiyow noo dhaaf gafafkayaga oo inaga astur  dambiyadeena, oo dimashadayadana inooga yeel anako ka mida kuwa sama falayaasha ah.


Surat Al Isra.
Sahih International
Say, "Each works according to his manner, but your Lord is most knowing of who is best guided in way."

Somali
Waxaad dhahdaa cid kasta ha ku camal fasho jidkkeda (Diinteeda) Eebihiinbaa og Cidda jidkeedu hanuun badan yahaye.

{84} Waxaad tidhahdaa qof kastaba ha ku dhaqmu tiisa. Ilaahiina uun baa og kiina ugu jid hanuunsan.


Surat Yunus
Sahih International
And when Our verses are recited to them as clear evidences, those who do not expect the meeting with Us say, "Bring us a Qur'an other than this or change it." Say, [O Muhammad], "It is not for me to change it on my own accord. I only follow what is revealed to me. Indeed I fear, if I should disobey my Lord, the punishment of a tremendous Day."

Somali
Marka lagu Akhriyo Korkooda Aayaadkanaga oo Cad Cad waxay Dhahaan kuwaan Rajaynayn la kulankanaga noo keen Quraan aan kan ahayn ama badal, waxaad dhahdaa igama suurowdo inaan ka baddalo agtayda, waxaan nun Raaci waxa lay waxyoodo, waxaan ka cabsan Haddaao Eebe Caasiyo Cadaab Maalin wayn.

Marka lagu dul akhriyo aayaadaheena oo bayaan ah waxay yidhaahdaan kuwaan rajaynayn la kulankeena inoo keen quraan aan kan ahayn, ama badal, waxaad tidhahdha imay ahaanin inaan u baddalo siday naftaaydo rabto, waxaan raacaya uun waxa la igu waxyooday, waxaan ka cabsanaya cadaab maalin weyn haddaan Eebe caasiyo.


Surat Yusuf
Sahih International
So when they took him [out] and agreed to put him into the bottom of the well... But We inspired to him, "You will surely inform them [someday] about this affair of theirs while they do not perceive [your identity]."

Somali
Markay la tageen oy ku kulmeen inay yeelaan Ceel salkii, Waxaan u waxyoonay waad uga warrami Amarkoodan iyagoon kasayn.

Markay la tageen oo ay isla ogolaadeen inay ceel ay ku ridaan, waxaan ugu waxyoonay (Yusuf) inuu uga warramidoona arintoodan iyagoon dareensanayn (ogeyn).


Surat Ibrahim

Sahih International
This [Qur'an] is notification for the people that they may be warned thereby and that they may know that He is but one God and that those of understanding will be reminded.

Somali
Quraankana waa gaadhsiin Dadka iyo in Loogu Digo iyo inay ogaadaan in Eebe Ilaah Kaliya uun Yahay, iyo inay waantooto Cidda Caqliga leh (Mu'miniinta).

Quraanku waa wargelin dadka (loo soo dejiyay), iyo in looguna digo, si ay u ogadaan in uu Ilaahay  keligii yahay, iyo si ay ugu waantoobaan kuwa caqliga leh ee wax fahma.

Surat Ibrahim

Sahih International
And He subjected for you the sun and the moon, continuous [in orbit], and subjected for you the night and the day.

Somali
idiinkuna sakhiray Qorraxda iyo Dayaxa si joogta ah idiinna sakhiray habeenka iyo Maalinta.

Uuna idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa si daa’im ah, una idiin sakhiray habeenka iyo maalintaba (Si aad uga faa’idaysataan).

Surat Ibrahim
Sahih International
And He gave you from all you asked of Him. And if you should count the favor of Allah , you could not enumerate them. Indeed, mankind is [generally] most unjust and ungrateful.

Somali
idinkana siiyey wax kastood warsataan, haddad tirisaanna Nicmada Eebana ma koobi Kartaan, dadse waa dulmi badane gaalnimo badan.

Uuna idiin siiyay wax walba aad waydiisataan, hadii aad tirisaan nicmadaha Illaahay ma koobi kartaan, aadanaha waka dulmiga iyo gaalnimada badan.


Surat Ibrahim

Sahih International
Have you not considered those who exchanged the favor of Allah for disbelief and settled their people [in] the home of ruin?

Somali
ma ogtahay kuwa ku badelay Nicmaddii Eebe Gaalnimo, Dejiyeyna qoomkoodii guri halaag.

Miyaanad arag kuwa nicmadda Eebe ku badelay gaalnimo, dadkoodana u hogaamiyeen guri bass iyo hoog


 Suratul Al Anbiya
Sahih International
Rather, We dash the truth upon falsehood, and it destroys it, and thereupon it departs. And for you is destruction from that which you describe.

Somali
Xaqaanse ku Gannaa Baadilka oo Tirtira markaasuu tagaa, waxaa idiinku Sugnaaday Halaag waxaad Sheegaysaan.

{18} Xaqa (runta) ayanu ku tuurayna baadilka (Xumaanta/ beenta) markaasuu baabi’inaya oo u tir tirtiraya. waxaad sheegaysaan halaag baa  idiin ku sugnaaday


Suratul Al Anbiya
Sahih International
So We responded to him, and We gave to him John, and amended for him his wife. Indeed, they used to hasten to good deeds and supplicate Us in hope and fear, and they were to Us humbly submissive.

Somali
Waana Ajiibnay waxaana Siinay Yaxye waxaana u Hagaajinay Haweennaydiisii, waxayna ahaayeen kuwo u Deg dega Khayaadka oo Na barya iyagoo Rajayn oo Cabsan waxayna ahaayeen kuwa Noo Khusuuca.

{90} Waanu ka aqbalnay (ducadiisi) waxaanu siinay Yaxya waxaana u hagaajinay oridiisii, waxayna ahaayeen kuwo ku deg dega (ku dhakhsada) kheiyraadka (iyo samaha) wayna baryi jireen, iyagoo rajaynaya (nicmadiisi Eebe) oo ka cabsanaya (cadhadiisii iyo cadaabtiisa) waxayna ahaayeen kuwa noo khushuucsan.


Suratul Al Furqan
Sahih International
And those who do not expect the meeting with Us say, "Why were not angels sent down to us, or [why] do we [not] see our Lord?" They have certainly become arrogant within themselves and [become] insolent with great insolence.

Somali
Waxay Dheheen Kuwaan Rajaynayn la kulankanaga naloogu soo Dejinwaayey Malaa'ig, ama maan Aragno Eebahanno, way Iskibriyeen (isula waynaadeen) Naftooda wayna Madax Adaygeen Madax Adayg Wayn.

{21} Waxay yidhahdeen kuwii aan rajaynaynin inay nala kulmaan (Aakhira) ma nalagu soo dejiyo Malaa'ig, ama maanu aragno Ilaahayaga, way is weynaysiiyeen nafohooda wayna madax adaygeen madax adayg weyn.


Surat Mariam
Sahih International
And they have taken besides Allah [false] deities that they would be for them [a source of] honor.

Somali
waxay yeesheen Eebe ka sokow ilaahyo inay ugu noqdaan cizi (tabar).

{81} Waxay ka dhigteen inta Ilaahay ka sokeyasa ilaahyo siday sharaf iyo awood u yeshaan.


Surat Mariam

Sahih International
Do you not see that We have sent the devils upon the disbelievers, inciting them to [evil] with [constant] incitement?

Somali
miyaadan ogayn inaan ku dirro shayaadiinta gaalada oy boorrin (baadiyeyn) baadi.

{83} Miyaadan arkayn inaanu shayaadiintu udirrnay gaalada oo ay wareerin jahwareer joogto ah.


Surat Mariam

Sahih International
So, [O Muhammad], We have only made Qur'an easy in the Arabic language that you may give good tidings thereby to the righteous and warn thereby a hostile people.

Somali
waxaan uun ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inaad ugu Bishaarayso Quraanka kuwa dhawrsada uguna Digtid Qoom dood badan (oo xun).

{97} Waxaanu kugu fududaynay Quraanka looqadaada si aad ugu bushaarayso dadka Alle ka cabsada iyo si aad uguna digto qoom dood badan (oo aad u lexsan).


Surat Al Qasas

Sahih International
And We wanted to confer favor upon those who were oppressed in the land and make them leaders and make them inheritors

Somali
Waxaanu Dooni inaan ku Mannaysanno (Waxsiino) kuwii lagu Dullaysanayay Dhulka kana yeello Imaamyo, kana Yeello kuwa Dhaxli Dhulka.

{5} Waxaanu doonayna inaanu guddoonsiino kuwii dhulka lagu tabardarayatay (adoonsaday) oo aanu ka dhigno kuwo awood leh (madaxna aanu ka dhigno), oo aanu ka dhigno kuwa dhaxla dhulka (Wixii u laha Fircoon).


Surat Al Qasas

Sahih International
And establish them in the land and show Pharaoh and [his minister] Haman and their soldiers through them that which they had feared.

Somali
Oon Makansiinno Dhulka, Tusinana Fircoon iyo Haamaan iyo Januuddooda waxay ka Digtoonaayeen (Halaagooda).

{6} Oo aanu awood ugu hirgelino dhulka, si Fircoonna iyo Haamaan iyo colaalkooda aanu u tusino wixii ay ka fejignaayeen (baqaneyeen reer Bani Israa’il xagooda).


Surat Al Qasas

Sahih International
And We had prevented from him [all] wet nurses before, so she said, "Shall I direct you to a household that will be responsible for him for you while they are to him [for his upbringing] sincere?"

Somali
Waxaana ka Reebnay Korkiisa Nuugmada Horay, waxayna Tidhi Gabadhii Maydin Tusiyaa Qoys idiin Dhaqaalayn una Samo Fali.

{12} Waxaanu horay uga diidnay dumarkii wax jaqsiineyay, waxay tidhi (Muusa walashii) ma idin tusaa qoys idiinka xil qaada iyago u danaynaya.


Surat Al Qasas
Sahih International
So We restored him to his mother that she might be content and not grieve and that she would know that the promise of Allah is true. But most of the people do not know.

Somali
Waxaana ku soo Celinay Hooyadiis, si ay u Raaxaysato Isheedu una Murgin, Ogaatana in Yabooha Eebe Yahay Xaq Laakiin Dadka Badankiisu ma Oga.

{13} Waxaanu ku soo celinay hooyadiis, si ay indhheedu u qabowsato oo aanay u murogoonin, iyo inay ogaato inuu Ilaahay balantiisu ay xaq tahay laakiin dadka intooda badani ma garanayaan.


Surat Al Qasas

Sahih International
And when he attained his full strength and was [mentally] mature, We bestowed upon him judgement and knowledge. And thus do We reward the doers of good.

Somali
Markuu Gaadhay (Nabi) muuse Xooggiisa oo Ekaaday Yaan siinay Xigmo iyo Cilmi, Saasaana ku abal Marinaa Sama Falayaasha.

{14} Markuu gaadhay (Nabi) muusa xooggiisa oo u noqday nin taaba gal ah  ayaanu siinay xukun iyo cilmi, sidaas ayanu sama falayaasha ugu abal marinaa.


Surat Luqman 

Sahih International
And of the people is he who buys the amusement of speech to mislead [others] from the way of Allah without knowledge and who takes it in ridicule. Those will have a humiliating punishment.

Somali
Dadka waxaa ka mid ah kuwo gadan hadal wax shuqliya si uu uga dhumiyo (Dadka) Jidka Eebe iyagoon wax ogayn, Jidka Eebene ku Jees jeesa, kuwaasi waxay mudan Cadaab Dulleeya.
Dadka qarkood waxa ku jira kuwo ibsaneya hadal mala yacni ah si uu ugaga luumiyo (Dadka) Jidka Eebe iyagoo wax ogansho u lahayn, Jidka Eebena ka diga wax lagu Jees jeesa (dhel deelo), kuwaasi cadaab dulleeya aye leeyeheen.

Surat At-Taghābun
Sahih International
It is He who created you, and among you is the disbeliever, and among you is the believer. And Allah, of what you do, is seeing.

Somali
Eebe waa kan idin anbuuray qaarkiinna gaaluu noqday, qaarkiinna Mu'miniin, Eebana waxaad Camal falaysan waa arkaa.

{2} Isaga (Ilaahay) waa kii idin anbuuray waxaa idinka mida mid gaaloobay, iyo mida Alle rumeeyay (Mu'amin ah), waxaad sameeynaysan Ilaahay waa arkeya.


Sahih International
No disaster strikes except by permission of Allah . And whoever believes in Allah - He will guide his heart. And Allah is Knowing of all things.

Somali
Wixii Musiiba ah (dhib ah) oo dhaca waa idinka Eebe, ruuxiise Eebe rumeeya waxaa hanuuni (oo xasili) qalbigiisa, Eebana wax walba waa ogyahay.

{11} Belaayo ma dhacdo (musiibo dhib) ila qadarka Alle mooyee, cida Ilaahay rumeeysa uu hanuuniya qalbigiisa, Ilaahaybaa wax waliba ogsoon.

Waxaa cajaa’ib ah in Kitaabka Injiilka Af Somaali wanaagsan lagu turjumay, laakin se waxaad mooda in Quraanka aan la isku mashquulin oo lagu dadaalin, ninka qore uu dadaalay dadaalkiisana Illahaay Janatul Firdawsa ha ugu abaal gudo
إِنْ أُرِيدُ إِلاّ الإِصْلاَحَ مَا اسْتَطَعْتُ وَمَا تَوْفِيقِيَ إِلاّ بِاللّهِ عَلَيْهِ تَوَكّلْتُ وَإِلَيْهِ أُنِيبُ

No comments:

Post a Comment