Published on March 3, 2013 by admin · No Comments Haweeney Soomaali oo Bukaan-socod ah ayaa lagu soo waramay in loola cararay Isbitaalka, kadib markii Sarkaal ka tirsan Ciidamadda Malta uu Haweeneydaasi turuntureeyay.
Haweeneydaasi oo ahayd xaamilo Bukaan-socod ah ayaa dhulka ku dhacday, kadib markii uu Sarkaalkaasi si xoog leh u kala gamay, xilli ay Haweeneydaasi ku jirtay saf lagu qaadanayay Waraaqaha Aqoonsiga Degnaanshaha (e-residence carid).
Dhacdadan lagu dhibaateeyey Haweeneydaasi ayaa waxay ka dhacday Albaabka weyn ee laga galo Xarunta Waaxda Muwaadininimada (The Department for Citizenship and Expatriate Affairs in Valletta).
Qaxooti Afrikaan ah ayaa u gurmaday Haweeneydasi la daala-dhaceysay xanuuno badan, waxayna u yeereen Gaariga Gurmadka (An Ambulance) si loogu qaado Isbitaalka.
Haweeneydaas ayaa waxay muddo Dhowr saacadood ah taagneyd Albaabka hore ee Xaruntaasi laga bixinaayay Waraaqaha Aqoonsiga, oo ay Madaxda Xaruntaasi u qoondeeyeen in Jimca kasta la bixiyo Waraaqaha Aqoonsiga ee la siinayo Muhaajiriinta Bilaa sharciga ee ku sugan Malta.
Mid ka mid ah Qaxootiga Africaanka oo u dhashay Dalka Ethiopia, kana mid ah dadka u soo gurmaday Haweeneydaasi ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen falka lagu waxyeeleyay Haweeneydaasi.
Isagoo u waramayay Wargeyska (The Times), ayaa sheegay inuu Sarkaalka kala tuuray Haweeneydaasi Soomaalida oo xaamilo ahayd, wuxuuna intaa ku daray in Haweeneydaasi muddo Dhowr sanno daawooyin ka qaadaneysay Isbitaalka (The Karin Grech Hospital), isla markaana ay ahayd Bukaan-socod dhibaato ka haysatay dhinaca lugaha iyo dhabarka iyo iyadoo aan si wanaagsan u socon-karin.
Sarkaalka waxyeeleyay Haweeneydaasi ayaa isagana ku dooday in ay Haweeneydaasi shaarkiisa ku dhegtay ka hor inta uusan dib u riixin.
Sarkaalkaasi ayaa u sheegay Wargeyska The Times inay Haweeneydaasi dooneysay inay xoog ku gasho Xaruntaasi, waxa uuna iska fogeeyay inuu waxyeelo gaarsiiyay Haweeneydaasi.
Muhaajiriinta Afrikaanka ayaa sheegay inay Jimca kasta saf dheer u galaan si ay u helaan (ID-cards), waxayna ka cawdeen inay muddo dhowr todobaad ah ku qaadato si ay u helaan Aqoonsigaasi.
Mid ka mid ah Soomaalida Muhaajiriinta ayaa sheegay inay safka galaan Saacadu markey tahay 3:00 am ee habeen barkii, iyadoo uu qaboow xoog leh jiro.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Malta, ayaa sheegtay inay talaabooyin dheerad ah qaadi doonto si loo soo dadajiyo inay Muhaajiriinta helaan Waraaqaha (ID-cards), iyadoo Dowladda horay u sheegtay inay badali doonto Waraaqihii Aqoonsiga ay horay u heysteen Qaxootiga
http://www.warsaxan.com/hooyo-xaamilo-ah-oo-dhibaato-xoogan-loogu-geestay-malta/
No comments:
Post a Comment