Wednesday, December 8, 2010

Shabaab oo tacsiirtay Wiil iyo gabar Masaafa isku Mehersaday

xuk 
Bartamaha (B/Weyne):- Kooxda Alshabaab ayaa saacada ka hor fagaare ku garaacday Wiil dhalinyara ah iyo Xaaskiisa iyo Wadaadkii Isku Mehriyay.
Kooxda Alshabaab Maamulkeeda Hiiraan ayaa Fagaare ku yaala Baladweyne ku xukuntay Saddex qof oo Laba ka mid ah is mehersaday halka midka kale uu ahaa wadaadkii isku Mehriyay oo dhammaan laga soo qada qabtay gudaha Baladweyne.
Xukunka ayaa waxaa lagu riday Iqra Xirsi Wardheere oo lagu dhiftay 10-Karbaash,Maxamed Cabduqaadir oo ah ninka mehersaday oo lagu dhiftay 15-Karbaash iyo Wadaadkii Mehriyay oo lagu magacaabayay Sheekh Nuur Yuusuf oo lagu dhiftay 35-Jaydal.
Xukunkan ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha shabaab Baladweyne oo shaaca ka qaaday in la garaaci doono qof walba oo sharci daro sameeya iyo waxyaabo shareecada Islaamka ka baxsan.
Hadalka masuulkan ayaa u muuqanayay mid si gaar ah ugu socanayay wadaadada oo loo jeediyay in aanay Mehrin samaynin islamarkaana talaab laga qaadayo Wadaadkii Maamulka oo aan ogayn Meher sameeya.
Xafiiska Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Admin@Bartamaha.Com.

No comments:

Post a Comment