Thursday, April 27, 2017

WAA KUWEE URURKA CUSUB EE XAQ CADEEYAYAASHA? (الصادعون بالحق )

Idil News

.W/Q: Abdi J Arab

Usbuucaan Waxay koox Macalimiin Jaamacadeed U badan iyo Maamulayaal xarumo waxbarasho oo aad looga yaqaan dalka Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Muqdisho ku dhawaaqeen Urur la magac baxay (الصادعون بالحق) Ururka Xaq Cadeeyayaasha. Maqaalkaan gaaban waxaan ku eegi doonaa oo ku falanqeynayaa taariikhda ururkaan cusub. Suaalaha aan jilaafeyn doonaa waxaa kamid ah; waa ayo Alsaadicuun bil xaq? xageey asal ahaan kasoo jeedaan? goormey abuurmeen? yaa aasaasy? yeey fikirka isaga mid yihiin? iyo gunaanad. Bayaanaad ay soo saareen ayay ku sheegeen manhajkooda iyo sida ay u abaaraayaan mujtamaca Soomaalida, Waxaa kaloo Garab socday Bayaanaadkooda Bayaanaad Koox Caalami ah oo Ka Socotay dowladaha Carabta Qaarkood Oo Xubnaha kooxda Soomaalidana ay qayb ka yihiin Isku ururna yihiin. Ururkan Ayaa sheegay in ka badan 40 Sano ay ku mashquulsanaayeen baaritaan cilmiyeed oo ey u ku odorosayeen mujtamcaadka muslimiinta, laakiin aysan rasmiyan isu muujinin haddana la gaaray xiligii ay is muujin lahaayeen duruufo ka jira Caalamka Islaamka Daraadeed.
Markaan diiradda saaray ururkaan — Maxaa iiga soo Baxay? Xubnaha Ururkan Ku jira intooda badan waa Ragii loo yaqaanay Al-takfiir wal-hijrah iyo Takfiir Jawi — Oo Macnaheeda yahay Gaaleysiin iyo Hijrah ama Takfiirka is qariya. Afkaarta ay ku soo bandhigeen bayaanaatkooda waxay u egyihiin isla afkaartii lagu tuhunsanaa ragaan hadda ku dhawaaqay Ururka, laakiin marar badan ay inkiri jireen in afkaartaan ey qabaan ama ka amuusi jireen — marka lagu tuhmo aragtiyadahaas oo qayb ahaan ah gaalaysiinta mujtamaca muslimka ah.
Inta badan waa rag wax bartay oo leh takhasusaad cilmi oo kala duwan, ahna kawaadir aad uga dhex muuqda xarumaha waxbarashada nooceey doonaan ha ahaadeenee. Waxaa la dhihi karaa Jamaacooyinka Soomaaliya ka jira waa kuwa ugu aqoon badan. SIDEE KU ABUURMEEN URURKAAN? Ururkaan waxay asal ahaan kasoo jeedaan ururka weyn ee Al-ikhwaanul Muslimiin ee uu aasaasay Ninkii Masriga ahaa ee la oran jiray Shiikh Xasan Albannaa SANADKII 1924KII.
Sanadku markuu ahaa 1952 ayaa saraakiil ey hogaaminayaan Jamaal Cabdinaasir iyo Axmed Najiib oo ka tirsanaa ciidanka Masar oo kaashanaya quwadda Kawaadirta ururka Al-ikhwaanul Muslimiin ey ku heshiiyeen iney afgambiyaan Boqorkii Masar Boqor Faaruuqii koowaad.
Afgambigii wey ku guuleysteen, Boqorkii waxay ku qasbeen inuu xilka boqortooyada ku wareejiyo wiilkiisa oo nuune ahaa xiligaas — isagiina waxaa loo musaafuriyay Boqortooyada Monaco.
Jamaal Cabdinaasir ayaa Noqday Madaxweynaha Dalka Masar — wixii ugu horeeyay uu sameeyay waxay aheyd inuu balanta uga baxay ikhwaankii, intaas kuma harinee wuxuu birta ka aslay oo madaxa ka guray badi kawaadirtii ururka, qaar badanna xabsiyada ku jirdilay — isagoo dhadhansiiyay cadaabkii adduunka.
Jirdilka ragaas loo geystay waxaa kamid ahaa in qofka inta lugaha laga xiro deedna lagu sii xiro gaari kaasoo buuraha iyo wadooyinka rafka ku jiida qofkaas ilaa hilibkiisu uu jidka ku dhamaado.
Qaar waxaa lagu diri jiray eeyo waa weyn oo la gaajeesiiyay si ey nolol ugu cunaan. Dumarka iyaga waxaa intaa u dheeraa kufsi joogto ah. Dadkii aadka loo cadaabay waxaa kamid ah haweeneey la oran jiray Zaynab Al-qazaali oo aheyd qoraa sare lana dhalatay Mufakirkii weynaa ee cabqariga ahaa Maxammed Alqazaali.
Waana halkaas meesha ey takfiirku kasoo farcameen, waxaa isu sawirtay waxa loo dilayaa waa iney rabaan iney kitaabka ilaahey isku xukumaan, cidda dileysa oo cadaabeysaana ma’aheyn gaalo — ee waxay ahaayeen dad muslimiin ah, waxaana lagu dhex waxyeelanayana gudaha mujtamac Muslim ah oo daawanaya oo aan waxba ka oraneyn dhibta loo geysanayo.
Sedexdaas arimood ayaa isku qaban weyday waxayna go’aansadeen iney u arkaan; dawladda iyo shacabkaba iney gaalo yihiin. Waana halkaas halkeey kasoo aasaameen. Fikirkaan gaaleysiinta wuxuu Dalkeena soo caga dhigtay bilowgii todobaatameeyadii.
Qaar badan oo ka mid ah waxay ka tirsanaayeen Ururkii Caanka Ahaa ee Ahli Oo la aasaasay 1973dii markii dambana burburay ka dib markii ay soo dhex gashay afkaar gaalaysiin ah oo inta badan xubnihii ururka ay qaateen — markii danbana keenay burburka Ururka iyo in intii badneed xubnihii ururka ka noqdeen afkaartii gaalaysiinta, taa oo gogosha u xaartay in dhamaadkii todobaatameeyadii Xubnihii ururkii Ahli Qaarkood Sameeyeen Ururkii Islaax Iyo Jamaaca Islaamiya. Markii ay sameesmeen labadaa urur waxaa jiray Xubno ku haray ururkii Ahli Oo Haystay fikirkii gaalaysiinta kana tanaasulin uuna ku jiray Amiirkii Ururka iyo xubno muhim ah inkastoo inta badan xubnihii ahliga ay isaga tageen Takfiirinta oo ay ku kala biireen labadii urur ee aan soo sheegnay.
Ragaan hada ku dhawaaqay ururka inta badan waa ragii waagaa ku baaqiga ahaa fikirkii gaalaysiinta uuna ka baaba’ay Ururkii ka dib markii inta badan ragii kula jiray ay ka baxeen aasaasteena labadaa urur ee waawayn ee markii dambana dhul waynaha Soomaalida ku faafay.
Mudadii afartanka sanadood ahayd ee ka danbaysay bur burkii ururkii ahli — ayaa waxaa jiray in dadka qaar oo xog-ogaal ahaa ay sheegi jireen in ragii ku haray fikirkii gaalaysiinta wali isku xiran yihiin si qarsoodi ah Ururna ay yihiin, dadka qaar ayaase ku doodi jiray nimankaas in ay baaba’een oo Wax Urur ah uusan u jirin ay iska yihiin dad saaxiiba ah. Inta badan ragaan Ururka hada ku dhawaaqay waxay xooga saari jireen tacliimta maadiga ah iyo tan diiniga ahba — iyagoo aad uga dhex muuqday mu’aasasaatka tacliimta ee ay leeyihiin xarakaatka islaamiga ah sida jaamacadaha iyo Macaahida iyo xataa iskuulada, maadaama ay kawaadir ay ahaayeen ku fiican tacliimta waxay ahaayeen kuwa aan looga maarmin tacliimta heerka sare, sidoo kale waxaa jiray mu,asasaat tacliimi ah oo ay ayaga qayb ahaan wax ka aasaaseen oo ay ka shaqayn jireen.
Waxaa muuqata in rag muhim ah oo uu ka mid yahay amiirkii hore ee ahli oo lagu tirinaayay ragan in uusan ka muuqan fiidiyoowga ay ku soo bandhigeen barnaamijkooda, waxaa kaloo ka maqan sheekh cabdiqaadir aw muuse oo u ah munadirkooda (fikir soo bandhigahooda) oo dhawaan qoray dhoor buug oo uu ku soo bandhigaayay taariikhda Saxwada asagoo ku andacooday in saxwada asalka ah ee soomaalida ay tahay kooxdooda.
Ka maqnaashaha labadaa sheekh ee muhimka ah ma cadda ilaa hada in ay khilaaf iyo is faham waa kaga maqan yihiin iyo in uun muuqaalka bes ah ka maqan yihiin ee Ururka Dhismihiisa qayb ka yihiin, koleey maalmaha soo socdaa la ogaan doonaa.
Runtii Waxaa aad u yaab leh in dhawaan Sheekh Cabdiqaadir Aw Muuse Kutubtiisa uu qoray uu ku soo bandhigay dood oronaysay in ayaga ay yihiin asalka saxwada soomaaliya laakiin uu ku eedeeyay xarakaatkii ka sameesmay ahli ee Islaaxa Iyo Ictisaamka ay ka Boobeen Saxwadii ayna yihiin Xarakaatkaa Afkaar ku soo duushay saxwadii soomaalida oo taakuleen Carbeet ay sababtay in ay xoogeestaan ayagoo saxwadii soomaaliyeedna ay ayaga qabsadeen.
Runtii doodaa ayadoo ay jirtay ayaa waxaa soo baxday in kooxdan cusub ay qayb ka tahay koox caalami ah oo ka dhisan dalka dibadiisa taas oo soo afjareesa doodii Aw Muuse Ee ku Eedeenaysay xarakaatka in ay yihiin fikir ku soo duulay saxwadii soomaaliya oo caalamka looga yimid.
YEY ISKAGA MID YIHIIN RAGAAN FIKIRKA?
Waxaa muhiim ah in wax walba aan ku wajahno aqoon iyo xeeldheeri. Fikirka gaaleysiinta dadka Muslimiinta ah ee nimankaan cusub ey qabi jireen, haddana lagu tuhmayo waxaa muhiim ah in la tilmaamo in usurp badan oo Soomaaliya iyo Caalamka Islaamka ka dhisan ey qabaan noocyo kamid ah fikirka gaaleysiinta. Tusaale; nimankaan la yiraahdo Alshabaab ee asal ahaan kasoo jeeda kana farcamay fikirna ka qaatay ururkii loo yiqiin Alwahaabiyah ee uu aasaasay AUN Sh Maxamed Cabdulwahaab ey aaminsan yihiin sidaan iyaga aheyn iney gaalo yihiin. Daacish sidaa si laid ah ayeey aaminsan yihiin. Labadaa qolo gaaleysiin kaliya kuma ekaanee waxay ugu dareen dadkii iney dhiigaada baneysteen goob walba xataa masaajidka eysan kaga nabad gelin, xoolahoodana ey baneysteen. Marka waa su’aalee, kaba soo qaad in ururkaan cusub weli heystaan fikirkoodii hore ee gaaleysiinta, laakiin waxaan marqaati dhamaanteen ka wada nahay ineysan weligood qof muslim hub u qaadan oo eysan waxyeeleyn.
Haddaba kee daran qof ku gaaleeysiiyay laakiin aan dhib kuu geysan oo wuxuu aaminsan yahay isaga isku koobay? Mise Mid gaaleysiin kuugu draya dil iyo dhac? Jawaabta su’aasha waxaan u dhaafayaa aqristaha isagu ama iyadu ey qanaacadooda shaqsiga ah ku gaaraan. GUNAANAD Gabagabadii, waxaanan caddeyn fikirka ay haatan xambaarsan yihiin Ururkaan magaca bedeshay, ma koodii hore Oo Ah Gaalaysiinta Muslimiinta (Takfiir) bey kusii dheganaan, mise waxbaa iska bedelay? su’aashaas waxaan u daynayaa in waayaha iyo waqtiga ey nooga jawaabaan.
Waana Meesha Ay kaga duwan yihiin Takfiirka la yaqaano oo ah in Kooxda Takfiirka Ah Ee Madaxda U Yahay Sh. Maxamud Nuur Cusmaan Ayaga Isma qariyaan, Waxaa kaloo Ay kaga Duwan yihiin In dadka ay soo dhex galaan qoladan Ururka Cusub Sameesatay ee la baxay Al-saadicuun Bil Xaq.
Waxaan aad ugu faraxsannahay 40 sano kadib ey ragaan Dakaatirada Iyo Asaatidada ah is muujiyeen — waxaa noo furantay wadadii lagula nuqaashi lahaa oo lagu sixi lahaa, aqoontoodana laga faaiidii lahaa, dowrkaa oo markii hore meesha ka maqnaa, ileen maba ay is muujin jirinee.
Waxaan ka codsanayaa Culimada soomaaliyeed ee waawayn sida Culimada hogaamisa hay’adda Culimada Soomaaliyeed in ay ragaan soo dhoweeyaan oo eysaan didin, kana faaiideystaan aqoontooda — iyagoo ku grab wada niqaash iyo gar naqsi si meesha looga saaro afkaarta kala fogaanshaha.
Aniga waxaan arkaa in ragaan Aasaasay Ururkaan Cusub oo ah rag karti iyo Aqoon lagu yaqaan ahna rag waaya arag ah hadii Lagu Qanciyo fikirka Gaalaysiinta in meesha ay ka saaraan ragaan iyo ururkoodaba kuwa wax ku sii kordhin kara mujtamca Soomaalida, qeyb libaaxna ka qaadan kara dib-u-dhiska dalkeena dhinac walba.

W/Q: Abdi J Arab

No comments:

Post a Comment