Wednesday, October 26, 2011

Madaxweyne Shariif oo ku adkeystay mowqifkiisa

Shabelle News


Muqdisho: (Sh. M. Network) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo maanta mar kale hadlay ayaa waxa uu ku adkeestay mowqifkii uu kaga soo horjeestay in dowladda Kenya ay ciidamadeeda soo galaan gudaha dalka Soomaaliya.

Wararka Shabelle ay ka heleyso aqalka Madaxtooyada Fila Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in kadib kulan ay halkaasi ku yeesheen Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada, Madaxweynaha uu ku adkeystay mowqifkii uu kaga soo horjeestay soo galitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo kulankaasi goob joog ka ahaa ayaa waxa uu halkaasi ka aqriyay hashiiskii ay gaareen dowladda KMG iyo mida Kenya markii ay wasiiro ka socday ay soo gaareen magaalada Muqdisho, waxaana wasiirka uu sheegay in Kenya ay ku heshiiyeen inay kaliya ay ka taageerto la dagaalanka Al Shabaab iyo tababarida ciidamada dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisa ay kasoo horjeesteen wadamada Caalamka ayaa waxa uu mar kale ku celiyay in si cad ay uga soo horjeedaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed inay ciidamada Kenya soo galaan gudaha dalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Max’ed Cali oo Saxaafadda ay weydiisay waxa ka jira in isaga iyo Madaxweynaha ay isku qilaafsan yihiin go’aankaani ayaa waxa uu sheegay in arintaasi ay tahay waxba kama jiraan islamarkaana ay tahay mid ay Saxaafadda buun buunisay.

Hadalka Madaxweynaha uu mar kale ku sheegay inay kasoo horjeedaan soo galitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa wax yar kadib markii wadamada reer galbeedka gaar ahaa Maraykanka iyo Midowga Yurub ay wax laga xumaado ku tilmaameen hadalka Madaxweyne Shariif ayna ku teegeereen dowladda Kenya inay gasho Soomaaliya.


Shabelle M

No comments:

Post a Comment