Thursday, March 31, 2011

Nolol aan Geeri Dhaamin!

This young man needs your help !!
Waxa si silic ah ugu nool xaafadda Xamar Jab-Jab  ee magaalada Muqdisho Cumar Cali Cumar  oo ah wiil uu dhalay Cali Xamari oo ku caan ahaa bah-weynta Sportiga Soomaaliya sannadihii dalku nabadda ahaa.
Cumar waxa ay xabbad wiifto ah ka haleeshay dhabarka qeybtiisa hoose sida sawirka ka muuqata. Dareenka oo dhan baa ka maqan qeyta ka hooseysa halka dhaawacu ka gaaray. Bal qiyaas sida aad ku noolaan laheyd haddii xaalkaagu sidaa ahaan lahaa? Ma jelcaan laheyd in qof wax uun kuu awooda inuu kugu fiirsado dhibaatada noocaani ah?
Fadlan walaalkaa fadhiga ka kici oo u suurto geli inuu musqusha aado, salaadda Ilaah ku waajibiyeyna uu si daahir ah ku tukado. Arrinta noocaani ah naxariis iyo in loo calool xumaado oo kaliya uma baahna, balse ficil geesinimo ah in la raaciyo ayey u baahan tahay. Ha quursan wixii aad awooddo. Qof aan adiga aheyn ha ku halleyn inuu wax qabto. Cumar qof kasta oo Soomaali ah oo dareen Islaanimo leh ayuu u baahan yahay.
Dhammaan bulsho weynta Soomaaliyeed jeebka gacanta geliya xoolihiina Allaha idiin barakeeyee. Qofkii wax u diraya fadlan ha ugu hagaajiyo emailkan safaari07@hotmail.com oo laga helo Cumar iyo Aabihii Cali Xamari, ama ha ka waco telefankan 252-6-271-5420.
Cumar daawadadiisu dibadda uun bey taallaa, in la geeyona lacag ayey u baahan tahay. Cumar qof aan adiga iyo Ilaah aheyn uma maqna. Ilaahna dadkiisa uunbuu wax isugu dhiibaa si ay isugu naxariistaan marka arrintu sidan oo kale tahay.  
MAR KALE IYO EMAILKA  safaari07@hotmail.com  TEL: 252-6-271-5420.
U sheeg shirkadda xawilaadda magaceeda iyo inta Ilaah ka soo qaaday inta ay dhan tahay maantaba.
Jazaka-Allahu Kheyran

No comments:

Post a Comment