|
Khamiis, Feberaayo 02, 2012 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali oo booqasho ku marayay dalalka Talyaaniga ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay inay la hadasho Xarakada Al-shabaab haddii ay hubka iska dhigaan.
Mudane C/weli Gaas wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay ka go'an tahay inay la hadasho cid walba oo nabad doonaysa, sidoo kalena ay dhowr jeer oo hore sidan oo kale sheegeen inay diyaar u yihiin inay la hadlaan Al-shabaab.
"Dabcan waxaan diyaar u nahay inaan la hadalno Al-shabaab haddii ay hubka dhigaan," ayuu ra'iisul wasaaruhu u sheegay wariyeyaal uu kula hadlay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.
Xarakada Al-shabaab iyo dowladda KMG ah oo kaashanaysa ciidammo fara badan oo ka socda dalalka Kenya, Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Itoobiya ayaa waxay ku dagaalamayaan gobollo badan oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Ma jiro hadal ay arrintan kaga jawaabayso Al-shabaab oo weli kasoo baxay, balse dhowr jeer oo hore ayay saraakiisha kooxdan sheegeen inaysan wax wadahadal la galayn dowladda KMG ah, sidoo kalena aysan gorgortan ka galayn hadafka ay u dagaalamayaan.
Dhanka kale, ra'iisul waaaraha Soomaaliya oo ka hadlay wadahadallo uu la yeeshay mas'uuliyiinta Talyaaniga iyo wixii kasoo baxay ayaa wuxuu sheegay in xukuumadda Talyaanigu ay u ballanqaadday inay gacan ka siinayso dowladda KMG ah, dhismaha ciidamada iyo horumarinta ammaanka.
Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaraha oo wax laga weydiiyay waxqabadka xukuumaddiisa muddadii ay jirtay ayaa wuxuu sheegay in tan iyo markii uu xilka qabtay lix bilood ka hor ay isbedello waaweyn dhaceen, kuwaasoo uu ka xusay in Muqdisho oo dhan ay gacanta ku dhigto dowladda iyo heshiiskii dhexmaray Puntland iyo DKMG ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya |
No comments:
Post a Comment