Tuesday, October 25, 2011

Banaadir Weeyne


Ilyaas Barre Shiil "Hadda Wixii Ka Dambeeya Looma Dulqaadan Doono Kuwa Fikradaha Al-Shabaab Ku Faafinaya Wadanka Kenya isla markaana la soo qabqaban doono
Ilyaas Barre Shiil "Hadda Wixii Ka Dambeeya Looma Dulqaadan Doono Kuwa Fikradaha Al-Shabaab Ku Faafinaya Wadanka Kenya  isla markaana la soo qabqaban doono                                                            Nairobi, 24-10-2011- (Banaadir Weyne)- Kaaliyaha xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Kenya Ilyaas Barre Shiil ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda nabadgelyada wadamada Kenya iyo Soomaaliya, waxaana mas'uulkaan oo u hadlayay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga dadweynaha ay ku weydiinayeen su'aalo la xariira sababta ciidamada Kenya u soo galeen gudaha wadanka Soomaaliya.

Ilyaas Barre Shiil oo ka mid ah madaxda Soomaalida NFD-da ee Dowladda Kenya madaxdeeda ka tirsan ayaa waxa ugu horeyntii ka hadlay xaaladda nabadgelyo darri ee ku soo korortay wadanka Kenya, isagoona xusay qaraxyo iyo falal amni darri oo horay uga dhacay wadanka Kenya.

Mar la weydiiyay sida lagu kala garan karo dadka Soomaaliyeed ee Kenya ku sugan kuwooda dhibaatada ka wada iyo kuwa caadiga ah, waxa uu sheegay in Soomaalidu aysan lahayn wax sir ah, isagoo tilmaamay in Soomaalida ay masaajidada inta ka istaagaan si toos ah u taageeraan afkaaraha Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in hadda wixii ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin kuwa fikradaha Al-Shabaab ku faafinaya wadanka Kenya isla markaana la soo qabqaban doono.

Dhinaca kale Ilyaas Barre Shiil ayaa ugu baaqay Soomaalida qurba joogta ah inay inta ka soo tagaan wadamada qabowga ah ay wadankooda ka qeyb qaataan sidii nabadda iyo kala dambeynta loogu soo celin lahaa, isagoona sheegay in xilligaan ay Soomaalidu bedelmeen dhaqamadoodii iyo caqiiqadoodii, isla markaana ay saameyn ku yeesheen xaaladad nabadgelyo ee wadamada geeska Afrika, isagoona caddeeyay in afkaaraha xagjirnimada ay ku sii faafayaan.

Mas'uulkaan Soomaali-Kenyaatiga ah wuxuu kaloo xusay in isagu uusan weligiis taageerin isla markaana raalli ka noqon hantida dadka Soomaalida ah ee Kenya ku sugan in waxyeello loo geysto, isagoona sheegay in Dowladda Kenya aanay marnaba raalli ka noqoneynin hantida Soomaalida Kenya degan in waxyeelo loo geysto, wuxuuna dhinaca kale shaaciyay in Dowladda Kenya ay dadaalklii ugu ballaarnaa iminka ku bixineyso sidii loo taargad gareyn lahaa shaqsiyaadka xagjirka ah ee xiriirka la leh ururrada argagixisada sida Shabaab iyo Al-Qaacida.


Isha: Somaliweyn


No comments:

Post a Comment