Wednesday, October 26, 2011

Odayaasha Gedo oo kasoo horjeystay soo galitaanka Kenya ee Somalia

Shabelle News

Baardheere: (Sh. M. Network) Odayaasha gobolka Gedo ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Baardheere waxa ay kaga soo horjeesteen soo galitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya oo ay sharci daro ku tilmaameen.

Kadib markii bartamihii bishaan Ciidamada Milatariga dowladda Kenya ay gudaha u soo galeen qeybo ka mid ah gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa arimahaasi waxaa kulan ka yeeshay Odayaasha dhaqanka  gobolka Gedo oo talaabadaasi ku tilmaamay mid sharci daro ah.

Ugaas C/laahi Macalin Haaruun oo ka mid ah Odayaasha maanta kulanka ku yeeshay degmada Baardheere ee gobolka Gedo islamarkaana loo soo wakiishay in uu Warbaahinta ugu warbixiyo waxyaabihii ay kawada hadleen ayaa waxaa uu sheegay in mar ka hore ay cambaareynayaan Ciidamada Milatariga dowladda Kenya ee gudaha usoo galay Soomaaliya.

Ugaas C/laahi ayaa waxaa uu tilmaamay in Odayaasha dhaqanka ee gobolka Gedo aysan marna ogalayn Ciidamada Kenya oo ay tilmaameen inay kusoo xadgudbeen dalka Soomaaliya, waxaana uu carabka ku dhuftay in talaabada ay qaadeen Ciidamadaasi ay tahay gumeysi cusub sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray in dowladda Kenya ay ugu baaqayaan in Ciidamadeeda ay kala baxdo dalka Soomaaliya oo uu sheegay in uu soo maray marxalado kala duwan, wuxuuna tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in Ciidamadaasi ay si shuruud la’aan ah ugu baxaan Soomaaliya.

Soo galitaanka Ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya uu sheegay in shacabka iyo dowladda marna uusan  raali ka noqon doonin Ciidamada Kenya ee gudaha usoo galay Soomaaliya.


Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net

No comments:

Post a Comment