Tuesday, September 27, 2011

Yaa Hadraawi Hogga ku Riday? Sadaqadii Dar Ilaahay loo Aruurshay Miyaa Diin-sooc la iskugu Diiday! By C/Waaxid Khaliif.

somalimemo

somalimemo.netArrintu ma waxay maraysaa: Hal-abuur heybtiisa kama janno tago! Qof kasta waa ogyahay ixtiraamka Soomaalidu u heyso Hal-abuur Hadraawi. Shaki iigama jiro in niman siyaasiyiin ah rabeen inay shaarka ka wasakheeyeen hal-abuurka! Maaddaama hal-abuurku uusan siyaasi ahayn kuma talax tagayo laakiin arrimaha hogga ku riday hal-abuurku waa kuwan:

1- Ma filayo in Muslimiintii Soomaaliyeed (haddaad rabto dheh "Somalilanders") ee lacagtaas laga aruuriyey loo sheegay in lacagtaas diin-sooc lagu sameyn doono! Waxaan filayaa in dadka Waqooyiga Soomaaliya ku nool looga aruurshay in deeqda la siinayo dadka Koonfurta Soomaaliya degen iyadoon loo eegin kuwa Shareecada Isku xukuma iyo kuwa Shisheeyaha hoos jooga! Inta ka badan 95% dadka Koonfurta waxaa lagu xukamaa Shareeco Islaam. Shareecada darteed baa lacagtii loogu diiday!

2- Waxaa hal-abuurka isku soo dherershay oo soo raacay kuwa wata calanka Somaliland! Waxay la mid tahay hal-abuurka oo soo xirtay calankaas. Micnuhu waxaa weeye: waxa Maamulka Siilaanyo lacagta la wado uga muhiimsan waa dacaayadda uu sameynayo calankaas iyo halka saxaafaddu gaarsiin doonto iyadoo maamuuskii Hadraawi lagu dufan tiranayo! Magaca Hadraawina waa lagu awr-kacsanayaa!

3- Waxaa la sheegay in lacagta loo qeybiyey labo qeybood. Kala-bar waxaa loo dhiibay Tarsan iyo Amisom! Micno ma leh in la yiraahdo been baan sheegay oo lacagta waxaa loo dhiibay guddiga abaaraha! Wixii Amisom hoos jooga iyagaa xukuma! Xitaa hadday culumo sheegtaan! Qeybta kalana waxaa loo dhiibayaa Kenya maaddaama xeryaha xad-beenaadka ku yaal ay Kenya xukunto ama UNHCR!

4- Arrinta ugu daran oo hal-abuur Hadraawi lagu heyso waa arrin khatar ah oo diin ahaa qof geyeysiineysa inuu halaagsamo aakhiro iyo adduunba - in sadaqadii Muslimiinta reer Waqooyi laga soo aruurshay loogu diido dadkii Shareecada hoos joogay keliya  inay Shareeco Islaam hoos joogaan! Iyadoo la raalli gelinayo gaalada! WALLAAHI hal-abuurku ha ogaado ama yuusan ogaane; ha fahmo in dhulka Koonfurta Soomaaliya la yiraahdo intiisa badan gacanta ugu jiro Xarakada Mujaahidiinta ee Shabaab. Laga soo bilaabo degmada Xarardheere oo Mudug ah ilaa Dhoobley, Ceelwaaq, Garbahaaray, iyo Luuq agteeda waxaa xukuma xarakada! Saasooy tahay Hadraawi iyo qolyihii la socday waxaa shacabkii Muslimka ahaa loogu diiday deeqdii la soo aruurshay waa diintooda iyo isku-xukunka Shareecada! Waxaan Hadraawi ku leeyahay waxaad dadkaas ku gasheen waa:

هل تنقمون منا إلا أن آمنا بالله وما أنزل إلينا وما أنزل من قبل وأن أكثركم فاسقون

5- Ha ogaado ama yuusan ogaan; Hadraawi wuxuu dhexda u galay Ashahaado-la-dirir! Qof kasta waa ogyahay in gargaarkii loogu talogalay shacabka Soomaaliyeed ee Koonfurta ku dhaqan in la siinayo Amisom ileyn dadkii loogu talogalay waxaa ka hor istaagay Amisom! Marka Ashahaado-la-dirirnimada maamulka Siilaanyo waxaa dheer waxaa la raalli geliyey Beesha Gaalada; iyadoo caro laga galabsanayo Allaha na abuuray haddiiba dadkii deeqda loo soo aruurshay niyeysteen in Muslimiinta ku nool Koonfurta la gaarsiiyo!

6- Soow Deeqda Hadraawi wax ka wado ma noqon Waliimadii loogu yeeri jiray dadka ladan; oo laga celin jiray dadka masaakiinta ah ee cuntada u baahan? Dekedda Xamar waxaa buuxiyey deeqdii lagu soo aruurshay magaca Soomaalida iyadoo la ogyahay in Amisom ka taliso xaafado Xamar ah! Xitaa Amisom deeq ma geyso meelaha Qabuurogaleenku joogaan sida qeybo ka mid ah Galgaduud ama meelaha maryocalastu joogto sida degmooyin Gedo ka mid ah! Saasooy tahay Hadraawi iyo Ashahaado-la-dirirka la socda waxaa la is tusayaa Beesha Gaalada iyo shacabka Soomaaliyeed markaasaa dekedda Xamar oo cunto ka buuxdo waxaa Amisom la siiyey lacag doolar ah! Waxaa intaas dheere diin-sooc!

somalimemo.net


7- Hadraawi ma saasuu ugu abaalguday Lafoole iyo Qansax-dheere?! Mise Hadraawi waa u xanaaqsan yahay Qansax-dheere?! Dhulkaas Hadraawi aadka u yaqaan waxay hoos dhacaan meelaha ay maamulaan Xarakada! Caqligu wuxuu keeniyaa in inta Hadraawi halkaas tago, inta waqtiga u hartay, guubaabsho Muslimiinta iyo Jihaadka! Laakiin in magaciisa loo isticmaalo diin-sooc iyo Ashahaado-la-dirirnimo waa nasiib-darro!

8- Waxay ila tahay inaan hadda fahmeynno wuxuu Hadraawi ka waday:


Allahayoow nin daacada
Allahayoow nin daallina
deeqdaada ha u simin!


Soow deeqdii loo dhiibay Hadraawi inta ka leexshay dad Shareeco Islaam heysta uma geyn dad gaalomadow hoos jooga (kuma Amisom hoos jooga iyo kuwa Kibaki hoos jooga)? Soow ma cadda in Hadraawi madax daalimiin ah deeqdii u dhiibay? Yaa shaki uga jiraa in Amisom iyo Tarsan daalimiin yihiin? Yaa shaki uga jiraa in Kibaki daalin yahay? Marka hal-abuurku ma wuxuu rabay in qof daalim ah loo dhiibo deeqda Ilaah?

9- Haddii la yiraahdo warbaahinta Somaliland baa laga sheegay intaan la bilaabin sadaqo-aruuriska in lacagtaas aan loo geyneyn dadka Shareecada hoos harsanaya; haddee sadaqo maaha waxaasi; waxayna keeneysaa in hal-abuur Hadraawi uusan helayn cududaar hadduuba isagoo saas og ku galay inuu raalli ka noqdo in shacab Shareeco darteed lagu faquuqo! Waana arrin aakhiro iyo adduun seeg ah!


Ma Ogyahay Hadraawi in Dad Masar iyo Turkiga u Dhashay Deeq Geeyeen Xerada Aala Yaasir?

Waxaa hal-abuurka ceeb ugu filan in Muslimiin ka socota Masar iyo Turkiga tageen xerada ku taal kiiloo mitir 50 ee loo yaqaan Aala Yaasir halka isagu ka raadgadanayo inuu tago dhulkuu deggennaa sida Lafoole iyo Qansax-dheere! Muslimiinta Turkiga u dhalatay muddaa loo xiray arrintaas halka hal-abuurka iyo dadka kale ee "Somalilander" ka ah diin-sooc ku sameeyeen Muslimiintaas u badan Koonfurta Soomaaliya!


Hadraawi iyo Hal-abuurradii reer Waqooyi



Hadraawi waa iska reebay hal-abuurradii reer Waqooyi oon qaarkood diin badan aqoon laakiin lahaa qaddiyad ay ku fogeyd Caqiidada Al-Walaa Wal-Baraa. Hal-abuurradaas oo intooda badan gumeysiga hoos jooga baa si toos ah u sheegi jiray nacaybkay u qabaan gaalada. Halabuurradaas waxaa ka mid ahaa Ibraahim Sheekh Saleebaan (Ibraahim-gadhle) Allaha u naxariisee oo Jibuuti ka halgamay. Wuxuu yiri:


Isticmaarku oodduu dhigiyo, qodaxdii waa taalle

Ma ilbixin kuwii aan lahaa, way ka aargudane

Iglan baaba loo dhoofiyaa, weli addoontiiye

Iib baa Amriik loogu diray, odayo waaweyne

Almaaniyana kolay tahay, nala asqaysiiye

Kol hadday abiid ii yihiin, oohintiyo ciilku

Uurkii islaantii maxaan, uga abuurmaayay?

Oofta iyo hooyaday maxay, adhaxda ii saartay?

Allahayow awoowiyo muxuu, aabbe ii dhalayey?

Soow Barkhad Cas Allaha u naxariisee ma oran:

Wax ii gooniyiyo guhaad ma qabee
Somaalaa gidigeed is gaadaysoo
Cadhadaan gubnahay waa gumaysiga
Rag baa gacalkay nakala gooyoo
Gaaliyo nacab baa u geesa ahoo 
Afgaranwaagu wa gumaysiga



Allaha u naxarisitee C/Laahi Suldaan Timo-cadde wuxuu yiri:

Galool iyo maraa iyo hashaan,  kidiga geylaanshey

Gaajiyo harraad badan hashaan,   ugu garaacaayay

Goortuu sidkeedii go'ay oo,  galabtii foolqaaday

Ayadoo candhada giijisay   oo, godol ku sii deysay

Garaad midaan lahayn bay,  la tahay waad ka gaagixine

Annagoo gantaalaha dhaciyo,  haysan qori gaaban

Hashaan gaadda weynow libaax,  uga gaboon waayey

Inaan Goroyo-cawl uga tagaa,  waa hal soo gudhaye.



Ha iloowina C/Laahi Qarshe markuu Ingiriiska u hoos gashay muusikada caanka ah isagoo  ku khalday in loogu talogalay hees ka hadlaysa Caraweelo laakiin ahayd hees waddani ah! Haddii C/Laahi Qarshe yiri:

Dalkaan dhawaaqaya
Dhulkooda doonayaa
Hadday u dhiidhiyeen
Allahayoow u dhiib.



Soow Hadraawi lagama rabin inuu dhaho:

Dadkaan dhawaaqayaa (Shabaabka)
Diintood u dhiidhiidiyi
Hadday ku dhagan yihiin
Allahayoow u dhiib?



Waxaan suugaanta kusoo xirayaa soow hadda Hadraawi magan uma ah Amisom oo dadkii Soomaaliyeed xasuusqay? Soow lacagta iyaga laguma wareejin? Soow Amisom marti looma aha? Wuxuu Khaliif sheekh Maxamuud  oo reer Bari ahaa yiri:


Nimankii middida saaray baa meel la hurudeene
Ood waliba maamuus salaan ugu mihiibteene



Maaddaama hal-abuurku uusan siyaasi ahayn intaas baan ku dhaafayaa laakiin waxaan ku soo xirayaa arrintaas hal-abuurka la dhex istaajiyey ayaa  kummaankun oo jeer ka weyn oo qarinaysa socdaalkiisii nabadda iyo xabsi-gurigii kacaanku kusoo rogay! Marka waa nasiibdarro in halabuurku sumcadduu ku lahaa Soomaalida u sarrifo maamul Ashahaado-la-dirirka ah, Amisom, iyo Beesha Gaalada! Hadduusan hal-abuurku ka toobad keenin; ma filayo inay jirto wax ka meyri kara ceebtaas! Oo haddii Hadraawi ku guubaabin jiray in shacabka reer Waqooyigu ku kacaan Maxamed siyaad; maxaa u diidday inuu nagu guubaabiyo inaan ku jihaadnno gaalomadowda? Soow tuu lahaa:

Hargeysa ma toostay?  War waxba yuusan dad guubaabine; muxuu dacaayadda ugu sameyneysaa Ashahaado-la-dirirka iyo Amisom? Muxuuse u diin-soocay Muslimiinta ku dhaqma Shareecada Islaamka?!

Xaqiiqdii, Muslimiinta Shareecada ku heysata Koonfurta Soomaaliya uma baahna dhowr boqol oo kun oo siyaasiyiin wataan oo Ilaah baa uga deeq roon laakiin waxaa la-yaab leh in maanta halkaas la istaajiyey Hadraawi! Marka Islaamkaa na baraya in Khaatumadu muhiim tahay. Marka hal-abuurku ha fiirsho da'duu joogo iyo ficilka uu ku kacayo isagoo gacanta u galay maamullo Ashahaado-la-dirir ah, Amisom, iyo Beesha Gaalada! Marka rag waa kii hore; hadalna waa intuu yiri!


Waxaa intaas dheer wadaaddo jooga Kenya baa iyaguna xeryaha Kenya iyo UNHCR xukumaan keliya wax u aruursha oo iloobay dhulkay ku soo barbaareen! Wadaaddo kale baa hoos jooga Faroole iyo Siilaanyo. Marka haddii wadaaddadii noqdeen: Fiqi tolkiis kama janno tago ama ka baqeen gaalo; yaa weeye cidda la yaabeysa hal-abuur dhinac ka raacay tolkiis;  ayna sidoo kale heysato baqdinta gaalada?!

Waxaan wax ku dhisay akhbaarta isoo gaartay ee ah in lacgtaas ay wadaan barna la dhiibayo qolyaha Amisom hoos jooga; barka kalana loo gudbinayo xeryaha ku yaal xad-beenaadka ee Kenya iyo UNHCR gacanta ku hayaan. Marka haddii akhbaartaasi been noqoto oo lacagta wax laga siiyo shacabka ku dhaqma Shareecada; faalladan waxay noqoneysaa wax kama jiraan. Bal aan aragnno in hal-abuurku sida wafdigii Masar iyo Turkiga ka yimid booqdo xeryaha ku yaal dhulka Shareecada lagu xukumo!


F.G. Haddii shacabka reer Waqooyiga iyo ciddii lacagtaas bixisay ugu talogaleen in Tarsan iyo Amisom loo dhiibo kala-bar; kala-barka kalana loo gudbiyo Kenya iyo UNHCR; iyadoon wax laga siin dadka Shareecada ku dhaqmaya ee deggen Koonfurta Soomaaliya haddee dambiga wax bey ku leeyihiin laakiin waxay u muuqataa inaysan arrintu saas ahayn ee maamulka Siilaanyo goosteen in lacagtaas aan wax laga siin dadka Shareecada isku xukuma iyadoo Beesha Gaalada la raalli gelinayo! Marka waxaan filayaa inay nagu soo socdaan fal-celinta shacabkii lacagtaas bixiyey ka baxshaan lacagtaas diin-sooca  Hadraawi iyo saaxibbadiis ku sameeyeen!


C/Waaxid C/Laahi Khaliif
Cabdulwaxid@hotmail.com

No comments:

Post a Comment