Saturday, August 25, 2012

Mo Faarax oo mataano ay u dhasheen


BBC Somali

 25 Agoosto, 2012, 12:17 GMT 15:17 SGA

Mo Faarax waxa uu laba biladood ka qaatay cayaarihii olympic ee London
Orodyahanka ku guuleeystay labada billadood ee dahabka Mo Faarax ayaa ku dhaawaqay in laba gabdhood oo mataano ah u dhasheen maanta.
Mo Faarax oo u warramayay telefishinka Sky News ayaa sheegay in xaaskiisa Tania, ay dhashay laba gabdhood oo qurux badan, isagoo intaa sii raaciyay "waxaan idiin hayaa war wanaagsan oo aan idin la qeybsado.
Cayaartooyga MO Faarax ayaa waxa uu markii uu ku guuleystay labada billadood ee dahabka uu sheegay in uu u hibeynayo labadiisa gabdhood ee dhalan doona.
Mo Faarax ayaa waxa uu adeer u ahaa gabar yar oo la yiraahdo Rihanna, oo xaaskiisa ay dhashay.
Mar la weydiiyay in inuu xaaskiisa isbitaalka ugu tagi doono, Mo Faarax oo hadda jooga magaalada Birmingham oo uu kaga qeybgalayo cayaaraha Aviva Grand Prix, waxa uu yiri"Maya, maya, maya, berri ayaan tartan leeyahay sow ma ahan."
Mo Faarax oo 29, jir ah waxa uu jabiyay rikoorkii u yaalay cayaaraha Britain.
Mr Faarax, oo ku dhashay Soomaaliya waxa uu yimid dalkan Britain isaga oo 8 jira ah.


No comments:

Post a Comment