Wednesday, December 8, 2010

Askari la geeyay tiirka Toogashada Muqdisho (Daawo)

Published in + Af Soomaali, Featured, Top Story


ninla toogtayBartamaha (Muqdisho):- Fagaare ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu toogtay Askari ka tirsanaa Ciidanka oo xukun dil ah lagu fuliyay.
Xukunka dilka ah ayaa waxaa hore loogu xukumay Askarigan oo hore u dilay Askari kale ka dibna maanta si cad loogu toogtay fagaaraha Iskuul Booliisiya ee Magaalada Muqdisho.
Askariga fagaaraha lagu dilayay ayaa waxaa ku sugnaa Sargaalka Taliyaha 2-aad ka ah Ciidanka Militariga Gen.Gagabadan iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Xasan Maxamed Siyaad (Saxan Mungaab).
Labadan  masuul ayaa waxa ay aad u soo dhaweeyeen xukunka dilka ah ee ka dhacay fagaaraha ku yaala Magaalada Muqdisho waxaana ay cadeeyeen in dhibaatada dilalka ay ciidanka gaysanayaan ay noqon doonto mid yaraata.
Saraakiishan waxa ay wacad ku mareen in la dili doono askari walba ee dila qof kale waxaana ay u mahad celiyeen cid walba oo gacan ka gaysatay soo qabashada askariga maanta la dilay oo Maxkamada aya dhawaan xukuntay.
Xukunka maanta ayaa ahaa midkii ugu horeeyay oo ka dhacay gudaha Muqdisho oo ay si cad u fulisay Dowlada KMG ah wallow hore askar badan dil lagu xukumay balse aan la ogayn xiligii la toogtay.
DAAWO SAWIRADA:-





Xafiiska Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Admin@bartamaha.Com.

No comments:

Post a Comment