Khamiis, Feberaayo 02, 2012 (HOL) − Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah ayaa ku dhintay dagaal xalay ku dhexmaray degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya oo dhinac ah iyo Al-shabaab oo dhinac kale ah.
Dagaalkan oo billowday markii xoogagga Al-shabaab ay weerar gaadmo ah degmadaas ku qaadeen ayaa wararku waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay gudaha u galeen degmadaas ayna ku sugnaayeen muddo kooban.
"Weerar fulaynimo ah ayay degmada kusoo qaadeen, waana iska caabinnay, dhowr ruux ayaana kaga dhintay degmada," ayay yiraahdeen saraakiil ka tirsan DKMG ah oo la hadlay warbahinta, iyagoo sidoo kale sheegay inay jiraan dhaawacyo ka dhashay dagaalka.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Dhoobley ayaa xaqiijiyay in xoogagga Al-shabaab ay gudaha u galeen degmadaas ay muddo kooban ku sugnaayeen, waxayna xuseen inay arkeen maydadka lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah.
Dhanka kale, saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa dhankooda sheegay inay ku dileen degmada ciidammo badan oo Kenyan iyo Soomaali ah, waxayna xuseen inay muddo gacanta ku hayeen ayna markii dambe isaga soo baxeen.
Xukuumadda Kenya ayaan ka hadlin khasaaraha kasoo gaaray ciidamadooda xalay dagaalkii ka dhacay degmada degmada Dhoobley, iyadoo dagaalkan uu imaanayo xilli ay ciidamada isbahaysanaya kala wareegeen Al-shabaab gacan ku haynta deegaanka Hoosingow.
Degmada Dhoobley ayaa la sheegay inay hadda gacanta ku hayaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya ee isbahaysanaya, waxaase laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh, iyadoo dadku ay ka baqdin qabaa dagaallo kale oo ka dhaca degmadaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
No comments:
Post a Comment