Wednesday, September 21, 2011

Hadaad Kaalinta 1aad gasho Quraanka Qori baad leedahay


Soomaalo.com

sawir hore loo qaaday
Wax aan la yaabay ayaan maanta maqlay, Raadiyaha Andaluus ee Shabaabku ku hadlaan ayaa tartan quraan samaynayay oo qofkii badiya oo kaalinta koowaad gala waxay siinayeen QORI AK47 ah .
Qofkii galay kaalinta koowaad wuxuu helay $700 iyo qori aake ah, kan labaadna $500 iyo qori kan sadexaadna wuxuu helay laba Bumbo.. waa sida jirta ahna mid naxdin leh.
In Carruur yar yar ah intii Diinta si fiican loo bari lahaa la siiyo qoryo iyo miinooyin waa wax aan sugaynay ee hadda maxaa soo socda?.
Xal ma haysaan dhallineey.

No comments:

Post a Comment