Wednesday, October 31, 2012

Meleteriga Dowlada ee Dharkiinley oo xalayto lagu qaadey weeraro Bambooyin ah.

cartanews.com logo  
Published on November 1, 2012 by  
 ·   
Muqdisho(CNA) Gudaha Magaalada Muqdisho xalayto waxaa ka dhacay qaraxyo kala gedisan kuwaasi oo lala eegtey ciidamada Dowlada Federaalka ah, waxaana qarax xoogan laga maqley gudaha degmada Dharkiinley ee Magaalada Muqdisho.
Wararka rasmiga ah ee ka imanaya gudaha degmada Dharkiinley waxaa ay sheegayaan in labba qarax lagu weeraray ciidamada Dowlada Federaalka ah ee gudaha degmadaasi Dharkiinley ku sugnaa, waxaana jira khasaare ka dhashay.
Lama Oga qasaaraha rasmiga ah ee qaraxa maadaama xili habeen ah uu dhacay, hase ahaatee dad nala soo hadlay ayaa soo sheegaya in ay arkeen dhaawaca labo askari.
Mudane Yuusuf Kabaale Gudoomiyaha Dowlada ee degmada Dharkeenley ayaa saxaafada u sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxihii qaraxaas ka danbeeyay.
Ciidamada dowlada ayaa diiday in meydka goobta laga qaado waxaana lagu sheegay inuu ahaa qofkii caawa waxyaabaha qarxa ku weeraray saldhiga degmada Hodan

http://cartanews.com/2012/11/01/meleteriga-dowlada-ee-dharkiinley-oo-xalayto-lagu-qaadey-weeraro-bambooyin-ah/

No comments:

Post a Comment