Saturday, March 5, 2016

Sababta Labaad ee Sixir-bararka:Dhiigmiirato kooban oo ganacsiga Kooto loogu xidhay,waa kuwama?



Writen by Qaran News | 4:32 am 31st Dec, 2015
SABABTA LABAAD EE SICIR-BARARKA: DHIIG-MIIRATO KOOBAN OO GANACSIGA KOOTO LOOGU XIDHAY “OLIGOPOLY”
Sida distoorku qeexaayo, Somaliland waxay qaadatay nidaamka dhaqaale ee loo yaqaan suuqa xorta ah “Free Market “. Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo waxay nidaamkaa ku bedeshay ‘Oligopoly”. Waa marka koox kooban oo dhiigmiirata ah ganacsiga kooto loogu xidho, oo xukuumado ka ilaaliso in tartan xor ah lala galo. Kooxdaas kooban ee xukuumadu gardaadinayso waxa uu suurta gasha in sicirka ay doonaan ku iibiyaan alaabta ay soo dejiyaan, ayaga oo aan u tudhaynin danyarta & saboolka. Tusaale ahaan, shidaalka waxa loo xidhay koox yar oo faro ku tiris ah. Waxa kale oo lagu wareejiyay Haamahii kaydka shidalka, si aan cid kale ula tartamin. Sicirka Foostada baatroolka ahi waxay taagnayd $ 145 per barrel bishii July, 2008. Maanta qiimaha foostada baatroolku waxay taagantahay $ 35 per Barrel. Waxa ku yimid hoos u dhac gaadhaaya $ 110 per barrel oo u dhiganta 76%. Bal amarka ilaahay, Somaliland qiimaha shidaalku weli wuxuu taaganyahay halkii uu taagnaa July, 2008. Faraqa hoos u dhaca ee ah $ 110 per Barrel ,waxa jeebka ku shuubta kooxdaa yar ee kootada loogu xidhay shidaalka . Guud ahaan, marka qiimaha shidaalku hoos u dhaco, waxa hoos u dhaca maceeshada “ cost of living ‘. Nasiib darro, Somaliland maceeshadu kor ayay u kacday , halka caalamka kale maceeshadu hoos u dhacday.
GUNAANAD : Madaxwayne Ku-Xigeenka Saylici uma bilowna cilmiga dhaqaalaha & sicir-bararku. Hadaba, MADAXAWYNE Silaanyo waxa la gudboon inuu ilaaliyo distoorka qaranka, ku dhaqmo habka ganacsiga xorta ah, burburiyo nidaamka kootooyinka “oligopoly”, hoosna u dhigo qiimaha shidaalka by 76%, sida uu caalamka oo dhan hoos uga dhacay.Haddii u talaabadaas ku dhaqaaqo, sicir-bararku hoos ayuu u dhacayaa.

La soco qormada danbe.

Drs. Hoodo Yusuf, London.
yhoodo@yahoo.com

No comments:

Post a Comment