Tuesday, October 25, 2011

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Si Buuxda U Taageeray Gelitaanka Ciidamada Keenya Dalka Soomaaliya

banaadirweyne.com

 Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Si Buuxda U Taageeray Gelitaanka Ciidamada Keenya Dalka Soomaaliya                                                                                   Muqdisho, 25-102011 (Banaadir Weyne) - Waxaa soo ifbaxaya in Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif iyo Raiisulwasaaraha Cabdiwali ay labo mowqif oo iskhilaafsan ay ka taagan yihiin Gelitaanka Ciidamada Keenya Ee Dalka Soomaaliya.

Madaxweeynuhu wuxuu shalay isaga oo arintaas ka hadlaya uu sheegay in uusan ralli ka ahayn ciidamada Keenya oo amar la’aanta kusoo galay dalka Soomaaliya halka Raiisulwasaare Cabdiwali uu sheegay in Soomaaliya iyo Keenya ay leeyhiin dano iyo istrateejiyad midaysan oo gundhigeedu yahay in laga adkaado Ururka Argagixisada Alshabaab . Raiisul Wasaaraha oo sababaynaya waxa ku kallifay Keenya in aay ciidamadooda soo galiyaan dalka Soomaaliya wuxuu sheegay in Argagixisada Alshabaab ay bilaabeen in aay qaarna dilaan qaarna qafaashaan dadkii dalxiiska u imaanayey dalka Keenya iyo kuwii u adeegayey qaxootiga.

Mudane Cabdiwali wuxuu intaa ku daray in xeebihii dalka keenya sida Mombasa , Laamo, Mealiindi ay haawanayaan oo dalxiiskii ka cararay taas oo keentay in 90% dalxiiskii dhaqaalaha Keenya uu ku dhisnaa uu hoos u dhac baaxad leh uu ku yimaado. Raiisul Wasaare Cabdiwali wuxuu intaas raaciyey in Dowladda Keenya ay martigalisay 500.000(Nusmalyan)qaxooti soomaaliyeed ah kuwaas oo Argagixisada Alshabaab degaanadoodii -xoog uga soo saartay.

Raiisulwasaare Cabdiwali wuxuu sheegay in Dowladda Keenya lagu kalifay in aay Soomaaliya gudaha usoo gasho . Raiisulwasaare Cabdiwali isagoo wareeysi siinaya wargeyska caanka ah ee 'The Star' oo ka soo baxa dalka Kanada arintaas wuxuu sheegay in uusan dheg u jalaqsiinayn cidkasta oo ka soo horjeeda arintaas ku saabsan in si wadajir ah loo jabiyo Ururka Argagixisada Alshabaab.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sharii Xasan Shiikh Aaden ayaa weli ka hadlin Faragalinta Keenya Ee Dalka Soomaaliya. Hase yeeshe, dadka siyaasadda indha-indheeyo waxey rumeysan yihiin in Mudane Shariif Xassan uusan ka horimaankarin rabitaanka Keenyaanka. Sababtoo ah waxaa keenya yaal hanti iyo maal farabadan oo uu Mudane Shariif Xasan leeyahay.

Isha: Somali Weyn

No comments:

Post a Comment