Wednesday, June 1, 2011

Dagaal ka dhacay deegaano u dhow dhow Xuduuda Kenya

 aadanyabaal.com

 iyo Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay

By naanow on Wednesday, 1st June 2011
Dagaal u dhaxeeyay Xarakada Al-Shabaab iyo Jabhada Raaskambooni ayaa ka dhacay deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose, iyadoo dagaalkaas uu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii ku dagaalamay.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qasaaraha dagaalka oo ay saaka ku qaadeen deegaankaas Xoogag taabacsan Al-Shabaab oo dhanka degmada Badhaadhe ka soo weerar tagay, iyadoo ku dhowaad lix ruux oo dhinacyadii dagaalamay ay ku dhinteen.
Dad ku sugan xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo sheegaya in la maqlayay hugunka madaafiicda iyo hubka la isku weydaarsanayay, waxaana la sheegay in dhaawacyo la geeyay dhanka Kenya oo ay yihiin Maleeshiyaadka Raaskambooni.
Afhayeenka Ciidamada Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in deegaankaas ay weerar qorsheysan ku qaadeen, isla markaana kula wareegeen Gaadiid dagaal iyo saanad, waxaana uu tilmaamay in meydadka sagaal ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni ay kaga carareen deegaanka.
Sidoo kale Afhayeen u hadlay Raaskambooni ayaa beeniyay sheegashada Shabaab, waxaana nin la yiraahdo Seeraar uu sheegay in qasaare aan badneyn uu soo gaaray Ciidamada.
Gelinkii hore ee saaka ayaa gacan ku heynta degmadaas waxaa la wareegay Shabaab, hase ahaatee markii dambe ayay isaga baxeen, iyadoo deegaanka dib ugu soo laabteen Maleeshiyaadkii Raaskambooni.
Deegaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose dagaalo ka dhacay ayaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kaambooniyiinta ay kula wareegeen deegaano iyo tuulooyin ka tirsan, iyadoo wali ay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan in deegaano kale ay weeraraan, si ay ula wareegaan.

No comments:

Post a Comment