Wednesday, July 20, 2011

Shabelle oo loo doortay Idaacada ugu wanaagsan Caalamka 2010-ka

Shabelle.net

Paris:( Sh. M. Network) Wariyayaasha aan Xaduuda laheyn ayaa sheegay in si aad ah ay ugu faraxsanyihiin inay abaalmarinta saxaafada Xorta ah gudoonsiiyaan Shabakadda Warbaahinta Shabelle iyo joornaaliste Xabsi ku jira oo u dhashay dalka Iiraan laguna Magacaabo Cabdul Raza Tajik iyadoo abaalmarintaasi loogu magac daray bilida geesinimada.

“Sanadkaan waxaan sharafnay in aan gudoonsiino bilida geesinimada Saxafiga Cabdul Raza iyo Shabakadda Warbaahinta Shabelle, labadaan abaal marin ee la gudoonsiiyay Saxafiga iyo shabakadda Shabelle waxey ku muteysteen u dhabar adeegida howsha saxaafada oo ay ka wadeen wadamo aad u adag in lagu shaqeeyo xirfadda Saxaafada” ayuu yiri xoghayaha Guud ee Saxafiyiinta aan Xaduuda laheyn Jean-François Julliard.

Soo bandhigida iyo gudoonsiinta abaalmarintaan la siiyay Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u soo dhaweeyay amaan balaarana u jeediyay Jean-Christophe Rufin oo ah safiirkii hore ee dowladda Faransiiska u fadhiyay wadamada Sanigal iyo Gambia iyadoo amaan balaaran u jeedisay saxafiyiinta aan xaduuda laheyn iyo howshooda adag ee dhinaca saxaafada gobolka.

“Waxaa sharaf weyn ii ah in aan gudoomo Shahaado sharafkaan, waxaana qirayaa midaan inay tahay howl Shabelle ay ugu soo dhabar adeegtay dhinaca saxaafada, waana guul u soo hoyatay dhamaan suxufiyiinta iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed si geesinimo leh” ayuu yiri Madaxa dhinaca Xariirka Caalamiga ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle Injineer Cali Daahir Cabdi xili uu godoomayay bilada la siiyay Shabelle.

“Wadankeena waa wadan rabshado ay ka jiraan waxaana jira kooxo hubaysan oo doonaya in ay na aamusiyaan, hase ahaatee Qatar ayaan u soo galnay howlaha warbaahineed, 5 inaga naga tirsan ayaa la dilay sedaxdii sano ee la soo dhaafay, waxaa ku jiray labo agaasime, kuwaad boqol kalana wey isaga carareen wadanka sababo dhinaca amniga daraatiis, laakiin kama niyad jabi doono howsheena waxaan go’aansanay in aan sii wadno oo aan laba jibaarno halganka xoriyadda saxaafada madaxabanaan iyo tixgalinta xaquuqda aadanaha” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Injineer Cali Daahir.

“Radiyaha Shabelle oo ay xaruntiisu tahay Magaalada Muqdisho ayaa ku guuleystay Raadiyaha Sanadka 2010-ka, waana Idaacada dadka Soomaalida intooda badan ay tixgaliyaan marka la eego Idaacadaha kale ee gaarka loo leeyahay, waana raadiyaha inta badan soo bandhiga dagaalada iyo rabshadaha ka jira gudaha dalka, waxaa inta badan raadiyahaan suxufiyiintiisa cadaadiya kooxaha ka dagaalama Soomaaliya, waxaa mararka qaar xabado la dhaca ciidamada dowladda KMG hase ahaatee waxa ay Shabelle isku deydaa inay si xeyladeysan uga bad baado dhibaatooyinkaasi” ayaa sidaasi lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saareen saxafiyiinta aan xaduuda laheyn.

Shabakada Warbaahinta Shabelle waxaa laga dilay 4 ka mid ah wariyayaasheedii sanadkii 2009-ka oo uu ku jiro agaasimihi Idaacada Shabelle Alla ha u naxariistee Mukhtaar Max’ed Hiraabe kaasoo afar jeer laga toogtay madaxa isagoo oo socda gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho xili uu gudanayay howshiisii saxaafadeed.

Xagaagii dhawaa ee la soo dhaafay cabsi iyo Hanjabaad ayaa waxaa isteeshinka ku faliftay in uu joojiyo baahinta barnaamijkii ugu xiisaha badnaa ee la magac baxay
( Tartanaqooneedka Shabelle) oo sanad waliba la qaban jiray

Kooxaha islaamiyiinta ee dalka Soomaaliya Xakuma ayaa la wareegay Maamulka ku dhawaad 10 Idaacadood sanadkii la soo dhaafay kuwaasoo haatan ay u adeegsadaan, beenta siyaasadooda iyo diinta.

“in si xor ah loo tabiyo wararka loogana hadlo xaquuqda aadanaha iyo tan bulshada waa mid qatar ah mar kasta, difaacida iyo hormarinta Warbaahinta Xorta ah waxey la mid tahay u gar gaarida xaquuqda dumarka iyo hormarinta hormarinta hadalka bulshada oo idil” sidaasi waxaa yiri Gisèle Halimi oo ah safiirkii hore ee dalka Faransiiska u fadhiyay Xafiiska Waxbarashada Qaramada Midoobay ee UNESCO kaasi oo ka mid ahaa masuuliyiintii u taagneyd gudoonsiinta abaalmarinta Idaacada iyo wariyaha ugu wanaasagan Caalamka sanadka 2010-ka

Wariyaha xiran ee reer Iiraan markii sedaxaadna xabsiga la dhigay 12-ka june ee sanadkaan Cabdul Raza ayaa wali xabsida ku jira, waxaana bilad gudoonsiiyay gabdh lagu magacaabo Shirin Ebadi oo ah Madaxa madasha Daafacada Xaquuqa aadanaha ee fadhigoodu yahay magaalada Tahran ee xarunta wadanka Iiraan

Wariyayaasha aan Xaduuda laheyn waxaa ay howlaha gudoonsiinta abaalmarinta wadeen tan iyo sanadkii 1992-dii iyagoo abaalmariyay warbaahin aad u farabadan oo caalamka ah kuwaasoo ay ku qiimeeyeen halganka iyo daafaca xoriyadda saxaafada, gudoonsiinta abaalmarintana waxaa soo xusha gudi gaar ah oo u go’ay suxifiyiinta iyo halgamayaal dhanka xaquuqda aadanaha.


Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net

No comments:

Post a Comment