Sunday, September 23, 2012

Al Shabaab oo ku faantay inay iyadu ka dambeysay dilka Xildhibaan Mustafa Maxamed C/Laahi



Published on Sep 23 2012 By: Mumin //  102 Reads  // Wararka Somalia

Kooxda Al Shabaab ayaa waxay sheegatay Masuuliyada dilkii xalay Magaalada Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Xildhibaan Mustafa Maxamed C/Laahi.
War qoraal ah oo laga akhriyay Warbaahinta afka kooxda Shabaab ku hadasha, ayaa waxaa lagu sheegay in Al Shabaab ay ka dambeysa dilka Xildhibaan Mustafa Maxamed C/Laahi.
Ujeedadii ka dambeysay in la-dilo ayaa waxay Al Shabaab ku sheegtay in uu la-shaqeyn jiray waxa ay ugu yeertay cadowga Alle, taasina ay ka dambeysay sida ay sheegtay inay ku toogato gudaha Magaalada Muqdisho.
Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in Al Shabaab ay xoojin doonto dilalka qorsheysan ee ay ka geysaneyso Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, iyadoo sheegtay inaysan marnaba joojin doonin ilaa Ciidamadda Amisom iyo Masuuliyiinta Dowladda ay jooggaan.
Xildhibaan Mustafa Maxamed C/Laahi ayaa wuxuu dhalay mid ka mid ah xaasaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, isla-markaana lama garanaayo ujeedadii ka dambeysay in la-dilo.

No comments:

Post a Comment