Sunday, March 31, 2013

Daawo Sawirada iyo Magacyada Gaarigii ay ku dhamaadeen Soomaalidii Tahriibka ahaa ee Liibiya iyo Dhaawacayada oo yaala Isbitaal

iftinducation.com - Hoyga Arimaha Bulshada

 Monday, December 31, 2012 0 comments

iftineducation.com - Safaarada Soomaaliya ee Dalka Liibiya ayaa soo bandhigtay Sawirada Qaar kamid ah Soomaalidii ka badbaaday Shilkii gaari ee dhawaan ka dhacay Dalkaasi ayna ku dhinteen Soomaali tiro badan.

Sawirada lasoo bandhigay ayaa sidoo kale kujira Gaarigii ay Soomaalida Tahriib doonka ah saarnaayeen kaa oo ah gawaarida waa weyn ayna ka buuxeen shamiindo fara badan oo kusoo dumay Dadkii saarnaa Gaarigaasi taa oo sababtay in ay ku dhintaan dad ku dhaw 30-qof oo isugu jira Rag iyo Haween.

Sii hayaha Safiirka safaaradda Soomaaliya ee Libya C/qani Waceys ayaa sheegay in ay heleen Magacyada Qara kamid ah Ddakii dhintay kuwa kalana ay hada iyaga oo bad qaba ay joogaan Liibiya kuwa dhaawacmayna lagu daweenayo Isbitaalo kuyaalka Dalka Liibiya.

Safiirka ayaana ugu baaqay Waalidiinta Soomaaliyeed in caruurtaada aysan u ogolaanin ay ay Tahriibaan ayna soo aadan Dalka Liibiya uu sheegay in ay kala kulmayana dhibataooyin aad u faraa badan sida tii dhawaan dhacday.

Cabdiqani Maxamed Wacays oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Liibiya ayaa liiskaan oo ay kujiraan magacya dhameestiran iyo kuwa aan dhamestirneyn uu ku sheegay sida tan: 
Magacyada meydadka Ragga


1) Cali Cabdulle Xirsi
2) Xasan Cismaan Jeylaani
3) Max’ed deeq Barqad Cali
4) Cabdi Raxiin
5) Askar
6) Muuse
7) Sugaal
8) Saciid
9) Axmed
10) Axmed Qadar

Magacyada
meydadkaHaweenka

11) Sacdiyo Max’ud Xasan
12) Saamiyo
13) Yaasmiin
14) Dahabo
15) Xaawo
16) Aasiyo Cismaan Maxamed.

Shilka dadkaani ay ku dhamaadeen oo dad badan oo kale uu dhaawac kasoo gaaray ayaa waxa uu ahaa kii ugu xumaa taariikhda dhaw iyada oo uu rogmaday gaari ay lasocdeen tahiibayaasha oo dusha looga guray Shamiido si tahriibayaash ciidamada amanka looga qariyo










____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com

Read more: http://www.iftineducation.com/2012/12/daawo-sawirada-iyo-magacyada-gaarigii.html#ixzz2P6GLC1us

No comments:

Post a Comment