Tuesday, October 25, 2011

Xukmada oo xasuuq ku haysa shicibka,si sharci daro ahna u xidha oo garaacda suxufiyiinta

Written by Qaran news   
Jul 16, 2011 at 12:39 PM
GabadhToogashoHargysa
Hargysa,(Qaran news) Sawirkani waa Ayaan Saleebaan Cali Nuur, oo muwaadinad 

Somalilander ah kuna nool magaalada Hargysa, gabadhaasi yar ayaa ciidamada booliska ee xukumada Siilaanyo ay shalay si axmaqnimo ah ugu toogteen magaalada Hargysa.
Todobaadkii horana waxa ay ciidamada boolisku ay 10 xabadood ku dhufteen oo isla markiiba geeriyooday wiil 30 jir ah oo ku noolaa xaafada New Hargysa wiilkaasi oo la odhan jiray Xariir Cismaan Cawaale marxuumkaasi ayaa lagu aasay xabaalaha naaso hablood ee magaalada Hargysa.
Madaxda iyo madaxweynaha hada ee Somaliland ayaa xukumadihii hore ku dhaleecayn jiray in ay xuquuqda shicibka meel kaga dhacayaan,xiligii ay mucaaridka ahaanjireen, hase ahaatee waxa xaqiiq noqotay in xukumadani ay tahay tii ugu xadgudubka badnayd ee soo marta Somaliland.oo shicibka masaakiinta ah ku haysa xasuuq
Isla markaasina dhiigii shacbigii soo doortay ay daadinayso, xagii wax qabad laga sugaayay ay xabad la dhacday oo ka dhigtay wax ay dhaawacday iyo wax ay dishay.
Dhanka kalena Ciidamada ee booliska ee Magaalada Hargeysa ayaa 16-kii isla bishani  si arxandaro ah u garaacay sawir qaade  Cabdinuurow  Cabdi Aboorey oo ka tirsan Telefishanka Sateliite-ka  ah ee Horn Cable TV oo xaruntiisu tahay  Hargeysa, iyada oo markii dambena loo taxaabay, inkasta oo markii uu in mudo ah ku jiray xabsiga suxufigaasi xorioyadiisa loo soo celiyay, hadana waxani ay xukumadu samynysaa waa waxii ay ku dhaliili jirtay xukumadii ka horaysay oo ay waliba ay baro dhaafisay una baahan in sharciga la hor keeno dadka waxani samynaaya ee umada dhibaaya
Dilalka noocani ah ee ay xukumadda Silaanyo ku haysa shicibka ayaa waxa aan haba yaraatee ka hadlin hay'adihii xuquuqal iinsaanka ee qaylin jiray iyo saxaafadii afka dheerayd ee umada iyo qaranimada Somaliland u adeegi jirtay oo hada cadaatay uun in ay xisbi u adeegayeen markii jagooyinkii dawlada lagu taxayna ka aamusay xasuuqa umada
Last Updated ( Aug 19, 2011 at 08:03 PM )

No comments:

Post a Comment