Thursday, August 8, 2013

Wasiir Foosiya Xaji Adan Oo Weerar Afka ah ku Qaadday Warbaahinta Soomaaliyeed

Somalidiasporanews.com

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |
foosMugdisho:8-Aug-2013 (SDN)Wasiirka arrimaha dibada dalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalkaas, Foosiya yuusuf xaaji Aadan, ayaa eedeyn ujeedisay bahda saxaafada kuna eedeysay inay si qaldan uturjumeen qaar kamid ah qodobadii kasoo baxay shirkii Kampala.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maalintii shalay dalka dib ugu soo noqotay,Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdishana kula hadashay saxaafada, ayaa sheegtay in Bahda saxaafada qodobadii kasoo baxay shirka Kampala qaarkood ay ubedeleen si aan aheyn sidii loogu talogalay.

Waxa ay sheegtay in Bahda warfaafinta qodob kamid ah Warmurtiyeedkii ay ka dhigeen mid Dowladda Kenya ay ka cabaneyso dowlada Soomaaliya taasina ay tahay mid been abuur ah.

Fowsiya ayaa sheegtay in Dowladda Kenya ay tahay Dowlad saaxiib dhaw la ah dalka Soomaaliya wiilal udhashay dalka kenyana ay joogaan Soomaaliya oo dhiigooda ay uhureen sidii dalka Soomaaliya ay nabad uga dhigi lahaayeen.

Xidhiidhka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya ayey ku sheegtay inuu yahay mid aad u wanaagsan oo aan jirin xilligan caqabad ama dhibaato ka taagan.

Kenya ayaa labo sano kahor ciidankeeda waxa ay soo galeen dalka Soomaaliya,iyadoo dagaal adag ay lasoo galeen Shabaab ugu dambeyna Kismaayo ay ku yimaadeen.

Shirkii ka dhacay Kampala ayaa lagu heshiiyay in Dowladda Soomaaliya maamulka Dekada iyo Garoonka Kismaayo si buuxda loogu wareejiyo,iyadoo Kenyana ay sheegtay inay diyaar u tahay wareejinta xarumahaasi.

Somalidiasporanews.com
Muqdisho/somaliya

No comments:

Post a Comment