Tuesday, October 16, 2012

Qiso Xanuun Badan oo ku dhacday Gabar Soomaaliyeed ee ku nooleyd South Africa Ka dibna Loo Dhoofiyey Dalka Maraykanka.

Warsidaha Maanta logo

Published on October 11, 2012 by   ·   No Comments Number of View :1514
Gabadhani ayaa lagu magacaabaa Laylo Cabdulaahi Da’deedana waa 22 jir aad u yar oo qurux badan guurkeeda ugu horeeyey ayaa waxa uu dhacay sanadkii 2011 bishii June iyadoo hal sanno gudaheeda ku guursatay afar nin oo mid kastaba laga dilayey isagoo xamaalanaya.


Haddaba Shabakada xogmaal.net ayaa u guur gashay sababta loo dilay afarta nin ay gabadhani guursatay sanad gadahiisa iyadoo ninkii ugu horeeyay lagu dilay weerar ay soo qaadeen kooxo burcad South African ah isagoo jooga dukaankiisa dabadeedna shan xabo madaxa iyo wadanaha kaga dhuftay, waa lasoo aasay ninkii Allaha u naxariistee Cudada iyo asaayga ka dib gabadhii oo ahayd gabar aad u qurux badan oo dhulka dhacaynin ayaa isla markiiba nin kale oo taajir ahaa ku qabsaday akhal gal gaaban ka dib ninkii ayaa isagoo wata gaarigiisa raaxada laga soo daba kacay magaalada hoose waxana lagu horgeeyey gaari kale dabadeedna la qarijiyey.

Gabadhii ayaa murugo iyo calool yoow u ooysan balse waxani waa wax qoran oo ilaahay xagiisa ka socoto iyadana mana quusan quruxdeedana lama daayo sidasi darteed cudada ka dib iyo asaayga markani waxay tijaabisay nin oday ah oo isagane iska dhaqnaa odaygani wuxuu ahaa kii ugu yaraa ee gabadha maalmo qabay isagoo lugeynaya meel tuulo ah ayaa toorey halcadka laga geliyey markii gabadhii intaasi usoo yeertay waxay u wareegtay Magaalada Cape Town oo gabdho kale oo asxaabteda ay deganaayeen.


Cape Town oo ay ku badan yihiin dhalin yaro ooman oo iskaabulada ragaadisay ayaa gabadhii guursaday ninkani wuxuu ahaa mid shiid ah oo waxba heysanin gabadhani waxay ku dooratay maadaama sedexdii ka horeysay ay taajir ahaayeen ay markani tijaabiso faqriga iyo makalamoodka laba bil ayuu qabay oo ay owridiisa ahayd niyada ayay iska gelisay malaha kani kuu badbaad iyado niyada sidaasi ugu heysa ayaa waxaa usoo yeertay in ninkeedii la dilay isagoo alaab wareejinaya.


Naxdin ka dib waxay feel dheer u gashay xarunta qaabilaada qaxootiga ee UN-ka qisadeedii ayay u sheegtay waxay dhiibtay cadeymo iyo sawiradii odayaasheedii hore ee geeriyooday gabadhii ayaa loo sameeyey waardiyo iyo in amaankeeda la sugo 20 maalin ka dib waxaa aqbashay USA ka dibna diyaarad ku qaadatay gabadhii hadda waxaa la shegayaa in ay ku nooshahay Layla Cabdulaahi Washinton Dc oo ah magaalo aad u weyn.

http://www.calanka24.com/qiso-xanuun-badan-oo-ku-dhacday-gabar-soomaaliyeed-ee-ku-nooleyd-south-africa-ka-dibna-loo-dhoofiyey-dalka-maraykanka/

No comments:

Post a Comment