Tuesday, October 25, 2011

banaadirweyne.com
Xildhibaano Katirsan Barlamanka KMG Soomaaliya Ayaa Soo Dhaweeyay Go’aankii Madaxweynaha Soomaaliya uu kaga soo-horjeestay in Ciidamada Keenya Ay Soo Galaan Gudaha Soomaaliya
Xildhibaano Katirsan Barlamanka KMG Soomaaliya Ayaa Soo Dhaweeyay Go’aankii Madaxweynaha Soomaaliya uu kaga soo-horjeestay in Ciidamada Keenya Ay Soo Galaan Gudaha Soomaaliya                                                        Muqdisho, 25-10-2011 (Banaadir Weyne) - Kadib markii Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed hadal uu jeediyay shalay uu ku sheegay in dowladda ay kasoo horjeedo in Ciidamada Kenya ay soo galaan Soomaaliya ayaa waxa ay arintaasi soo dhaweeeyay Xildhibaano ka tirsan barlamanka.

Xildhibaan Mowliid Macaane oo ka mid ah barlamanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in uu soo dhawaynayo hadalka Madaxweynaha uu kaga soo horjeestay soo galitaanka Kenya ee gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay in Kenya ay sharci daro kusoo gashay dalka, wuxuuna tilmaamay in dowladda wadankaasi ay dhibaato kala kulmi karto howlgallada ay ka wado Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Ibraahim Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in Kenya ay ku saxantahay xaqiijinta amaanka dalkeeda hase ahaatee waxaa uu sharci daro ku tilmaamay in Kenya ay soo gasho gudaha Soomaaliya, iyadoo aysan wax fasax ah ka heysan dowladda KMG ah Soomaaliya.

Soo galitaanka Ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Mas’uuliyiinta dowladaha Caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo qaarkood soo dhaweeyay soo galitaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya halka kuwa kalana ay kasoo horjeesteen.


No comments:

Post a Comment