Friday, September 2, 2011

Gabar ka tirsaneed Shabaab oo dil lagu xukumay

Sunday 28 August 2011 08:41

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Maxkamada milatariga ayaa xukun dil ah ku riday saakay oo Axad ah Haweeney ku eedeesneed taageerada Shabaab oo ku jirtay gacanta dowlada dhawaantan.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Xasan Maxamed Xuseen  ayaa isaga oo ka hadlay goob shalay lagu xukumay labo ruux oo midkood aheyd haweenay lagu eedeeyay inay hub ka iibinaysay Alshabaab iyo askari ka tirsan ciidamada dowlada oo lagu xukumay Xukun Dil ah ayaa gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sidda waxa uu sheegay in digniin kama dambeys ah uu u jeediyay shacabka Somaliyed iyo Ciidamada dowlada KMG Somalia taa oo ku aadan inaysan ka hor imaan Sharci dalka.
Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka Sidda ayaa waxa uu caddeeyay in ruuxii lagu arkaa isaga oo iibinayo hubka Ciidamada dowlada iyo ruuxii lagu arkaa isaga oo dhac ka geysanaya goobaha Barakacayaasha oo ka tirsan ciidamada dowlada iyo shacabka Muqdisho in lagu xukumayo xukun dil ah iyada oo loo eegayo buuga Labaad ee xeerka Ciqaabta dalka sida uu hadalka u dhigay.
Xasan Maxamed Xuseen Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Sidda ayaa sheegay inaan loo duldaaqan doonin in ciidamada Dowlada ay si hoose u iibsadaan Hubka iyo dareeska loogu tallo galay ciidamada dowlada isaga oo sheegay in mar walbaa ciidamada dowlada ay baaritaano ay sameynayaan askrigii lagu arkaana la xukumi doono waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Rasaas waayba badan tahaye ciddii lagu arkaa hal baalooto oo AK47 Cidii ay ku cadaato inay Caddowga u gudbinayso ama tuute ha gashnaato ama shacab ha ahaato, xukunkeeda dil toogasho waaye ,waxaana lagu qaadayaa ceerka ciqaabta buuqa labaad cidii lagu arkaa arinta waana ka digaynaa”ayuu yiri Xasan Maxamed Xuseen.
Si kastaba Ma ahan markii ugu horaysay oo hadal digniin ah uu soo jeediyo Gudmooyaha Maxkamada ciidamada qalabka sidda Xasan Maxamed Xuseen iyada oo sidoo kale ay jiraan xukuno kale oo ay maxkamada ku fulisay askar ka tirsan ciidamada dowlada.
www.keydmedia.net

No comments:

Post a Comment