Wednesday, October 26, 2011

Ahlu Sunna oo soo dhawaynaysa cid waliba oo la dagaalamaysa Shabaab

Shabelle News

Dhuusamareeb: (Sh. M. Network)  Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljaamaca ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan dowladda waliba oo gacan kasiinaysa dagaalada ay kula jiraan Xarakada Al shabaab.

Gudoomiyaha guddiga Talada ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheeh Cumar Sheekh C/qaadir Aadan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu cadeeyay in ay taageerayaan cid waliba oo gacan ka siinaysa la dagaalanka Xarakada Al Shabaab oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir Aadan  ayaa waxaa uu sheegay inay socdaan howlgallo lagu doonayo in Al Shabaab looga sifeeyo gobolada ay Maamulaan, isagoo xusay in hadii dowladda Kenya, Ethiopia iyo dowladaha kale ay gacan ka siinayaan la dagaalanka Al Shabaab ay si diiran usoo dhawaynayaan.

Maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe ayaa marar badan ku cel celiyay inay isku diyaariyeen dagaal ka dhan ah Al Shabaab oo looga saarayo goboladaasi.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net

No comments:

Post a Comment