Friday, June 22, 2012

Somalia iyo Somaliland oo kulmay


BBC


 20 June, 2012, 12:36 GMT 15:36 SGA
Chevering House
Chevering House hoyga wadahadalka Somalia iyo Somaliland
Ergooyin ka socda Somalia iyo Somaliland ayaa wadahadal uga furmay Britain. Waxaa la geeyay meel ka baxsan London oo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain u ah hooy uu ku nasto kuna munaaqashoodo. Inkasta oo laga fogeeyay isha saxaafadda, Yusuf-Garaad oo la hadlay ergooyinka qaarkood ayaa warbixintan ka diyaariyay.
Wadahadalkan Wuxuu ka dhacayaa Chevering House oo ku yaal Kent oo u dhow London.
Wuxuu daba joogaa shirkii London loogu qabtay Soomaalida oo ay ku jirto Somaliland bishii Fberuary.
Waa kii ugu horreeyay ee ay Somalia iyo Somaliland si rasmi ah isu soo hor fariistaan tan iyo markii ay Somaliland iskeed ugu dhawaaqday in ay gooni isu taagtay oo ay tahay dal madax bannaan.
Waxaa martigeliyay garwadeenna ka ah dowladdan Britain, waxaana goobjoog ka ah diplomaasiyiin ka socda Midowga Yurub iyo dhinacyo kale.
Ergada Somaliland waxaa hoggaaminaya, Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda waxaana wehliya Wasiirro iyo mudanyaal baarlamaanka iyo siyaasiga mucaaradka ah Feysal Cali Waraabe.
Dhinaca TFG waxaa hoggaaminaya, Cabdisamad Macallin Maxamud, oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga waxaana ka mid ah Wasiir, General hore oo hadda safiir ah iyo xildhibaanno.
Wadahadalku wuxuu soconayaa galabta iyo berri oo dhan.
Ma cadda in ergooyinka Soomaalidu ay keligood ahaan doonaan marka ay wadahadlayaan laakiin waxay ilo shirka ku dhow dhowi ii sheegeen in ay taasi iyaga ku xirnaan doonto.
Haddii wadahadalku is afgarad ku dhammaado waxaa la hadal hayaa in toddobaadka soo socda ay Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, ay ku kulmaan dalka isu tagga imaaraadka carabta.
Wadahadalkan Soomaalidu aad ayay u daneyneysa, waxayna in badani u hayaan niyad sami in uu abuuro is faham iyo iskaashi.
Somaliland waxaa uga weyn ee meel walba ay ka baadi goobeysaa waa in ay hesho aqoonsi caalami ah.
Fadhiganina kama duwanaan doono. Ma cadda dowladda Soomaaliya ee maanta jirtaa ay dooneyso ama ay haysato sharciyad ay arrintaa ku furdaamiso.
Waxay markaa u muuqataa in wadahadalladu ay ku aga wareegi doonaan iskaashiga xagga amniga ah oo haddii la isku af garto isaga laftiisu noqon kara tallaabo weyn oo hore loo qaaday.
Haddii ay taasi dhacdo waxaa laga yaabaa in ay mustaqbalka suurta geliso in labada dhinac ay wadahadal ku gaaraan is afagrad iyo sikaashi.

No comments:

Post a Comment