Friday, September 2, 2011

Amisom oo Muqdisho Ku Laayay Dhaqaatiir Malaysiyaan ah oo Howlo Samafal u Joogay






Friday 2 September 2011 18:47

Muqdisho (Keydmedia) - Ciidamada Amisom ayaa maqribnimadii caawa Muqdisho ku laayay dhaqaatiir u dhashay wadanka Malaysiya oo howlo samafal ku joogay wadanka.
Dhaqaatiirtan ayaa la socday gaari caadi ah waxeyna marayeen inta u dhaxysa KM4 iyo Airborka, wadada ay ku socdeen dhinaceeda ayaa waxaa marayay kolonyo baabuur ah oo Amisom wadatay, ciidamadaas ayaa is moodsiiyay in gaarigan qatar ku noqon karo islamarkiiba rasaas ayey ku fureen.

Saxafi u shaqeeya Tv-ga Maleysiya ayaa isla goobtii ku geeriyooday, dhimashaduna waa sii badnaan kartaa oo kuwa kale ayaa dhaawacyo liita lala qaaday.

Falkan ayaa ah gardarro cad oo loogu marmarsiyoonayo shaki, mana aha markii ugu horeysay oo dad rayid ah qaabkaas lagu laaayo

No comments:

Post a Comment