Monday, June 21, 2010

MADAALE.COM

Sheekh Umal oo sheegay in Al-Shabab ay yihiin khawaarij, qofkii dila ama ay dilaanna uu jannada galayo.

February 2, 2010 by MD  
Filed under News
Sheekh Umal ayaa  sheegay in Al-Shabab ay yihiin khawaarij, qofkii dila ama ay dilaanna uu jannada galayo.
Sh Maxamed Umal oo ah sheekh ka mid ah culimada ugu waaweyn ee somalida aha kuna nool magaalada nairobi ee waddanka kenya, ayaa sida laga soo wariyey ilo warar oo fara badan waxaa uu khudba kulul oo uu ka jeediyey masaajid isla magaaladaas ku yaalla, ku dhaleeceeyey kooxda hubaysan ee Al-Shabab la baxday, kuna tilmaamay in ay yihiin KHAWAARIJ.
Sheekh umal waxaa uu ka mid ahaa dadkii markii hore taageersanaa kacdoonkii ay kooxdii maxkamaduhu kula jireen ciidamadii Ethopia ee soo galay cariga soomaaliyeed,Al-Shababna waxaa ay ka mid ahaayeen firqo ka tirsan kooxdaas Maxaakinta Islaamiga ee markaa dagaalamayey. In dhoweydba waxaa isasoo tarayey falal foolxun oo ay ku kacayeen kooxda Al-Shabab oo ka kooban dhalin wajiga duubatay iyo sida la sheegay dad ajnabi ah oo ka kala yimi waddamo ay ku dagaalamayaan gaalo iyo islaam, sida chechniya, afghanistan iyo kuwo kale.Falalkaas oo ay u cuskanayaa ayaa waxaa dad badan oo ahlu diin ah ay cadeeyeen in aysan marra meel ka soo galin diinta islaamka.
WAA MAXAY KHAWAARIJ…
Waa koox jirtay ilaa wakhtigii Sayid Cali  . waxaa diintu sheegtay in ay yihii dhalinyaro quraanka si fiican u taqaanna laakiin uusan cunaha ama kalxamaha uusan  u dhaafsiisnayn. Waxaase ugu weyn calaamadaha lagu garto: Gaalaynta qof allaale iyo qofkii aan 100% ku raacsanay afkaartooda.
waxaa kaloo lagu gartaa :
1. Aayadaha Gaalada ku soo dagay Ayay Dusha Kasaraan Mu,miniinta
2. Kitaabka ilaahay Ayay Dadka ugu Yeerayaan Waxbana Kama aha.
3. Waxay Kasoo Baxaan Meel Aan Maamul Kajirin
4. Waxay Kabaxayaan Diinta Sida Gamuunku Uga Baxo Falaarta .
5. Qofkastoo Oo Ka Hor Yimaada Afkaartooda Waxay Ku Yiraahdaan Gaal Iyo Murtad.
Hadaba sheekhu waxaa uu guudahaa Soomaalida uga digay kooxda Al shabaab oo uu ku sheegay in ay yihiin Khawaarijta aan soo sheegnay. Waajibna ay taha, waa sida uu Sheekhu u yiri e, in lala dagaalamo layskana qabto, Dofkii ay dilaan ama iyada dilaha uu yahay ahlu janna.
MD




No comments:

Post a Comment