Wednesday, July 20, 2011



Hay'adda Amnesty International oo sheegtay in Xarrakada Al-shabaab iyo Dowladda KMG ah ay askareeyaan caruurta
Arbaco, July 20, 2011 (HOL) – Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegay in caruurta Soomaaliyeed si xeeladeysan loo askareeyo, dabadeedna la geeyo furumaha dagaalka.
Warbixinta ay soo saartay Amnesty oo ka koobnayd 90-bog ayaa lagu sheegay in caruurta ugu badan ay askar ahaan u qoratay Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab, balse dowladda KMG ah ay iyaduna dhankeeda ka dhigato caruurta yar-yar askar.
Hay'adda ayaa sheegtay in caruurta marka la askareynayo lagu siro lacago u dhexeeya hal dollar illaa 100-dollar iyo taleefoonnada gacanta, haddii ay diidaanna loogu hanjabo in la dili doono ama si kale loo ciqaabi doono.
Caruurta la askareeyo ayay hay'addu sheegtay in da'doodu ay u dhexeyso 10 illaa 17-sano, halka caruurta qaarkoodna ay xustay inay ka yar yihiin sideed sano. Iyadoo hay'addu ay sheegtay in caruurtaas la geeyo jiidaha dagaalka halkaasoo ay ku dhintaan intooda badan.
"Dhibaatada ka jirta Soomaaliya ma ahan xaalad bani'aadamnimo; balse waa xaalad xuquuqda aadanaha ah. Waayo caruurta Soomaaliya waxay qarka u saaran yihiin mar walba geeri," ayay tiri Michelle kagari oo ah madaxa hay'adda ee Afrika.
Sidoo kale, Amnesty waxay sheegtay inay la kulantay gabar 13-jir ah oo Muqdisho ku nool taasoo u sheegtay in Al-shabaab ay caruurta iskuuullada ama garoommada ay kubadda cagta ku ciyaaraan kaga kexeystaan xoog si ay askar uga dhigtaan.
"Xoogag ka tirsan Xarrakada Al-shabaab ayaa maalin noogu yimid iskuulka. Waxay macallimiinta ku amreen inay caruurta oo dhan dibadda uga soo saaraan fasallada. Baabuur ay wateen ayay si khasab ah ku saarteen. Mid ka mid ah macallimiintana way dileen, waayo wuxuu diiday amarkooda inuu fuliyo," ayay gabadhan oo aan la sheegin magaceeda ay u sheegtay hay'adda Amnesty.
Warbixinta hay'adda ayaa waxaa kaloo lagu sheegtay inay wareysiyo la yeelatay 200 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo qoxooti ahaan u tagay xeryo ku yaalla dalalka Kenya iyo Jabuuti.
Dagaallada u dhexeeya dowladda KMG ah iyo Al-shabaab ayaa ka dhigay Soomaaliya dalka guuldarreystay. Ma jiraan wax jawaabo ah oo ay DKMG ah iyo Al-shabaab ka bixiyeen warbixinta hay'adda Amnesty ay soo saartay ee ku saabsan inay si isku mid ah u askareeyaan caruurta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Post a Comment