Tuesday, October 25, 2011

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Shariif Shiikh Oo Ka Hadlay Xadgudubka Jamhuuriyadda Keenya

Banaadir Weeyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Shariif Shiikh Oo Ka Hadlay Xadgudubka Jamhuuriyadda Keenya                                                  Muqdisho, 25-10-2011 (Banaadir Weyne) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo shalay kormeer ku tagay Degmada Dayniile kadib markii Argagixisada Alshabaab xoog looga saaray, ayaa lagu soo waramaya inuu ka hadlay Soogelitaanka Ciidamada Keenya Ee Soohdinta Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed wuxuu yiri:

“Waxaa jira waxyaabo yaryar oo aan u aragno inaysan habbooneyn. Waxaan kala hadalnay Dowladda Kenya. waxyaabahaas Waxaa kamid ah inay Ciidamo Keenyaan ah iska soo galaan Soomaaliya. Jamhuuriyadda Soomaaliya ma ogola taasi, Dadka Soomaaliyana ma oggola.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri:
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:

“Sidaad la socotiin Ciidamada AMISOM ee hada joogo Soomaaliya waxey ku joogaan ogolaanshaha Dowladda Soomaaliya iyo dadkeeda iyo damaanad ay siisay Qaramada Midowday iyo Ururka Midowga Afrika. Marka iskaashi ayaa naga dhexeeya Dowladda Kenya, laakiin waxaan kala hadalnay habka aan anaga u rabno inay noo kaalmeeyaan inuu yahay hab cad oo ah in Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya inay diyaar u yihiin inay shaqada qabsadaan, Keenyana aan uga baahanahay inay gacan siiyaan Ciidamada Soomaaliya ee aysan dhicin wax intaas ka duwan. Wadashaqeyn xooggana ay jirto oo laga wada shaqeeyo nabadda iyo soo-celinta nabadda dalka.”

No comments:

Post a Comment