Wednesday, October 31, 2012

Hanjabaada al-Shabaab oo looga jeedo in dadka laga jeediyo wayntii Kismaayo

Waxaa qoray Bosire Boniface oo Wajeer jooga

Oktoobar 31, 2012

Al-Shabaab ayaa isku dayaysa inay isku duba riddo taageero caalami ah oo la siiyo dagaal yahaniinteeda niyad jabsan kaddib markii ay waayeen magaalada xeebta ah ee fadhiisinta u ahayd ee Kismaayo iyaga oo soo saaray dhawr hanjabaad oo ku aaddan dhawr waddan, madaxda ammaanka iyo falanqeeyayaasha ayaa sidaas leh.
  • Nin tilmaamaya calaamad ay al-Shabaab lahayd ee magaalada Walawayn Oktoobar 11-keedii, kaddib markii ciidamada Midawga Afrika iyo kuwa dawlada Soomaaliya ay ka qabsadeen magaalada kooxda dagaal mitidka ah. [Mohamed Abdiwahab/AFP] Nin tilmaamaya calaamad ay al-Shabaab lahayd ee magaalada Walawayn Oktoobar 11-keedii, kaddib markii ciidamada Midawga Afrika iyo kuwa dawlada Soomaaliya ay ka qabsadeen magaalada kooxda dagaal mitidka ah. [Mohamed Abdiwahab/AFP]
Al-Shabaab ayaa bogga ay ku leedahay Twitter si joogta ah macluumaad ugu qoraysay ilaa iyo markii laga qabsaday Kismaayo si ay wali u sii ahaadaan dad jira ayna u sii kiciyaan dadkoodka raacsan si ay iskaga difaacaan waxa ay ugu yeedheen dagaalka iyo hagardaamada ka dhanka ah dadka Muslimiinta ee aan waxba galabsanin.
Kooxda mitidka ah ayaa ku hanjabay in ay weerarayaan Ingiriiska iyo waddamada Soomaaliya dariska la ah.
Qoraalo is bada joog ah oo Oktoobar 22-keedii la soo galiyay, ayaa al-Shabaab ku sheegtay in Ingiriisku ay "dhib badan kala kulmi doonaan dawrkooda qayaxan ee dagaalka ka dhanka ah Islaamka iyo waxashnimadooda aan dhamaadka lahayn ee ka dhanka ah Muslimiinta aan waxba galabsanin."
"Qarawga cabsida leh ee sida qarsoodiga ah uga muuqda xeebaha Ingiriiska waxaa hubaal ah in uu noqon doono mid qariya aragagaxii 7/7 iyo 2/17 oo la isku daray," al-Shabaab ayaa sidaas yiri.
Qaraxyadii London ee Luuliyo 7, 2005 waxay ahaayeen qaraxyo is bada jooga oo is miidaamin ah oo la isku soo duba riday oo lagu qaaday nidaamka gaadiidka guud ee magaalada, kaas oo dilay 52 shacab ah iyo afar is qarxiyayaal ah. Laba usbuuc kadib, afar isku day qaraxyo bambooyin ah ayaa khalkhal galiyay nidaamka gaadiidka guud ee magaalada.
Al-Shabaab ayaa sida oo kale balan qaaday in ay ka aargoosanayso go'aanka ay gaadhay Maxkamada Sare ee London oo ahaa in loo wareejiyo wadaadka xag jirka ah ee Mustafa Kamaal Mustafa oo loo yaqaano Abu xamza al-Misri waddanka Maraykanka Oktoobar 5-teedii. Mustafa ayaa lagu eedeeyay inuu ka sameeyay xarun lagu taba barto gobalka Oregon, kaas oo uu ka beeniyay Oktoobar 9-keedii maxkamad New York ku taala.
Axadii (Oktoobar 28-deedii), ayaa kooxdan dagaalyahniinta ah ay cusboonaysiiyeen hanjabaadoodii ka dhanka ahayd Kenya, kuwaas oo ay milatarigoodu kula dagaalamayeen al-Shabaab Soomaaliya gudaheeda muddo hal sano ka badan.
"Cadawga naga soo horjeeda waxay sameeyeen khalad taariikhi ah markii ay Kenya u direen in ay ku duusho dhulka Muslimka ee Soomaaliya," qoraal loo aaneeyay hoggaamiyaha al-Shabaab Mukhtaar Abu Zubayr, oo loo yaqaano Axmed Godane ayaa sheegay. "Kenya ayaa dhawaan ka shalaayi doonta tallaabadan ay qaaday, in shaa alaah [Hadii Ilaahay idmo]."

Hanjabaada oo ah qaylo dhaan si mooraalka kor loogu qaado

Falanqeeyayaasha iyo madaxda ammaanka ayaa u sheegay Sabahi in hanjabaadu ay tahay isku day ay kooxdan al-Qaacida la bahawday ay ku doonayaan inay indhaha ka leexiyaan waayidii ay waayeen Kismaayo.
Bashiir Xaaji Cabdullahi oo ahaa gaashaanle ka tirsan ciidanka, ahna falanqeeye dhinaca ammaanka ah iyo waliba la taliye fadhigiisu yahay Nairobi, ayaa sheegay in hoggaanka kooxdan ay rajaynayaan in hanjabaadooda ah inay hawlo ka fuliyaan dhulal ajnabi ah aysan ka dhigaynin oo kaliya al-Shabaab kuwo wali ku sii xidhan caalamka, laakiinse ay dhiiri galinayso dagaal yahaniintooda kuwaas oo dareemaya niyad jab kaddib markii lagu khalday in aan lagu jabin karin Kismaayo.
David Ochami, oo ah wariye fadhigiisu yahay Mombasa una kuur gala kooxaha dagaal yahaniinta ah ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika una shaqeeya The Standard-ka Kenya, ayaa u sheegay Sabahi waa in hanjabaada al-Shabaab aan loo dhayalsanin guul daradii soo waajahaday dhawaan darteed.
"Iyada oo ay ku jiraan dagaal yahaniin ajaanib ah, ayaa xaataa hal dagaal yahan uu khatar yahay," Ochami ayaa sidaas sheegay. "Waxaa laga yaabaa in ay la'yihiin meel ay ka duulaan, laakiinse waxay si naf lacaari ah u maciinsan doonaan qaab jabhadnimo ah si ay wali u sii jiraan."
Hanjabaada ayaa loo arkaa qaylo dhaan si mooraalka loogu dhiso dagaal yahaniinta al-Shabaab kuwaas oo cararay kuna darsamay shacabka, sida uu sheegayo Ochami.
Wuxuu sheegay hanjabaada al-Shabaab ee ka dhanka ah Ingiriiska waxaa laga yaabaa in aysan ahayn weerar dhulka Ingiriiska ah, isaga oo intaas ku daray in feejignaan dheeraad ah loo baahan yahay si loo ilaaliyo dadka Ingiriiska u dhashay iyo ajaanibta kalaba ee Kenya iyo meel kastaba jooga.
Wali, ayaa Ochami uu yaraynayaa awooda al-Shabaab ee ah in ay weeraro baaxad wayn leh qaadi karaan, xaataa mid waddanka ah.
"Qof ay hurda la'aan ku dhacayso ma jirto maalmahan marka ay hanjabaada soo saaraan, sababta oo ah awood uma laha in ay sameeyaan weeraro baaxad wayn leh xiliyadan dhaw," ayuu yidhi.
Wasiirka Gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in dawladdu ay hanjabaada u qaadanayso si dhab ah ayna la shaqaynayso safaaradaha ajnabiga ah maalin walba si ay u fiiriyaan hanjabaada ayna uga shaqeeyaan sida ugu fiican ee ay uga jawaabi lahaayeen.
"Waan balan qaaday la dagaalanka dagaal yahaniinta," ayuu u sheegay Sabahi. "Waxay noqonaysaa mid dheer, laakiinse wanaaga ayaa mar walba ka kor mara xumaanta."


No comments:

Post a Comment