Waxa Qoray Maxamuud Maxamed oo Muqdisho jooga
Abriil 06, 2012
Falanqeeyayaal Soomaali ah ayaa Sabahi u sheegay in weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ay Masraxa Qaranka Muqdisho ka fulisay gabadha isa soo miidaamisay Arbacadii (4-tii April) uu muujinayo sida ay al-Shabaab ula ciirsan tahay qoridda shakhsiyaadka diyaarka u ah in ay naftooda miidaamiyaan, sidaa darteedna, waxay sheegayaan, is-miidaamiska dumarku waa isku-daygoodii ugu dambeeyay ee ay ku baddali lahaayeen istraatijiyaddooda argagixisanimada.
“Waxay u muuqataa in al-Shabaab ay dhibaato kala kulmeen sidii ay shakhsiyaadka ugu qancin lahaayeen in ay qaadaan weerar is-miidaamin ah, waana taas sababta keentay in ay u ciirsadaan is-maadimiso dumar ah, taasoo ah isku-day ay ku baddalayaan istiraatijiyaddooda howl-gallada argagixisanimada,” ayuu yiri Yuusuf Maxamed oo ah falanqeeye siyaasadeed, horayna uga tirsanaan jiray Golihii Shuurada ee Midowgii Maxaakimta Islaamiga.
“Qaababka ay adeegsadeen argagixisadu waxa ay ku tusayaan in ay cadaw ku yihiin nabadda iyo dadka Somaaliyeedba,” ayuu Maxamed u sheegay Sabahi, isaga oo intaa ku daray in tallaabada al-Shabaab ay muujinayso sida ayan innaba wax dan ah uga lahayn nolasha bini’aadamka.
Ugu yaraan lix qof ayaa dhintay in ka badan 10 qofna waa ay dhaawacmeen ka dib markii qof dumar ahi qarxisay suun ay ka buuxeen walxaha qarxa oo dhexda ugu xirnaa, iyada oo bar-tilmaameedsanaysay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali iyo wasiirro kale oo goobta joogay. Weerarkaa waxa ma’suuliyaddiisa sheegtay kooxda al-Qaacida ku xiran ee al-Shabaab.
Weerarkan is-miidaaminta ah waa kii ugu horreeyay noociisa ee lala beegsado Masraxa Qaranka tan iyo markii dib loo furay bishii hore ka dib mudo 20 sano ah, taasoo ah calaamad aad u wayn oo muujinaya isbaddalka jira. Tallaabadan ayaa timid xilli ay Muqdisho dareemayso horumar laga sameeyay xaaladaha ammaanka kadib markii al-Shabaab laga saaray magaalada bishii August 2011-kii.
“Xaqiiqda ah in argagixisadu ay beegsanayaan meelaha ay ka buuxaan dadka rayidka ahi waa calaamadda ugu wayn ee muujinaysa tabar-yaridooda iyo sida ay u gabeen in ay ciidamada uga horyimaadaan goobaha dagaalka. Ma cadda sababta ay sida aan loo meel-dayin ugu beegsanayaan rayidka,” ayuu yiri Maxamed. “Teeda kale, weerar is miidaamin ah oo ay fulinayso haweenay waa arrin ku cusub dhaqanka Soomaalida. Haddiiba wax uun macne ah ay arrintaasi leedahay, kaliya waxa ay ku tusaysaa in al-Shabaab ay ku adkaatay helidda canaasiir fuliya weerarada ismiidaamiska ah, sababtuna waxa weeye waxa ay burburiyeen rajada iyo riyada dadka Soomaaliyeed.”
Tani waa markii labaad oo ay qof dumar ahi Soomaaliya ka fuliso weerar caynkan oo kale ah. Bishii June, 2011-kii ayay ahayd markii Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Cabdishakuur Sheekh Xasan lagu dilay weerar kan la mid ah oo ka dhacay gurigiisa ku yaal Muqdisho.
Mukhtaar Cabdinuur oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa ku doodaya in waxa ka dhacay Masraxa Qaranka aan loo tirin karin habac ka jira ammaanka Muqdisho. “Inkasta oo ay jiraan dadaallo ay xukuumadda Soomaaliya ku adkaynayso ammaanka magaalada, haddana xag-jiriintu waxa ay ay isku dayayaan in ay baddalaan istiraajiyaddooda iyaga oo isticmaalaya haweenay isa soo miidaamisay; tani waa isku daygoodi ugu dambeeyay,” ayuu ku yiri Sabahi. Waxa uu sheegay in uu ku rajo-wayn yahay in dadka Soomaaliyeed ka qaalib noqon doonaan dhibaatooyinka kasoo mara baadi-goobka ay ugu jiraan nabadda.
Haweenay ku soo dhex-dhuumatay ciidamada ammaanka
Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa sheegay in fuliyaha weerarkan is-miidamiska ahi ay ahayd qof dumar ah oo iska soo dhigtay sarkaal bilays ah. Maxamed Siciid oo ka mid ah ilaalada masraxa ayaa sheegay in qofka dumarka ah ee weerarka geeystay ay ku adkeeysatay in ay gasho masraxa, iyada oo sheegatay in ay tahay sarkaal ka tirsan ciidanka bilayska.
“Waanu joojinay, laakiin qaar ka tirsan ilaalada gaarka ah ee ra’iisul wasaaraha ayaa noo sheegay in aan iska sii dayno mar haddii ay wadato aqoonsi bilays,” ayuu Siciid u sheegay Sabahi. Waxa uu sheegay in qoftaa dumarka ahi ay is qarxisay ilbidhiqsiyo kadib markii uu Ra’iisul-wasaare Cali gaaray manassadii uu ka jeedinayay hadalkiisa.
Ciidamo ammaan oo isugu jira Soomaali iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ayaa mas’uul ka ahaa ammaanka masraxa, iyaga oo baarayay dadka galaya masraxa.
“Ma garanayno sida ay ugu suura-gashay in ay soo gasho masraxa gudihiisa sababtoo ah waxa jiray baaritaan wayn oo buuxa oo lagu sameeynayay dhammaan dadka galaya masraxa, oo ay xittaa ku jiraan xildhibaanada mar alla iyo marka ay soo gaaraan daaradda masraxa,” ayuu xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ku yiri Sabahi.
Hogaamiyayaasha caalamka oo dhalleeceeyay weerarka
Bulshada sports-ka Soomaaliyeed ayaa weerarkaa ku waayay laba hogaamiye oo aad u qiima badan: Siciid Maxamed Nuur “Mugaanbe” oo ahaa guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta iyo Aadan Xaaji Yabaroow “Wiish” oo ahaa Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Soomaaliyeed.
Dawladda Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrkia ayaa si wayn u dhalleeceeyay weerarka.
Wakiilka Gaarka ah ee QM ee Soomaaliya Danjire Augustine Mahiga ayaa yiri, “Mustaqbalka Soomaaliya madax-furasho uma haysan karaan dad yar oo qas-wadayaal ah oo door-biday tallaabooyin argagixisanimo oo fulaynimo ah kuwaa oo ay la beegsadaan walaalahood Soomaaliyeed.” Waxa uu ugu yeeray Qaranka Soomaaliyeed iyo hogaamiyayaashiisaba in ay sii xaqiijiyaan sida ay uga go’antahay in ay ku sii socdaan waddada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.
“Waa in aynaan oggolaan in musiibadani naga weeciso horumarkii aan ka sameeynay Somaaliya,” ayuu yiri. “Dib-u-furidda Masraxa Qaranka waa calaamad muujinaysa isbaddalka dhabta ah ee ka dhacaya Soomaaliya: magaaladii dib ayaa loo dhisay, dhaqankii dib ayaa loo soo nooleeyay, rajadiina dib ayaa loo soo celiyay.”
Taliye ku xigeenka Ciidamada AMISOM, Sarreeye Gaas Audace Nduwumunsi ayaa weerarka lagu qaaday masraxa ku tilmaamay dabmi axmaqnimo ah oo lagula kacay ummadda Soomaaliyeed.
“Mar kale ayuu dhaqankeeda ajnabiga ku ah dhaqanka Soomaaliya inoo muujiyay in ay ragaggixadu yihiin cadawga nabadda,” ayuu yiri. “Weeraradaas waxa ay isku dayayaan in ay ku maja-xaabiyaan rajada iyo riyada dadka Soomaaliyeed wayse ku fashili doonaan.”
“Tallaabadan argagixisanimo waxa ay muujinaysaa xaaladda quusta ah ee ay ku jiraan argagixisadu, iyaga oo lagu soo jabiyay goobaha dagaalka. Kooxda argagixisada al-Shabaab nafta ayaa ka sii socota,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cali, isaga oo AFP u sheegay in uu ahaa bartilmaameedka weerarkaa.
“Tallaabooyinkan quusta iyo arxan-darrada ah ee ay fulinayaan xag-jiriintu marna nama niyad-jabin doonaan nagamana hor-istaagi doonaan in aan gudanno waajibkeena qaran. Taa baddalkeeda, waxa ay sii xoojin doonaan go’aankeenna ku aaddan in aan burburinno argagixisadan sidaana aan dalkeena iyo dadkeena ku gaarsiino nabad iyo xasillooni waarta,” ayuu yri.
“Weerarka masraxa waa tallaabo fulaynimo oo muujinaysa in argagixisadu ay ku jiraan xaalad quus ah,” ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed. “Waxa ay isku dayayaan in ay carqaladeeyaan horumarka ay dadka Soomaaliyeed sameeyeen iyaga oo doonaya in ay burburiyaan rajadooda ay dalka ku gaarsiinayaan nabadda iyo xasilloonida. Dawladdu waa ay dhalleeceeynaysaa weerarkaan waxshinimada ah waxayna tacsi u diraysaa qoysaskii dadkii halkaa lagu laayay, kuwa dhaawacmayna waxa ay u rajaynaysaa caafimaad dagdag ah”.
Axamed waxa uu ummadda Soomaaliyeed ugu yeeray inay u midoobaan kuwaa laynaya dadka Soomaaliyeed, isaga oo ballanqaaday in kooxaha argaggixisada la tirtiri doono waqti aad u dhow.

![Saraakiisha ammaanka ayaa banneeyeen Masraxa Qaranka ee Muqdisho ka dib qarixii is-miidaaminta ahaa ee Arbacadii. [Mahmoud Mohammed/Sabahi]](http://sabahionline.com/shared/images/2012/04/06/somalia-theatre-bombing2-340_227.jpg)
No comments:
Post a Comment