Tuesday, May 26, 2015

XOG: Ciidamada Nabad sugida oo jir dilay Xilibano Baarlamanka katirsan

Qaran News 24 logo

May 23, 2015 Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya  ay Maanta Garaaceen Xildhibaano kamid ah Baarlamanaka kadib Buuq maanta ka dhashay Xarunta Golaha Shacabka.
Guddoomiye Jawaari ayaa Guddiga Amniga Baarlamaanka ka dalbaday in ay Deg Deg u baaraan  Arrinta ay Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya maanta ay ku dhaqaaqeen.
Warar maanta laga helay Xarunta Baarlamaanka ayaa sheegaya in Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ay Baarlamaanka ku wargaliyeen in Xarunta  ay Qaraxyo ka Buuxaan islamarkaana aan kulanka uusan dhici karin.
Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegay in Qorshahaasi lagu doonayay in lagu baajiyo Mooshinka laga soo gudbiyay Baarlamaanka Jubbaland ee maanta loo Balansanaa in Cod loo qaado.

http://qarannews24.com/?p=13338

No comments:

Post a Comment