Monday, August 20, 2018

Tafsiirki Quraanka Af Soomaaliga ee labaad






 Image result for bismillahir rahmanir rahim
Fadlan nala eeg haddi aad khaladaad ku aragtid na ogaysi.
Ka kore waa Quraankii hore loo dabacay, kan ku xigga waa ka hada la dhameeyay, laakin waxaanu rabna inay dad badan gacan nagu siiyaan oo ay ka qayb qaatan sii aanu khaladaadka u saxno intaan ladaabacin, nala wadaaga sadaqatul jaariyahan.


Surat Al-'An`ām - سورة الأنعام

Sahih International
[It will be said to them], "And you have certainly come to Us alone as We created you the first time, and you have left whatever We bestowed upon you behind you. And We do not see with you your 'intercessors' which you claimed that they were among you associates [of Allah ]. It has [all] been severed between you, and lost from you is what you used to claim."

Somali


{94} ( Dadyohow xaqiiqanimo) Waxaad noo timaaddeen idiinko keli keli ah, sidaanu idiin abuurnay markii horeyseba, waad ka timaaddeen wax walba aanu idin siinay dhabarkeena (ifkii, dunidii), dhex dhexaadyihiini (Shafeecaadyihiini) mana aragno agtiina oo idin shafeeca oo aad sheegteen inay Illaahyo idiin yihiin, xidhiidhkii dhexdiinii aha aya go'ay, waxaa lumay waxaad sheegayseen.

Surat Yusuf
Sahih International
And women in the city said, "The wife of al-'Azeez is seeking to seduce her slave boy; he has impassioned her with love. Indeed, we see her [to be] in clear error."

Somali

(30) Waxay yidhaahdeen domarkii magaalada casiiska ooridiisi (xaaskiisi) waxay damacday shaqaaleheedii  Jeceelkiisana way la jaahwareertay, waxaanu u aragnaa inay ku jirto baadi cad.


Surat AL Furqan




Sahih International
And We did not send before you, [O Muhammad], any of the messengers except that they ate food and walked in the markets. And We have made some of you [people] as trial for others - will you have patience? And ever is your Lord, Seeing.

Somali

{20} Horta (Maxamadow) manaan dirin rasuul, ila ay ahaayeen kuwo cunaya raashiinka suuqyadana socda, waxaanu idin ka yeellnay badhkiin badhka kale fitnad ee ma samri doontaan, Ilaahaaguna wuxuu ahaaday ka arkeya.

AL Furqan


Sahih International
And those who do not expect the meeting with Us say, "Why were not angels sent down to us, or [why] do we [not] see our Lord?" They have certainly become arrogant within themselves and [become] insolent with great insolence.

Somali

{21} Waxay yidhahdeen kuwii aan rajaynaynin inay nala kulmaan (Aakhiro) ma nalagu soo dejiyo Malaa'ig, ama maanu aragno Ilaahayaga, way is weynaysiiyeen nafotooda wayna madax adaygeen madax adeegid weyn.

AL Furqan

Sahih International
The day they see the angels - no good tidings will there be that day for the criminals, and [the angels] will say, "Prevented and inaccessible."

Somali

{22} Maalintay Malaa'igta arkidoonaan  bushaaro uma sugnaanin maalintaas dambiilayaasha, waxay odhan doonan waa fogeyn la idin fogeeyay (waa la idin diiday diidid).

AL Furqan

Sahih International
And We will regard what they have done of deeds and make them as dust dispersed.

Somali

{23} Waxanu uga imanayna xagga wixii  camal ah ay faleen oo waxaanu ka dhigayna habaas la kala firdhiyay.

AL Furqan

Sahih International
The companions of Paradise, that Day, are [in] a better settlement and better resting place.

Somali

{24} Ehelu Jannada aya maalintaas ah kuwo kheyr badan meesha lagu sugnaado iyo meesh lagu istareexo oo la seexanayo.

AL Furqan

Sahih International
Or do you think that most of them hear or reason? They are not except like livestock. Rather, they are [even] more astray in [their] way.

Somali
{44} Ma waxaad u malaynaysaa intooda badani inay wax maqlayaan ama wax garanayaan, may ahaanin waxaan ahayn nicmoolayda oo kale mooyaane, iyaga ayaana ka sii ambasho badan.

سورة القصص Surat Al-Qaşaş

Sahih International
But seek, through that which Allah has given you, the home of the Hereafter; and [yet], do not forget your share of the world. And do good as Allah has done good to you. And desire not corruption in the land. Indeed, Allah does not like corrupters."

Somali

{77} Ku raadso wixii u Ilaahay ku siiyey (oo aduun ah) daarta aakhiro hana halmaamin (iloobin) qaybtaada aduunka sama fal Ilaahay sidu kugu samo falay hana ku raadsanin xumaan aad dhulka ku fasahaadisid, Ilaahay ma Jecla kuwa wax fasahaadiya.

Surat Fāţir (Originator) - سورة فاطر
Sahih International
Whatever Allah grants to people of mercy - none can withhold it; and whatever He withholds - none can release it thereafter. And He is the Exalted in Might, the Wise.

Somali

{2} Waxuu Ilaahay uu u furo dadka oo naxariis ah wax ka hakin kara (celin kara) majiro, wuxuu celiyana wax u soo dayn kara ma jiro Isaga ka dib, Isagana (Ilaahay) waa ka Awooda badan ee Xakiimkana ah.

Fatir

Sahih International
O mankind, remember the favor of Allah upon you. Is there any creator other than Allah who provides for you from the heaven and earth? There is no deity except Him, so how are you deluded?

Somali
{3} Dadow xusa nicmada uu idiin siiyay Ilaahay, mid kale oo wax abuura miyuu  jiraa oo aan Ilaahay ahayn oo idinka arsuqa cirka iyo dhulka, Illaah xaq lagu caabuda majiro aan Ilaahay ahayn. sidee baa (xaqa) la idiin ka waydaariyay.


Surat Al-Kahf (The Cave) - سورة الكهف


Sahih International
[Mention] when the youths retreated to the cave and said, "Our Lord, grant us from Yourself mercy and prepare for us from our affair right guidance."

Somali

Markay is ku qariyeen dallinyarada godka buurta hoostiisa aha, waxay yidhahdeen Eebow xagaaga naxriis inooga soo dajii, amuureheenana hanunin nooga yeel.
Surat Kahf
Sahih International
Then perhaps you would kill yourself through grief over them, [O Muhammad], if they do not believe in this message, [and] out of sorrow.

Somali

Waxa laga yaaba inaad ku halaagto naftaada (calool xumo) darteed racraacida raadkooda, hadaanay rumeyn Quraanka
 

Surat Kahf



Sahih International
And recite, [O Muhammad], what has been revealed to you of the Book of your Lord. There is no changer of His words, and never will you find in other than Him a refuge.

Somali

Akhri tan lagugu soo waxyooday ee kitaabka Eebehaa , aan hadaladiisa la beddeli karin,  oo aanad heli karin magangal aan tiisa ahayn.     

Surat Kahf

Sahih International
[All] praise is [due] to Allah , who has sent down upon His Servant the Book and has not made therein any deviance.

Somali
Waxanu dadka ugu caddaynay tusaalooyin nooc walba Quraankani, dadku waxay ahaadeen kuwa wax kasta ugu muranka badan.

Al IMRAN
Sahih International
Those to whom hypocrites said, "Indeed, the people have gathered against you, so fear them." But it [merely] increased them in faith, and they said, "Sufficient for us is Allah , and [He is] the best Disposer of affairs."

Somali

{173} Kuwii ay ku yidhaahdeen dadku, dadkii (gaaladii) way idiin soo uruureen ee ka cabsada, wuxuuna u kordiyey (hadal kaasi imaan) rumeyn, waxayna yidhaahdeen Ilaahayba nagu filan, Isagaana ugu fiican mid la tala saarto (wakiil).


Al IMRAN

Sahih International
You will surely be tested in your possessions and in yourselves. And you will surely hear from those who were given the Scripture before you and from those who associate others with Allah much abuse. But if you are patient and fear Allah - indeed, that is of the matters [worthy] of determination.

Somali
{186} Waxaa la idinku imtixaanaya xoolihiinna iyo naftiina, waxaad ka maqli doontaan kuwa kitaabka la siiyay hortiin iyo kuwa mushrikiintaba dhibaato badan haddaad samirtaan oo aad cabsataan, taas waxay la mid tahay arrimaha muhiimka ah ee go’aan adag leh (aan laga maarmi karin).

Al IMRAN

Sahih International
O you who have believed, persevere and endure and remain stationed and fear Allah that you may be successful.


Somali
{186} Waxaa la idinku imtixaanaya xoolihiinna iyo naftiina, waxaad ka maqli doontaan kuwa kitaabka la siiyay hortiin iyo kuwa mushrikiintaba dhibaato badan haddaad samirtaan oo aad cabsataan, taas waxay la mid tahay arrimaha muhiimka ah ee go’aan adag leh (aan laga maarmi karin).

Al IMRAN
Sahih International
Our Lord, indeed we have heard a caller calling to faith, [saying], 'Believe in your Lord,' and we have believed. Our Lord, so forgive us our sins and remove from us our misdeeds and cause us to die with the righteous.

Somali

{193} Ilaahayagow anagu waxaanu maqalnay rasuul yeedhaya oo ugu baaqaya iimaanka oo leh rumeeya Ilaahihiina, waana rumeynay, Ilaahayagiyow noo dhaaf gafafkayaga oo naga astur dambiyadeena, oo dimashadayadana nooga yeel anako ka mida kuwa sama falayaasha ah.

Surat Al Isra.
Sahih International
Say, "Each works according to his manner, but your Lord is most knowing of who is best guided in way."
Somali

{84} Waxaad tidhahdaa qof kastaba ha ku dhaqmo tiisa. Ilaahiina uun baa og kiina ugu jid hanuunsan.

Surat Yunus
Sahih International
And when Our verses are recited to them as clear evidences, those who do not expect the meeting with Us say, "Bring us a Qur'an other than this or change it." Say, [O Muhammad], "It is not for me to change it on my own accord. I only follow what is revealed to me. Indeed I fear, if I should disobey my Lord, the punishment of a tremendous Day."

Somali

Marka lagu dul akhriyo aayadaheena oo cad cad waxay yidhaahdaan kuwaan rajaynayn la kulankeena inoo keen quraan aan kan ahayn, ama badal, waxaad tidhahdaa imay ahaanin inaan u baddalo siday naftaydu rabto, waxaan raacayaa uun waxa la igu waxyooday, waxaan ka cabsanayaa cadaab maalin weyn haddaan Eebe caasiyo.
Surat Yusuf
Sahih International
So when they took him [out] and agreed to put him into the bottom of the well... But We inspired to him, "You will surely inform them [someday] about this affair of theirs while they do not perceive [your identity]."

Somali
Markay la tageen oo ay isla ogolaadeen inay ceel ay ku ridaan, waxaan ugu waxyoonay (Yusuf) inuu uga warramidoona arintoodan iyagoon dareemayn (ogeyn).

Surat Ibrahim

Sahih International
This [Qur'an] is notification for the people that they may be warned thereby and that they may know that He is but one God and that those of understanding will be reminded.

Somali

52 Quraanku waa wargelin dadka (loo soo dejiyay), iyo in looguna digo, si ay u ogadaan in uu Ilaahay  keligii yahay, iyo si ay ugu waantoobaan kuwa caqliga leh ee wax fahma.


Surat Ibrahim


Sahih International
And He subjected for you the sun and the moon, continuous [in orbit], and subjected for you the night and the day.

Somali

Wuxuu idiin sakhiray (Ilaahay) qorraxda iyo dayaxa si daa’im ah, iyo habeenka iyo maalintaba u idin sakhiray (Si aad uga faa’idaysataan).


Surat Ibrahim
Sahih International
And He gave you from all you asked of Him. And if you should count the favor of Allah , you could not enumerate them. Indeed, mankind is [generally] most unjust and ungrateful.

Somali

Wuxuna idiin siiyay wax walba aad waydiisataan, hadii aad tirisaan nicmadaha Illaahay ma koobi kartaan, aadanaha waka dulmiga iyo gaalnimada badan.

Surat Ibrahim
Sahih International
Have you not considered those who exchanged the favor of Allah for disbelief and settled their people [in] the home of ruin?

Somali

Miyaanad arag kuwa nicmadda Ilaahay ku badelay gaalnimo, dadkoodana u hogaamiyeen guri baas iyo hoog

 Suratul Al Anbiya
Sahih International
Rather, We dash the truth upon falsehood, and it destroys it, and thereupon it departs. And for you is destruction from that which you describe.


Somali

{18} Xaqa (runta) ayanu ku tuurayna baadilka (Xumaanta/ beenta) markaasuu baabi’inaya oo u tir tirtiraya. waxaad sheegaysaan halaag baa  idiin ku sugnaaday

Suratul Al Anbiya
Sahih International
So We responded to him, and We gave to him John, and amended for him his wife. Indeed, they used to hasten to good deeds and supplicate Us in hope and fear, and they were to Us humbly submissive.

Somali

{90} Waanu ka aqbalnay (ducadiisi) waxaanu siinay Yaxya waxaana u hagaajinay oridiisii, waxayna ahaayeen kuwo ku deg dega (ku dhakhsada) kheiyraadka (iyo samaha) wayna baryi jireen, iyagoo rajaynaya (nicmadiisi Eebe) oo ka cabsanaya (cadhadiisii iyo cadaabtiisa) waxayna ahaayeen kuwa noo khushuucsan.

Suratul Al Furqan
Sahih International
And those who do not expect the meeting with Us say, "Why were not angels sent down to us, or [why] do we [not] see our Lord?" They have certainly become arrogant within themselves and [become] insolent with great insolence.

Somali

{21} Waxay yidhahdeen kuwii aan rajaynaynin inay nala kulmaan (Aakhiro) ma nalagu soo dejiyo Malaa'ig, ama maanu aragno Ilaahayaga, way is weynaysiiyeen nafohooda wayna madax adaygeen madax adayg weyn. (yasid iyo xurma ridid weyn)

Surat Mariam
Sahih International
And they have taken besides Allah [false] deities that they would be for them [a source of] honor.

Somali
{81} Waxay ka dhigteen inta Ilaahay ka sokayasa ilaahyo siday sharaf iyo awood u yeshaan.


Surat Mariam

Sahih International
Do you not see that We have sent the devils upon the disbelievers, inciting them to [evil] with [constant] incitement?

Somali

{83} Miyaadan arkayn inaanu shayaadiinta udirrnay gaalada oo ay wareerin jahwareer joogto ah.

Surat Mariam

Sahih International
So, [O Muhammad], We have only made Qur'an easy in the Arabic language that you may give good tidings thereby to the righteous and warn thereby a hostile people.

Somali

{97} Waxaanu kugu fududaynay Quraanka luqadaada si aad ugu bushaarayso dadka Alle ka cabsada iyo si aad uguna digto qoom dood badan (oo aad u lexsan).

Surat Al Qasas

Sahih International
And We wanted to confer favor upon those who were oppressed in the land and make them leaders and make them inheritors

Somali

{5} Waxaanu doonayna inaanu guddoonsiino kuwii dhulka lagu dullaystay (adoonsaday) oo aanu ka dhigno kuwo awood leh (madaxna aanu ka dhigno), oo aanu ka dhigno kuwa dhaxla dhulka (Wixii u laha Fircoon).


Surat Al Qasas

Sahih International
And establish them in the land and show Pharaoh and [his minister] Haman and their soldiers through them that which they had feared.

Somali

{6} Oo aanu awood ugu hirgelino dhulka, si Fircoonna iyo Haamaan iyo colaalkooda aanu u tusino wixii ay ka fejignaayeen (baqaneyeen reer Bani Israa’il xagooda).

Surat Al Qasas

Sahih International
And We had prevented from him [all] wet nurses before, so she said, "Shall I direct you to a household that will be responsible for him for you while they are to him [for his upbringing] sincere?"

Somali
{12} Waxaanu horay ugu diidnay dumarkii wax jaqsiineyay, waxay tidhi (Muusa walashii) ma idin tusaa qoys idiinka xil qaada iyago u danaynaya.

Surat Al Qasas
Sahih International
So We restored him to his mother that she might be content and not grieve and that she would know that the promise of Allah is true. But most of the people do not know.

Somali

{13} Waxaanu ku soo celinay hooyadiis, si ay indhheedu u qabowsato oo aanay u murogoonin, iyo inay ogaato inuu Ilaahay balantiisu ay xaq tahay laakiin dadka intooda badani ma garanayaan.

Surat Al Qasas

Sahih International
And when he attained his full strength and was [mentally] mature, We bestowed upon him judgement and knowledge. And thus do We reward the doers of good.

Somali
{14} Markuu gaadhay (Nabi) Muusa xooggiisa oo u noqday nin taaba gal ah  ayaanu siinay xukun iyo cilmi, sidaas ayanu sama falayaasha ugu abaal marinaa.

Surat Luqman 

Sahih International
And of the people is he who buys the amusement of speech to mislead [others] from the way of Allah without knowledge and who takes it in ridicule. Those will have a humiliating punishment.

Somali
Dadka qarkood waxa ku jira kuwo ibsaneya hadal mala yacni ah si uu ugaga luumiyo (Dadka) Jidka Eebe iyagoo wax ogansho u lahayn, Jidka Eebena ka dhiga wax lagu dhel dheelo, kuwaasi cadaab dulleeya aye leeyeheen.
Surat At-Taghābun
Sahih International
It is He who created you, and among you is the disbeliever, and among you is the believer. And Allah, of what you do, is seeing.

Somali

{2} Isaga (Ilaahay) waa kii idin anbuuray waxaa idinka mida mid gaaloobay, iyo mid Alle rumeeyay (Mu'amin ah), waxaad sameeynaysan Ilaahay waa arkeya.

Surat At-Taghābun
Sahih International
No disaster strikes except by permission of Allah . And whoever believes in Allah - He will guide his heart. And Allah is Knowing of all things.

Somali

{11} Belaayo (muusiibo) kasta ma dhacdo  ila qadarka Alle mooyee, qofka Ilaahay rumeeya uu hanuuniya qalbigiisa, Ilaahaybaa wax waloba ogsoon.

Surat Al-'Anbyā'

Sahih International
[The time of] their account has approached for the people, while they are in heedlessness turning away.

Somali

{1} Waxa so dhawaatay dadka xisaabtoodii iyagoo war la’aan ku sugan oo si Jeeda (diidan).

Surat Al-'Anbyā'

Sahih International
No mention comes to them anew from their Lord except that they listen to it while they are at play

Somali

{2} Mana soo gadho mawacida (waxyi) Ilaahooda xagiisa ka yimaada oo la soo cusbonaysiyay way dhegesanayaan iyagoo ciyaaraya.


Surat Al-'Anbyā'
Sahih International
And We sent not before you any messenger except that We revealed to him that, "There is no deity except Me, so worship Me."

Somali

{25} Hortaa (Nabi Moxamadow) manaan dirin rasuul ila waxaanu uu waxyoonay Ilaah xaq lagu caadudo aan Aniga ahaayn ma jiro ee Aniga keligay i caabuda.

Surat Al-Qaşaş

Sahih International
Then is he whom We have promised a good promise which he will obtain like he for whom We provided enjoyment of worldly life [but] then he is, on the Day of Resurrection, among those presented [for punishment in Hell]?

Somali

{61} Qofkaanu u balan qaadnay balan wanaagsan oo u la kulmaya miyuu la mid yahay kaanu u raaxaynay noloshan aduun dhexdeeda, ka dibna u ka mid noqonay maalinta Qiyaamaha kuwa la soo xaadirinayo (la cadaabayo).

Surat Al-Qaşaş


Sahih International
And when they hear ill speech, they turn away from it and say, "For us are our deeds, and for you are your deeds. Peace will be upon you; we seek not the ignorant."

Somali

{55} Markay maqlaan hadal aan macna lahayn way ka jeedsadaan waxay yidhaadaan annaga camalkeena ayaa noo sognaaday,  idinkuna camaladiinna ayaad laydihiin, nabad dushiina ha ahaato ma rabno (xidhiidhkaa) kuwa jaahiliinta ah.

Surat Al-Qaşaş


Sahih International
And never would your Lord have destroyed the cities until He had sent to their mother a messenger reciting to them Our verses. And We would not destroy the cities except while their people were wrongdoers.

Somali
{59} Ma ahaanin Ilaahaagu mid halaaga magaalo jeer u ka soo dhex saaro caasimaaddeeda rasuul ku dul akhrinaya aayaadaheena mana nihiin kuwo halaaga magaalo ilaa ay yihiin dadkeedu dulmi falayaal.


Surat Fuşşilat


Sahih International
And We saved those who believed and used to fear Allah .


Somali

{18} Waxaanu nabad gelinay (badbaadinay) kuwii Alle rumeeyay oo ahaayeen kuwo Alle ka cabsanayay.

Surat Fuşşilat


Sahih International
And [mention, O Muhammad], the Day when the enemies of Allah will be gathered to the Fire while they are [driven] assembled in rows,
Somali
(u sheeg gaalada) Maalinta lagu kulmin colka Eebe naarta iyagoo is cidhiidhyi.

{19} Xus maalinta la soo urruurin doono cadowgiisa Ilaahay xagga naarta iyagoo qayb qayb ah.

Surat Fuşşilat



Sahih International
Whoever does righteousness - it is for his [own] soul; and whoever does evil [does so] against it. And your Lord is not ever unjust to [His] servants.

Somali

{46} Qofka camal fiican sameeyay wuxuu u sameeyay naftiisa, ka isaga  xumaan sameeya isaga naftiisa uun buu dusheeda ahaady (ciqaab), Ilaahaaga ma ahaanin mid dulminaya addoomihiisa.



Waxaa cajaa’ib ah in Kitaabka Injiilka Af Somaali wanaagsan lagu turjumay, laakin se waxaad mooda in Quraanka aan la isku mashquulin oo lagu dadaalin, ninka qore ee turjumay kitaabkii hore uu dadaalay dadaalkiisana Ilaahay Janatul Firdawsa ha ugu abaal gudo, tan aan turjumay hada waxaan raba intaan la dabacin inay dad badan ku sameeyaan muraajacad si loo sax tafsiirka Quraanka ama luqada soomaaliga in la saxo, Alle wuxuu ku yiri kitaabkiisa (Nin kasta oo cilmi leh waxaa dushiisa ah mid ka cilmi badan)  سورة يوسف .76) وَفَوْقَ كُلِّ ذِي عِلْمٍ عَلِيمٌ)


Ilaahay wuxuu jecelyahay qof haddu shaqo sameeyo
inay shaqadiisa noqoto shaqo heer sareeysa


 



SHAQO siwanaagsan loo sameeyay waa CIBAADAD

إiنْ أُرِيدُ إِلاّ الإِصْلاَحَ مَا اسْتَطَعْتُ وَمَا تَوْفِيقِيَ إِلاّ بِاللّهِ عَلَيْهِ تَوَكّلْتُ وَإِلَيْهِ أُنِيبُ

No comments:

Post a Comment