ONA
Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaadhay jiida hoe ee dagaalka Ogadenya lagu xoraynayo ayaa xaqiijinaya khasaare naf iyo maalba leh maxaysatada Wayaanaha uu ka soo gaadhay goobaha dagaalka. Wariyaha ONA ee jiida hore ee dagaalka ku sugan oo warkani nasoo gaadhsiyay ayaa waxa uu intasi ku darayaa in colal aad u qalabaysan oo ka tirsan CWXO ay intii bishani May lagu jiray Gumaysiga ku qaadeen duulaamo qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayay saldhigyada Wayaanuhu ogadenya ka daganyahay oo ah dhuifaysyo iyo godad dhaadheer oo ay isku ilaalinayaan, weerarada calculus iyo jidgooyooyinka Wayaanaha lala beegsanayo ayaa waxaa barbar soconaya xasuuq wadareed Wayaanuu u gaysanayo dadka rayidka ah,.
Jabka cadawga loogu gaystay goobaha dagaalka ayaa ku soo beegmaya bishani May oo gumaysigu boqolaal shacbi ah ku xasuuqay dhulka Ogadenya, iyo sidoo kale falkii dilka ahaa ee 13kii May askarta Wayaanuhu u gaysteen shaqaalihii WFP oo markaasi marar deegaano isla maalmahaasi xasuuq badani ka dhacayay, hase yeeshee CWXO oo leh cudud Military oo ay meesha ay doonaan ku jiidhi karaan isla markaasna leh sahan iyo wardoon adag ayaa kadib markii ay ogaadeen in labo ka mid ahayd shaqaalihii WFP oo wayanuhu afduubtay iyo maxaabiis kale ay ku jiraan xabsi ku yaalay xero ciidan oo Wayaanuhu ka daganaa Galaalshe ayaa 26 May Colal si aad ah u abaabulan oo ka tirsan CWXO waxa ay weerar ku talogal ah ku qaadeen Xeradii uu Wayaanuhu Galalshe ka daganaa isla markaasna ay maxaabiis badan ku hayeen, dagaal faraha la isula tagay ka dib CWXO ayaa gacanta ku dhigay saldhigii wayaanaha iyo guud ahaan magalada galashe, waxaa kaloo CWXO goobtaasi ku furtay dhamaanba keydkii cadawga, sida hubkii, saadkii, aradbaxii ciidanka, dawadii, iyo dhamaanba waxii agab ciidan goobtaasi yiilay, waxaa intaasi dheer, ka badan boqol Wayaane ah oo dagaalkaasi ku bakhtiday, dhaawac tiro badan, waxaa kaloo xasuus mudan in Shaqaalihi WFP iyo maxaabiis kaloo badan uu CWXO xabsigii Wayaanaha ka furtay.
Dhanka kale waxaa jira dagaalo badan oo tan iyo horaantii Bishani May ka dhacayay meelo kala duwan oo ogadenya ah, ilaa iyo haatana halkoodii ka soo soconaya, dagaaladaasi ayaa sida uu wariyahayagu xaqiijinayo waxaa lagu dilay askar badan oo Wayaane ah, halka dhawr baabuur oo nooca Militaryga ah oo ciidan iyo saad ka buuxayna gumaysiga lagaga gubay aagag kala duwan.
Dagaalda ilaa eegga faafaahintoodu nasoo gaadhay waxaa ka mid ah.
Weeraro kala duwan oo CWXO ku qaaday maxaysadata wayaanha 15-05-2011 oo ka kala dhacay deegaano kala duwan ayaa waxaa ku bakhtiyay Wayaane fara badan, halka weeraradan qaar ka mid ahna gaadiid lagaga gubay, dagaaladan isku maalinka dhacay waxay ka kala dhaceen, Laasoole oo G,Qoraxay ka tirsan, oo 17 wayaane ahi ku bakhtiday 14 kalana lagaga dhawacay, iyoCeel-baxay oo Gaashaamo ka tirsan oo 2 Wayaane ah lagu dilay halka 3 kalana lagaga dhawacay, waxaa kaloo ka mid ah Dhabogal uu cutub ka tirsan CWXO ku qaaday Colonyo Wayaane ah oo maraysay Banbaase oo Doollo ka tirsan, halkaasi oo digo iyo danbas lagaga dhigay Baabuur Ural ah iyo waxii ciidan, qalab iyo sahay saaraa oo dhan.
10-05-2011 Dagaalo ka kala dhacay Kaam-ayax, Walwaal iyo digiiranle oo Doollo ka wada tirsan ayaa gumaysatada Itoobiya lagaga dilay isku 7 askari, halka isugaynta dhaawacuna 9 kale tahay, waxaa intaasi dheeer weeraro kale oo aan wali khasaaraha cadawga faahfaahin dheeraad ah ka helin, balse aan waxii kasoo kordha wararkayaga danbe ayaad kala socon doontaan.
Dhanka gobalka Qoraxay 17-05-2011 weerar kadis ah oo N/hurayaasha CWXO ku qaadeen wayaanaha oo marayay Canfadhka ayaa waxaa qudha lagaga jaray 3 askari oo wayaane ah 2 kalana waa lagaga dhaawacay, isla Qoraxay 10-05-2011 meesha la yiraahdo Jilbisyaale oo Gabagabo u muuqato ayay N/hurayaasha xoreynta Ogadenya waxa ay ku gubeen baabuur Ural ah, xilli ay halkaasi maraysay Colonyo Wayaane ah, gubashada gaadhigaasi ka sokoow waxa uu CWXO sii baacsaday firxadkii cadawga oo hadana mar labaad askar badan oo wayaane ah ayaa deegaankaasi lagu dilay.
Sidoo 17 bishani May ayaa Wijiwaaji oo isla qoraxay ka tirsan waxa uu cutub ka tirsan CWXO jidgooyo uu wayaanha ku sameeyay kaga gubay gaadhi kale oo ural ah oo marayay wadada cad ee Jayga loo yaqaano, halkaasi oo Uralkii iskula basbeelay.
Dagaalo kale oo CWXO iyo maxaysatada Wayaanuha dhex maray maalmihii ay bishani May ahayd 19ka, 12ka,13ka iyo 17ka, oo ka kala dhacay, Iimey, Kala-gudka iyo Balli-garas oo Shabeelle ka wada tirsan iyo Dhagaxmaw ayaa isu geyn waxaa qudha lagaga jaray 9 askari oo Wayaane ah halka 12 kale ay dhaawacyo halis ahi soo gaadheen.
Dagaalan cadawga lagu jabiyay oo ka mid ah Warbixin uu wariyahayagu jiida-hore ee dagalka Ogadenya lagu xoraynayo naga soo gadhsiiyay ayaa waxaa kaloo ka mid ah weeraro kala duwan oo gumaysiga loogu gaystay meelo kala duwan oo Ogadenya ah, kuwaasi oo sida ay u kala dhaceen iyo khasaraha cadawga oo fahfahsan aan gadaal idiinka soo gudbindoono.
ONA.
Guusha shacbiga Ogadenyaa iska leh,
Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=1586
No comments:
Post a Comment