Friday, May 18, 2012

Search Radio Links BBC Somali 07:00 BBC Somali 11:00 BBC Somali 14:00 BBC Somali 18:00 VOA Somali 06:30 VOA Somali 16:00 VOA Somali 20:00 Radio Banadir Google Lamanayaal Barakacayaal oo isku aroosay Mid ka mid ah Xeryaha qaxootiga Magaalada Muqdisho (Sawirro)


Lamanayaal barakacayaal ah ayaa dhowaan isku aroosay mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha Muqdisho, iyadoo xaflad si heer sare ah oo aad uga duwaneyd aroosyada ay dhigtaan barakacayaasha loogu sameeyay xero qaxooti ah.

Arooska iyo Aroosada kala ah Cumar Cabdullaahi iyo Nuurto Suleyman ayaa arooskooda si cajiib leh uga dhacay Xerada Rajo qeybteeda degmada Hodan, halkaasoo ay ku dhaqan yihiin barakacayaal fara badan.

Xaflada Arooska oo ay ka qeyb galeen boqolaal ruux oo barakacayaasha ahaa ayaa ka dhacday goob la xardhay, arooska iyo aroosada ayaa fadhiyay labo kursi, halka dadkii ka qeyb galayay arooska ay daawadayaal oo kale ka ahaayeen.

Xaflada oo ay bar bar socotay ciyaaro dhaqan, heesaha Soomaaliga iyo kuwa reer Galbeedka oo ahaa kuwo laga daaray sameecado Memory wata oo ay ku duubnaayeen, waxaana caruur loo diyaariyay arooska ahaayeen kuwo si wanaagsan ugu ciyaarayay.


Arooska Cumar Cabdullaahi waxaa uu ku labisnaa Jaakad Suut ah oo garabaatigeeda wata, halka gabadhana ay dhar sidii cabaayadii oo kale loo sameeyay ay xirneyd, sidoo kale cilaan qurxoon ayaa u saarnaa, muuqaal ahaana farxad ayaa ka muuqatay, waxaana lamaanayaashan is calfaday u bilowday bisha malabka oo ay ku gelayaan xerada Rajo qeybta ku taal degmada Hodan.


Arooskaan ayaa dad badan ahmiyad wanaagsan u lahaa, sababtoo ah 8 bilood ka hor in aroos laga tumo xerooyinka barakaca ee magaalada Muqdisho ma aheyn wax lagu dhiiran karo, oo meel walba waxaa daadsanaa dad gaajeysan oo ay macluuli dilatay iyo qaar ay soo riteen cuduro ugu soo gabaday baahida keentay abaarta.

Laakin haatan arooskan ayaa muujinaya sida ay xaalada dadka barakaca ah uga soo reyneyso iyo jawiga cusub ee farxada ah ee ay galayaan qoysaska iyo shaqsiyaadka kale ee ku nool xeryaha barakaca.


Inkastoo wali ay jiraan dhibaatooyin ay wajahayaan dadka wali ku harsan xeryaha barakaca ah, ayaa hadana waxaa jira qaar wali noloshooda wanaagsan tahay, oo rajo wanaagsan ka leh aayahooda, marka loo eego dhalinyarada xamaalata, oo shaqooyin noloshooda ay ku maareeyaan ka hela meelo kala duwan oo magaalada ka mid ah.


Arooska iyo Aroosada ayaa ugu dambeyn u soo istaagay inay ciyaaraan oo ay ku muujiyaan farxada u bilaabatay noloshooda, iyadoo aan marna dareensaneyn noloshii ay horay u soo mareen, waxaana ay noqonayaan qoys cusub oo barakacayaasha ka mid ah.



http://www.jowhar.com/news.php?readmore=778
C/casiis Golf
Chief Editor

No comments:

Post a Comment