Saturday, December 29, 2012

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo beelaha Daarood ee Jubooyinka oo sii kala fogaanaya.


danwaanews.com


Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud,  iyo beelaha Daarood, ee Jubooyinka ayaa  sii kala fogaanaya.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo dhawaan gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa kulamo la qaatay Madaxda dalka Kenya, iyo qeybo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan, waxaana jira warar sheegaya in Madaxweynaha iyo Madaxda Kenya ay isku maandhaafeen arrimaha maamul u sameynta Jubooyinka.
Siyaasiyiin, odayaal iyo qaar ka mid ah jaaliyadda Beesha Daarood ee Jubooyinka oo shir ku qabtay mid ka mid ah Hotelda xaafadda Islii, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan uu si buuxda u diiddan yahay qorshaha maamulka loogu sameynayo Jubooyinka, waxaana jirta in xitaa xildhibaano baarlamaanka ka mid ah oo shirkaas joogay ay sheegeen in Madaxweynuhu diiddan yahay Federaal, isla markaasna uu qorsheynayo in la laalo qodobada Dastuurka ee Federaalka.
Siyaasiyiinta iyo Odayadii kulanka fadhiyey qaarkood ayaa ku hanjabay inay dowladda ka baxayaan haddii Madaxweynuhu talaabadaas ku dhaqaaqo, waxaana hadaladii meesha laga sheegay ka mid ahaa: in Madaxweynuhu uu doonayo in gobol gobol maamul loogu sameeyo dalka, meeshana laga saaro maamul goboleedyada, waa sida hadalada madasha laga yiri qaarkood ahaayeene.
Khudbaddii uu Madaxweynuhu ka jeediyey shirkii uu la yeeshay Jaaliyadda Soomaalida Kenya, ayuu ku sheegay in uusan diyaar aheyn sharci kala haga maamul goboleedyada iyo mid u dhexeeya iyaga iyo dowladda Federaalka, wuxuuna Madaxweynuhu carrabka ku dhajiyey in loo baahan yahay in waxaas oo dhan laga baaraan dego.
Ma muuqato wax isku soo dhawaansho ah oo Madaxweynaha iyo Daroodka Jubooyinka u dhexeeya, iyadoona sidoo kale ayan muuqanin qaabka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu isu fahmayaan una wada shaqeynayaan.
Ugu dambeyntii: waxaa shaki badan laga qabaa qaabka Soomaaliya oo dhan hal dowlad u wada hoos imaaneyso, iyadoona Somaliland ay horey ugu dhawaaqday inay dalka intiisa kale ka go’day, Puntland iyo dowladda ayan wax wada shaqeyn ah ka dhexeynin, Jubooyinka uu buuq ka taagan yahay, deegaanada qaar badan ay Shabaab ka taliso, halka dadyow matalada dhinacyadaas ay baarlamaanka ku wada jiraan, marka laga reebo Al-Shabaab.
xigasho somalireal

No comments:

Post a Comment