Friday, September 2, 2011

Aas-Asanka Al-Shabaab (Qeybta 1-aad)


Thursday 25 August 2011

Nairobi (Keydmedia) - Qormadaan waxey Horudhac u tahay Qormooyin Duxda Shabaab guda gali doona! - Qormadan waxaan ku milicsan doonaa abuurankii Al-shabaab iyo marxaladihii la soo maray, waxaan la kulanay oo la sheekeysanay dad kala duwan mudadii aan wadnay baaritaanka Sheekadan.
Dad badan maqalka shabaab waxa uu dhagahooda ku dhacay horaantii 2009-kii kadib kolkii shariif Shiikh Axmed loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, waxayna rumeysan yihiin dadkaasi in shabaab ay ahaayeen koox ku dhex Milan maxkamadaha, laakiin arinkaasi waa ma ahan sax uu waxa jira in jiritaanka kooxda uu ka fogyahay intaas.

Xubna hore uga mid ahaa shabaab isla markaana qaabab kala duwan ula soo shaqeeyay waxa ay sheegeen in Shabaab taariikh ahaan ay la fac egyihiin ururka Al-itixaad ama ka fac weyn yihiin, waxaana dadka sidaas rumeysan ay daliishanayaan is dhinac dhigayaan qeyb ahaan dhaqankii Itixaad iyo shabaabka manta.

Waa ayo shaqsiyaadkii bilaabay Shabaab

Waxaa loo nisbeeyaa aas-aaska kooxda shabaab seddex shaqsi kuwaasoo hada uu ka nool yahay mid qura sida ay noo sheegeen dad xog-ogaal ah, aas-aasayaasha shabaab ayaa la sheegay in ay kala ahaayeen.

Aadan Jihaad- wuu dhintay sida la xaqiijiyay

Aayatulaha –Sidoo kale waa uu geeriyooday

Ibraahim Xaaji Jaamac Micaad  Afgan- waa uu nool yahay waxa uuna ka mid yahay saraakiisha xiligan ee shabaab.

Markii ay howasha mudo soo wadeen seddexdan shaqsi ayaa waxaa ku soo biiray dhalinyaro kale kuwaasoo fikirka lagu beeray isla markaana si deg deg ah ku qaatay  afkaarta ka timid seddexda Shaqsi.

Xog-ogaalka waxa ay sheegeen in dhalinyaro wax ku soo baratay wadamada Afgaanistaan iyo Pakistaan ay ahaayeen furaha xiriirkaas, waxaana la sheegay in Ibrahim Afgan sida magacaba ka muuqata uu ka mid ahaa dhalinyarada  ka soo baxday jaamacadaha Afgaanistaan.

Xiriirkii ugu horeeyay waxa ay la sameesteen Al-qaacida xiligii uu socday Dagaalkii soofiyeedka lagu burburinayay iyadoona xiligaas uu xilka gudoomiyaha guud ee Alqaacida uu hayay ninkii ka horeeyay Osaama.

Muda marka la sii joogaba waxa uu ahaa xiriirka mid sii xoogeysanaya, waxaana taasi ay sababtay in kolkii danbe la gaaro in ciidamo leys weedaarsado tababarkana uu noqdo mid iska caadi ah.

Soo shaac bixii kowaad

Ka hor inta aanay awoodsan maxkamadaha, waxaa ku soo xoogeestay dalka dhalinyaro lagu soo tababaray Afgaanistaan, kuwaasoo bilaabay in ay ka dhiidhiyaan falal ay ku kici jireen hogaamiye kooxeedyada Soomaalida kaasoo ah iibinta culimada calaamadaha diinta ay ka muuqato.

Waxa ay iyaga oo qarsoon abaabuleen dagaalkii lagu tuuray awooda maxkamadaha, waxaana isla markiiba ay isku sharaxeen qeybta tababarada iyo ciidamada iyagoona ujeedadooda ay aheyd in arday badan la soo saaro si ay dagaalka Soomaaliya ee Alqaaciada loo xoojiyo.

Durbaba waxaa la furay xaruma ciidan oo kale duwan kuwaasoo dhamaantood leysugu geeyay dhalinyaro da’yar kuwaasoo la baray dhamaan hababka isticmaalka hubka iyadoona kolkii danbe ay noqotay in awooda shabaab ay sii fido.

Laakiin mudadii ay maxkamadaha jireen magaca ay ku howl galayeen waxa uu ahaa Khaalid Bin waliid, waxaana ay ka fakarayeen sidii lagu soo bandhigi lahaa magaca ay Alqaacida raaliga ka tahay ee Al-shabaab.
Qormadaan waxey Horudhac u tahay Qormooyin Duxda Shabaab guda gali doona!
Ahmed Warsame – Nairobi - Keydmedia Correspondent - ahmed.warsame@keydmedia.net

No comments:

Post a Comment