Wednesday, December 7, 2011

Halkuu ku dambeeyay “Sheekh” Xasan Turki!?

Wednesday 7 December 2011 15:24

Kismaayo (Keydmedia) - Halkuu ku dambeeyay Sheekh Xasan Turki, siyaasad intee dhan ayuu hada ku leeyahay Kooxda Shabaabka? - Sheekh Xasan Cabdulhaai Xirsi (Sheekh Xasan Turki) oo in mudo ah kamid ahaa horjoogayaasha Kooxaha Magaca Diinta ku qarabta Al-Shabaab ayaa haatan u muuqda mid sii tabar dhigaya oo ay da' ka daba timid.
Xasan Turki oo aad loogu xasuusto aas aasida iyo hogaaminta Ururo ay kamid yihiin, Ikhwaanul Muslimiin iyo Ururkii Midowga Maxkamada Islaamiga ahaa ee Soomaaliya u horseeday dhibaatada maanta ku jirto ayaa xiligaan waxaa uu ku nool yahay Xaafada Guul-wade oo ka tirsan Xaafadaha Magaalada Kismaayo, ayadoona nolashiisu ay aad u xuntahay.

Xasan Turki Xaafada Guul-wade waxaa soo dajiyay, Gurina u Iibiyay horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaabka,  kadib markii ay kala wareegeen awoodii Siyaasadeed iyo midii dhanka maaliyadeed ee uu ku lahaa Kooxaha magaca Diinta ku qaraabta.

Wixii xiligaasi ka dambeeyayna Magaciisa Sheekh Xasan Turki hoos ayuu u dhacay, ciidamadiisiina inta badan waa ay ka kala tageen.

Waxaa "Wadaadka" ku dhacay cuduro ay kamid yihiin Cagaarshowga iyo cudurka Gaaska, inkastoo qaar ka tirsan Eheladiisa ay Wariyaha Keydmedia ee Kismaayo u sheegeen in cudurada Xasan Turki haya aan si
rasmi ah wali loo aqoonsanin, waxaana uu sariirta saaranyahay oo uu anuunsanyahay mudo ku siman 5 bilood oo xariir ah.

Xasan Turki wax badan hada kama oga Siyaasada iyo xaalada Dalka uu maraayo, waana mariir sariirta saaran, Magacii horay uu u lahaana hada malahan, ciidan iyo hub badan ma haysto oo ciidankiisii iyo hubkiisii waxaa ay ku kala biireen Kooxda Shabaabka iyo Kooxda Gaandi ee qaska ka kala wada Gobbalada Jubbooyinka.

Keydmedia.net - Xafiiska Kismaayo

http://www.keydmedia.net/news/article/halkuu_ku_dambeeyay_sheekh_xasan_turki/

No comments:

Post a Comment