Maqaal: Ogadenya la mid ma’aha Somaliya, ONLF-na la mid ma’ah ururadii Somaliyeed ee hagaasay
Xuseen Xoor
Shilaabo2003@yahoo.com
Jan 8 2012
Xuseen Xoor
Shilaabo2003@yahoo.com
Jan 8 2012
Shacabka Somaliyeed ee Ogadenya ee xadka la leh qawmiyadihii ka soo duulay buuralayda Gondar iyo Tigree, waxay dagaal khadhaad kula jiraan Itobiya (Boqortooyadii Abyssinia) oo ahayd cadawga umadda Somaliyeed duulaanka joogtada ah ku haysay 2dii qarni ee tagay. Iyadoo ay qaar badan oo Somali ah u muujinayaan Itobiya saaxiibtinimo iyo kalsooni ay ku qabaan inay Itobiya u dhisi doonto qaranimadii Somaliyeed ee Itobiya qudheeda ay horey u burburisay.
Somalida Ogadenya ee halganka hubaysan kula jirto Itobiya iyo kuwa la shaqaysta Itobiya waxay kala aaminsan yihiin laba fikrad oo kala duwan. Fikrad ka hormarinaya danta gaark ah wax walba oo meel iska dhigay wixii ay horey umadda Somaliyeed u aaminsanayd ee ahayd inay Itobiya gumaysato shacab iyo dal Somaliyeed. Kuwan waxay iska dhaadhiciyeen,Itobiya hadaan lagu sasabin ka hortagga mucaaradka ka soo horjeeda dawladda Itobiya inay ku soo duulayso oy qabsanayso intii u soo hadhay. Meesha kooxda kale ay rumaysan yihiin fikrad ah inay Itobiya lahayd waligeedba ujeedo cad oo muuqda, ujeedadaasoo aanay marnaba ka leexanin.
Taariikhda iyo waaqica ay Somali maanta ku nooshahay hadii la barbar-dhigo labadaa fakiradood, waxaa hubaal ah inuu ku raacayo kooxda aaminsan inay Itobiya ku socoto taladii boqoradii horee ee Itobiya asaasay. Laga soo bilaabo waqtigii uu boqor Minilk qabsaday Harar ilaa maantadan aan joogno, hadafkii Itobiya ay lahayd ee ahaa inay ka taliso guud ahaan Geeska Afrika waxba iskama badalin. Boqor Minilk oo ah ninka loo tiriyo inuu yahay asaasaha Imbraadooriyadda Itobiya ayaa markuu ogaaday inay dawladihii Yurub qorshaynayaan inay Afrika qaybsadaan waraaqa u wada qoray uu ku beer-laxawsanayo si loogu soo gurmado isagoo u sheegaya in dhulkii Itobiya ay muslimiintii qaateen. Waxaa ka mid ahaa hadaladiisa; ( Dalkayga wuu ka fogyahay dalalkiina. Wadadaan u mari lahaa xeebaha, Saylac, Tajura iyo Cadan waxaa iga gooyay muslimiintii. Waxay iga horjoogaan sidaan dalka ugu keeni lahaa raashin, hub, qalabka beeraha, farshaxanka iyo xataa inay yimadaan dadkii fidin lahaa diinta masiixiga — “My country is far distant from your country. My road to the coast, to Zeila, Tajura and Aden is at present closed by the Muslims. They prevent my receiving into my country provisions, arms, agricultural implements, artisans or even messengers of the Gospel. Will you kindly raise your powerful voice in order that I may have this way opened to me, for I desire to inaugurate in my country European civilization, intelligence and arts.”). Markuu warqadaa qorayo wuxuu daba socday Minilik warqad uu boqorkii isaga ka horeeyay ee Yohanne u qoray boqoraddii Ingriiska Queen Victoria uu ku sheegayo baaxadda dhulka Itobiya; ( Waa inaad fahamtaa, markaan leenahay dalkanaga waxaan ula jeedno waa laga bilaabo Musawac ilaa Atbara ; Berbera ilaa Gedarif; Gambela ilaa Kassala. Dhulka Itobiya waa midkaa – “You must understand, what we call our country is from Massawa to Atbara; from Berbera to Gedarif; from Gambella to Kassala. This is our country Ethiopia .”)
Nin aqoonyahan ah oo ka mid ahaa ardaydii wax ka dhigan jirtay dugsiyadii Mission-ka Qalafe ayaa igu yidhi heestii nala xafidsiiyay markuu imanayay Qalafe Xayle Salaase waxaa ka mid ahaa ereyadan; (– mar ay noqotaba bandiiradda Itobiya Xamar waa laga taagi.). Boqor Xayle Saalaasi 1945kii markuu Ingriiska dib ugu soo celiyay xukunkii Itobiya ee Talyaaniga uu ka eryay wuxuu yidhi; ( Waxaan u imid inaan dib u soo celiyo xoriyadii dalkayga, ay ka mid yihiin Eretria iyo Banadir oo dadka dagan ay hoos hadhsan doonaan calanka Itobiya “I have come to restore the independence of my country, including Eritrea and the Benadir whose people will henceforth dwell under the shade of the Ethiopian flag…”
Taariikhda hadaan meel iska dhigno, ninka talada dalka Itobiya gacanta ku haya hadda ee Meles Zinawi hadaladiisa waxaa ka mid ah ma aqoonsani wax la yidhaahdo Somali isagoo saxaafadda ka yidhi ma jiro wax la yidhaahdo Qaran Somaliyeed oo waa qabiilo wada daga oon waxba wadaagin.
Taxanahaa taariikhiga ah iyo damaca Itobiya oo muuqda ayay siyaasiyiinta maanta talada Somaliya ku looltamaya iska indha tiraan iyagoo ilaashanaya maslaxadooda gaarka ah. Sababtoo ah waxay arkeen inay Itobiya ogolayn inuu ka taliyo qayb ka mid ah Somaliya qof aaminsan Qaran Somaaliyeed oo ka madaxbanaan faragalinta iyo hagidda Itobiya. Arintaa waxay si dhab ah u xaqiiqsadeen 2dii sano ee loo fadhiyay Kenya shirkii lagu soo dhisay xukuumadii Cabdulaahi Yusuf madaxweynaha ka ahaa. Kolkaas oo dhamaan dadkii aqoonta lahaa, Somalinimada aaminsanaa, lahaa waayaragnimo siyaasadeed, dhamaantood laga fogeeyay inay soo galaan doorashada baarlamaanka.
Siday Itobiya ugu talagashay Somaliya ayay u dhacday. Dad aan lahayn cadaw kale oon dhexdooda ahayn. Taariikh iyo dhaqan ay wadaagaan uusan jirin. Aan wada-tashi iyo shir isugu imaan karin iyagoon lagu kala dhex jirin. Qabiil walba si gooni heshiis ula keh Itobiya oo fariimo gooni ah la soo siinayo. Dhamaan ururadii siyaasiga ahaa oo kala tagay oo aan jirin. Oday dhaqmeedyo u taliya beel walba oy Itobiya ka ilaalinayso aqoonyahan-koodii inuu soo dhex galo oo talo ku yeesho arimahooda.
Sawirkaa dhabta ah ee ka muuqda xaaladda Somaliya, waxaa ka duwan shacabka u halgamaya xoriyadooda ee Ogadenya. Itobiya aad ayay isugu dayday inay heerkaasoo kale gaarsiiso shacabkaa oo qabiil iyo beel beel isaga horkeento. Inay burburiso ururka siyaasiga ah ee hogaaminaya bulshada halgamaysa oy ku badasho oday dhaqameedyo iyo urur beeleedyo. Hasa ahaatee kuma aanay guulaysanin sababtoo ah waa shacab leh taariikh halganeed fog oo looltan iyo dagaal uu ka dhexeeyay iyaga iyo Itobiya labadii qarni ee tagay. Waa shacab garanaya khiyaanada Itobiya iyo waxay damacsan yihiin.
Itobiya markay ogaatay inay shacabka Somaliyeed ee Ogadenya ka duwan yihiin Somalida kale ayay u wareegtay inay go’doomiyaan oy kala ilaaliyaan labada shacbi inay yeeshaan dhexgal iyo wada-tashi. Waxay ku dadaashay Itobiya inay colaad ka abuurto beelaha xadka wada daga si jabhadda ONLF iyo shacabka Ogadenya uga mashquuliso halganka oy dagaal beeleedka ka dhex socda Itobiya daraf uga noqdaan. Kumana guulaysan inkastoo dhibaatooyin badan oo muuqda loo gaystay ururkaa oo ilaa maanta aan maqlayno kolba koox iyo maamul leh waxaan qabanay dagaalyahan ONLF ah oon u dhiibnay Itobiya.
Goorma ayay Soomaalida garan doonaan meesha uu dhibkooda ka soo burqanayo?
Xuseen Noor.
shilaabo2003@yahoo.com
No comments:
Post a Comment